Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo Daahfurrey Olole loogu Magacdarey CARMMA ee lagu Daryeelayo Hooyada Uurka leh iyo Canuga ay sido.

Waxaa Akedeemiyada Booliiska ee Jen Kaahiye ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasbad si heer sare ah loo soo Agaasimey oo lagu Daahfurayey Barnaamjka loogu Magacdarey (CARMMA) ee lagu Dareelayo Hooyada Uurka leh iyo Caruurta waxaana Banaamijkaan isku soo dubaridey Wasaarada Caafimaadka waxaana ka qayb galey Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed ,Xildhibaano, Wasiiro ,Madaxda Hayadaha Caalamiga ah, Dhaqaatiir iyo Marti Sharaf kale ,

Ugu horeyn waxaa hakaas Warbixin ka soo jeediyey Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Maxamed Faarax waxaa uu sheegey in Barnaamjkaan lagu daryeelayo Hooyada Uurka leh iyo Canugga ay sido uu muddo dheer Soo jiitamayey, waxaana uu sheegey in mar hore ay ahayd in la hirgeliyo Barnaamjkaan maadaama 44 Wadan oo Afrikaan ay Baraamjkaan Hirgeliyaan faaiido weyna laga gaarey.
somali162
Waxaa halkaas ka Hadley Wasiirada Caafimaadka, Tacliinta Sare iyo Haweenka iyo Qoyska waxayna dhamaantood sheegeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan in Soomaaliya uu ka Hirgalo Barnaamijka CARMMA oo ay sheegeen in uu yahay Barnaamjka wax badan u qabanayo Hooyada Uurka leh iyo Canugga ay sidaba waxayna u soo jeediyeen Hayadaha Caalamiga in ay gacan ka geystaan Dhaqan galka Barnaamjkaas.

Xubnihii kale ee halkaas ka Hadley Waxaa ka mid ahaa Masuuliyiin ka socotey Hayadha Samafalka iyo Beesha Caalamka waxaya Dhamaantod ay hoosta ka Xariiqeen in ay Taageerayaan Barnaamjka lagu Daryeelayo Hooyada iyo Dhalaanka, waxay kaloo sheegeen in loo baahan yahay si uu u hirgalo Ololahaan in Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada ay si Xoog uga qayb galaan

Ugu Dambeyntii waxaa halkaas ka Hadley islamarkaana Furey Ololaha CARMMA ee Lagu Daryeelayo Hooyada Uurka Leh iyo Canugga ay sido wuxuuna ugu horeyntii u Mahadceliyey intii isku soo Dubaridey in Barnaamjaan u ka bilowdo Soomaaliya sidoo kale waxaa uu sheegey in Muddo 24 Sanno Hooyada Uurka leh ee Soomaaliyeed iyo Canugeeda aysan helin Wax Daryeel waxaana uu sheegey in loo baahan yahay in Dowladda iyo Beesha Caalamka in ay u is taagaan sidii loo Daryeeli lahaa Hooyada Uurka leh islamarkaana looga hortagi lahaa Dhibaatooyinka la soo Gudboonaada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.