Home » Warar »

Cali Ameeriko “Waan Cafiyey ninkii Diley Gabadheyda Muddo laga joogo 22 Sanno “

“Aniga oo Joga Baar Liido ayaa waxa isoo agfariistey Nin markaasuu I yiri ma kula hadli kaaraa markaas aan ku iri haa waa ila hadli kartaa, markasuu I yiri Aabbe waan maqaley in uu Dhintey marka walaal aniga waxaan ka mid ahaa Koox Maleeshiyo ah oo soo weerartey Gurigiina, waxaana Weearakaas ku Geeeriyootey Gabar aad dhashey marka waxaan maanta kaa doonayaa in aad I Cafiso” sidaa Waxaa yiri Cali Csimaan Ameriko oo sheegey in uu Cafiyey ninkii diley Gabadhiisa muddo laga joogo 22 Sanno ,
image

Cali waxa uu sheegey in Cafiskaan uu yahay mid ummada Soomaaliyeed u horseedi karo Dib u heshiisiin dhaba marka waxa talo ku soo jeedinyaa in Bulshada Soomaaliyeed ay iscafiyaan si dalka uu u gaaro Hurumar iyo Barwaaqo. .

Warar kale ee Soomaaliya hoos ka akhri

*******

. Maamulka Puntland oo sheegey in uu ka fiirsanaya wada hadaladii Dawladda Federaalka iyo Maamulkaas.

Iyadoo weli hakad uu ku jiro xiriirkii u dhaxeeyay Maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaa soo hadal qaaday Maamulkaas oo shaaca ka qaaday in ay ka fiirsanayaan wadada hadaladii u dhaxeeyay Maamulkaas iyo Dawladda Federaalka Somaliya. Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Quraan Jecel ) afhayeenka Puntland ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan sidii wadada hadaladii u dhaxeeyay labada dhinac boorka looga jafi lahaa isagoona hoosta ka xarriiqay in arrintaas gaabis uu kaga yimid dhinaca Xukuumadda.Afhayeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay haddii wada hadaladu aii socon waayaan in Maamulka Puntland uu aayihiisa ka tashan doono una lug xirnaaneyn Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in iaydu wax ka socon la’yihiin.

*****

Shaqaalaha Muruq Maalka Dekadda oo maanta Dibad bax Cabasha ah ka dhigay gudaha Dekadda.

Boqolaal ka tirsan Shaqaalaha Muruq-maalka Dekadda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa Dibadbax nabadeed ka dhigay gudaha Dekadda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho. Shaqaalahan oo watay Boorar ay ku qoran yihiin waxa ay ka cabanayaan ayaa sheegayay in aan loo baahnayn Shaqaalaha tiradaas la eg in shaqo la’aan la dhigo iyagoo isla markaana muujiyay sida ay uga xun yihiin Shirkadda Turkiga ee Al-BarakShaqaalaha oo la hadlay raga warka faafiya ayaa sheegay in Shirkaddan ay waddo qorshe ay shaqada kaga fariisinayso Shaqaalaha Muruq Maalka ah oo qaarkood muddo dheer ka soo shaqaynayeen iyagoona intaa raaciyay in Dawladdu Shirkaddaas ku wareejisay maamulkii Dekadda Xamar.

*******

Beeraleyda Shabeelaha Dhaxe oo ka cabsi qaba Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Wabiga Shabeelle oo mara Gobolo dhowr ah ayaa Xiligan wuxuu wadaa Biyo aad u fara badan iyadoo meelaha qaarna uu Jenbiyada JabsadayBeeraleyda ku dhaqan Hareeraha Jowhar ayaa iminka wada dadaalo ay uga hor tagayaan fatahaad uu sameeyo wabigaas oo maalmahan Biyuhu ay soo buux dhaafiyeen.Qaybo ka mid ah Gobolkaas ayuu durbaba bilaabay Wabigu inuu ku soo jabo Beeraha ku yaala Jiinka wabiga khaasatana Tuulooyinka Siidoow iyo Booleey oo Beerihii halkaas ku yaala wabigana aad ugu dhow ay gebi ahaanba Daadadku la tageen Dalagyadii kala duwanaa ee halkaa lagu tabcay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.