Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya

Somalitalk 26-8-2014

Aabbe ka tagey 13 Caruur oo isku Deldeley Deegaanka Baxdo

Waraka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxay sheegayaan in Deegaanka Baxdo oo Sagaashan Kiilo Mitir u jirta Degmada Cadaado uu saakey isku Deldeley Aabbe Dhaley 13 Caruur kaasoo lagu Magacaabi Jirey Xuseen Xaashi Iidle , waxaa Dhacdadaan aad uga naxay Dadka Deegaankaas kuwaas oo sheegey in aysan garaneyn Sababaha ku Kalifey in Aabahaas isku deldelo hase yeeshee Warar aan ka helney Degmada Cadaado ayaa waxay sheegayaan in Ninkaas uu isku deldeley markii ay sheegeen in ay ku adkaatey Nolosha.

Rasaas laga maqley Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti.

Wararka naga soo gaaraya Dalka Jabuuti waxay sehegayaan in Garoonkaas laga maqleey Rasaas mar uu halkaas ka soo degayey Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele hase yeeshee Afhayeen u Hadley Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegey in Rasaasta ay dhacdey markii uu Madaxweynaha uu sii maqan yahay 10 Daqiiqo waxaana uu beeniyey in rasaastaas ay dhacdey Xili uu Madaxweynaha ku Jirey Garoonka , Afhayeenka ayaa sheegey in Rasaasta ay bilaabantey markii ay Murmeen Nin Askari ah iyo Nin Dhaqtar ah ,waxaana Rasaastaas ku Dhaawacmey laba Qof oo uu ku jirey Sakaal ka tirsan Aqalka Madaxtooyada

Maxakamada Ciidamada Qalabka sida oo Xukun ku Ridey Waalid dhaley Wiil ku eedaysnaa Shabaab.

Maxkamada Ciidamada Qalbaka sida ayaa Xukun ku ridey Aabbe Dhaley Wiil ka tirsan Xarakada Alshabaab oo Maxkamada hore ugu Xukuntey Xukun Dil ah, Waalidkaas ayaa Maxkamada Xukuntey Lix Bilood oo Xarig hase yeeshee qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed ayaa aad ula Yaabey Xukunkaas kua Tilmaamey mid Cadaalo Daro dhinaca kale Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dasuurka ayaa mar Uu ka hadlayey Idaacada Bar-Kulan mar wax laga weydiiyey Hadall ka soo yeerey Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalaba sida oo ahaa in Waalidka lala Maxakamdeeyo Wiilkiisa ku eedeysan Alshabaab ayaa yiri “ Waa Canaan iyo Dheerigelin in Waalidku ay Caruurtooda ka war hayaan, laakiin meesha kuma jirto in Qof Dambi galey loo Ciqaabo Ruux kale “

Ciidanka Booliiska oo Gacanta ku dhigey Rag lagu tuhmayo Dil loo geystey Gabar Soomaaliyeed

Boolska Wadanka Kanada ayaa waxay Daboolka ka qaadeen in ay Gacanta ku soo dhigeen Saddex Ruux oo uu Boolisku sheegey in ay ka Dambeeyeen Dilka Gabar Soomaaliyeed oo lagu dil Magaalada Calagary , waxaana Gabadhaas oo 26 Sanno Jir ahayd lagu Magacaabi jirey Natasha Maxamed Faarax , waxayna Booliiska sheegeen in Saddexdaas nin laga soo qabtey Hotel ku yaala Galbeedka Magaalada Galagary, hase yeeshee lama garanayo Sababta Gabadhaas loo diley balse waa uu dilkeeda uu dhacay Xili la sheegey in ay ku sugneyd Meel Hotel ah .

somali165Ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo Dib u farmey ka dib markii uu Xirnaa

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Suuqayada Soomaalida oo Muddo Laba Maalmood Xirnaa ka dib Ganacstada markii ay ka dhiidhieen Canshuur lagu soo rogey Ganacsiga Suuqaas, qaar ka mid ah Gaacsatada Suuqaas oo u Waramayey Saxaafadda ayaa sheegey in la dhameeyey oo Xal laga gaarey arrimhii keeney in la xiro Suuqaas Suuqa Bakaaraha ayaa inta badan soo wajahda Caqabo markasta uga Imaanyey Dowladihii soo marey Dalka gaar ahaan Xiliyadii ay jireen Dagaalada Sokeeye waxaana mar dhacdey in Suuqaa Muudo Bilooyin ah uu Xirnaado.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya "

  1. farax says:

    Waridka lamaxkamadeynayo maxaa sababay? Waa layaab !!!!!!!!! AABUHU ama HOOYADU maxay sameyeen? Run ahaantii waxan u arkaa dhibaato soo korortay waarid aan dembi laheyn soo loo ciqaabayaaa? Dowladu maka dhabaa mise. Waa horseedkii fashilka dowlada oo markii horaba loo yaabanaa.