Home » Warar »

Qarax Ismiidaamin iyo Weerar lagu Qaadey Xabsiga Nabad Sugida ee Godka Jilocow ee Madaxtooyada ku Dhow.

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 31-8-2014

Qarax Xooggan oo lagu Tilmaamey in uu ahaa mid Ismiidaamin ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Xabsiga Nabad Sugida oo loo yaqaan Godka Jilocow oo Afka hore Xarunta Madaxtooyada, waxaana markii uu dhacay Qaraxaasi hadana la maqley Rasaas Xoogan oo ka socota Gudaha Xabsiga oo ay ku jiraan Maxaabiis u badan Dagaalyahanda Xarakada Alshabaab,
image

waxaa Goobta soo gaarey Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo la sheegey in ay weerar ku qaadeen Halkii ay ku jiraan Xarakada Al shabaab, ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ee ka dhashey Weerarkaas ismidaaminta iyo Dagaalka dambeeyey waxaana Wararkii ugu Damebeeyey ay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay sheegatey Weerarkaas in ay ka dambeeyeen

Xarakada Alshabaab oo sheegey in ay Go’doomiyeen Magaalada Buulo Mareer

Iyadoo maalintii shaley ahayd ayaa Ciidamada Amisom oo Gacan siinayaa kuwa Dowladda Federaalka ayaa Dagaal kula Wareegey Magaalada Buulo Mareer ka dib markii uu halkaas uu ka dhacay Dagaal faraha looga gubtey, hase yeeshee Afhayeenka Xarakada Alshabaab Cabdicasiis Abuu Mascab oo ka Hadley Dagaalki Buula Mareer ayaa sheegey in ay Khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada, waxaa kale uu sheegey in ay Dagaalkaas ku Gubeen Saddex Gaari iyo Dhimashada ilaa 10 Askari oo kuwa Amsom , Afahayeenka Xarakada Al-Shabaab waxaa uu sheegey in ay Go’doomiyeen Magaalada Buulo Mareer islamarkaana Ciidamadooda ay joogaan Magaalada Golweyn

Imaanshaha Col Barre Hiiraale ee Magaalada Muqdisho oo lagu Tilmaamey Qorshe Khiyaano ku dhisan

Waxaa Shaley Magaalada Muqdisho soo gaarey Col Barre Hiiraale oo muddo dheer ku sugnaa Duleedka Magaalada Kismaayo ka dib markii ay imaanshahaasi ay ka dambeeyeen Ergo ka socotey Dowladda Federaalka oo uu Hogaaminayey Wasiirka Arrimha Gudaha Cabdulaahi Goodax Barre, waxaana markii uu yimid Magaalada Muqdisho uu Kulan uu la qaatey Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed waxaana Kulnakaas la iskula soo qaadey Qabsoomida Shirka Dib u Heshiisiinta ee lagu wado in uu qabsoomo 21 September hase yeeshee Nabadoon Xuseen Xasan Naaleeye oo ka Hadley Imaanshaha Barre Hiiraale ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in Imaansha Barre ee Muqdisho ayaa ku tilaamey Qorshe siyaasadeed oo Khiyaano Qaran isagoo sheegey in Barre uu ahaa Shaqsi ka damqadey Shacabka ku nool Gobolada Jubada Hoose

Cidamada Dowlada iyo Kuwa Amisom oo ku sii jeeda Magaalada Baardheere

Iyadoo uu Bilowdey Duulaankii loogu Magacdarey Badweynta Hindiya ayaa Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahareey ee Gobolka Gedo waxay sheegayaan in Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda eek u sugan Gobolkaas ay Weerar ku yihiin Magaalada Baardheere oo la sheegey in ay ku sugan yihiin Xarakada Alshabaab iyadoo Magaaladaas ay tahay Magaalada Keliya ee Gobolka Gedo ee ay ku sugan yihiin Xarakada Alshabaab sidoo kale Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar in Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada eek u sugan Gobolka Shabeelada Dhexe ay ku sii jeedaan Degamada Mahadaay iyop Degamada Jalalaqsi .

Koox Wariyayaal ah oo Tababar u Tagey Dalka Uganda oo qaar ka mid ah Dib loogu soo celiyey Muqdisho

Koox Wariyayaal oo Arbacadii la soo dhaafey tababar u tagey Dalka Uganda ayaa Qaar ka mid ayaa Dib loogu soo celiyey Magaalada Muqdisho ka dib markii Dowladda Uganda ay diidey in ay Dalkooda galaan,waxaana Qaar ka mid ah Wariyayaashaa oo u waramayey Saxaafada ayaa sheegey in intii ay ku sugnaayeen Garoonka ENTEBE uu u yimid Safirka Soomaaliya ee Dalka Uganda ka dibna waxaa u kala baxay Wariyayaashii ka socdey Dowladda Federaalka iyadoo kuwa kale Warbaahinta Madaxabanaan dib loogu soo celiyey Magaalada Muqdisho waxaana dhacay in sidoo kale Labas Maalmood ay ku Xayirnaayeen Garoonka Jomma Kenyatta sidoo kale Qaar waxay saxaafada u sheegeen in Dowlada Uganda ay ku tilmaameen wax ay ugu yeereen Argagixiso.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.