Home » Warar »

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka Hadley Xaalada Soomaaliya

Somalitalk 11-8-2014:

Madaxweynihii hore ee Dawladdii ku meel gaarka Soomaaliya CabdiQaasin Salaad Xasan oo iminka ku nool Dalka Masar ayaa ka hadlay Xaaladaha Soomaaliya ka jira. Cabdiqaasin Salaad Xasan ayaa sheegay in weli dalka Somaliya qaybo ka mid ah oo ku yaala Bartamaha iyo Koofurta Somaliya ay ka jiraan Dagaalo taasoo Dawladda federaalka Soomaaliya aysan ku guulaysan in ay wax ka qabato dagaaladaas isla markaana dib u heshiisintii looga fadhiyay aysan fulinin.

cqasim60Cabdiqaasim Salaad ayaa sheegay in weli aan la samayn dib u heshiisiin dhab ah isla markaana Dagaaladu ay yihiin kuwo weli ka sii soconaya Gobolada qaar sidaa darteed Dawladda Federaalka Soomaaliya looga fadhiyay in ay wax ka qabato arrimaha dib u heshiisiinta. Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa farta ku fiiqay in Dawladdu dhinaca Dipolumasiyadda in horumar ay ka samaysey balse aan weli xal loo helin arrimihii dib u heshiisinta.

Hoos ka akhri wararka kale ee Soomaaliya.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Hadley Dhibaato ka dhacdey Deegaan ka tirsan Bay

· Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhibto ka dhacday degaan ku yaala Gobolka Bay oo uu sheegay in illaa dhowr guri halkaa lagu gubay.Xildhibaanka ayaa sheegay in Tuulada Hoos weyne oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen dagaal u dhaxeeya dadka degaanka iyo Dagaalyahanada Shabaab in halkaas ay ka gaysteen Khasaare naf iyo Hantiba leh.

“Toos Weyne Waa Jamaacada Banaaneey, waana tuuladii aan ku dhashay” ayuu yiri xildhibaanku isagoona intaa sii raaciyay in Tuuladaasi ay ku sugnaayeen Caruur uu dhalay Hooyadiis iyo dad ay qaraabo dhow yihiin isla markaana Shabaabku u gaysteen Dadkii tuulada Dilal isagoona farta ku goday in halkaas ay ku dileen illaa Toban qof oo qaarkood da’ ahaayeen isla markaana ay gubeen Guryahoodii.

Xaabsade ayaa sheegay in dagaalku ka bilowdey ka gadaal markii Ragga Shabaabka ah ee halkaa jooga ay dadkii degaanka ku soo rogeen Cashuuro dheeraad ah isla markaana wax walba Guri Beer iyo Ceel ay ku soo rogeen lacago Cashuur ah taasoo ay ka caroodeen dadka deegaanka hubkana ay qaataan. Tobanka qof oo Tuulada Hoos weeyn lagu dilay ayuu sheegay in laba ka mid ah Ciidanka dawladda ay ka tirsanaayeen halka sideeda kalena ay ahaayeen dad rayid ah oo Caruur iyo Macalin Dugsi ay ku jireen kuwaasoo uu sheegay in Guri lagu gubay.

Qaramada Midoobey oo sheegtey in Soomaaliya ay Xiligaan u baahn tahay lacag dhan 2.5 Milyan oo Doolar .

· Iyadoo xaalad xun laga soo sheegayo in Soomaaliya ay ku soo fool leedahay ayaa arrintaa waxaa mar kale ka hadlay Qaramada Midoobay oo ku baaqday in gurmad deg deg ah loo sameeyo Macluusha la filayo in Soomaaliya mar kale ay ku dhufato. Xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya dhinaca Binu’aadanimada ayaa sheegay in cabsi weyn laga qabo Macluul baahsan in Somaliya ay ka dillaacdo Abaaraha jira dartood.

Mr Philip Lazarani ayaa dalalka Deeqaha bixiya ugu yaboohay in xiligan loo baahan yahay in la helo Lacag dhan 2.5 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah si wax looga qabto Xaaladda iminka ka jirta qaybo ka mid ah Somaliya. Xiriiriyaha ayaa ka digay in Soomaaliya ay ka dhacaan tii ka dhacday 2011kii oo dad Boqolaal gaaraya ay ugu dhinteen Macluul iyo Gaajo.

Xaalada Baniaadanimo oo laga soo sheegayo Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

· Iyadoo Gobolo uu ka mid yahay Gobolka Gedo si weyn ay u saameysey Xaalad Biya la’aaneed ayaa waxaa arrintaa Cod dheer ka soo saaray Maamulka Degaanka Gerileey ee gobolkaas.Wararka aynu ka heleyno Degmada Baar dheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in meelaha qaar ay iminka ka bilaabantay Macluul iyo bara kac dadku ay deegaanadaas ka bara kacayaan.

Guddoomiyaha Deegaanka Gerileey Aaran Maxamed Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in degmadaasi wax Ceelal Matoor ah aysan ka jirn, Wabina u dhaweyn isla markaana Beri hore ay gureen Warihii Biyaha.Guddoomiyaha farta ku fiiqay in meesha ugu dhow ee aya Biyo ka heli karaan in ay tahay Degmada Wajeer si aad ahna ay ugu dhib qabaan in halkaas mar walba Biyo ay ka doontaan

Ciidamada Amisom ee ku sugan Gobolka Jubada Hoose oo isku Shaandheyn lagu sameeyey.

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in isku shaandheyn lagu sameeyay Ciidamada Kenyaanka ee qaybta ka ah Hawl galka Amisom.Ciidamadan ayaa isu diyaarinaya Guluf Weerar ah oo ay ku qaadaan Magaalooyinka Jilib iyo Baraawe sida uu xaqiijiyay afhayeenka Ciidamada Amisom.

Col. Cali Aadan Xumud oo waraysi siiyay Jariidada The Standerd ayaa sheegay in Ciidamada Kenya oo Guutadada labaad ah ay ka hawl gali doonaan Jilib Baraawe iyo Magaalada Diinsoor oo ay iminka ku sugan yihiin Dagaalyahanada Xarakada Shabaab.Ciidamada Keenyaanka ayaa wada diyaargarowgii ugu dambeeyay Dagaal culus oo ay ku soo qaadaan degaanada ay ku sugan yihiin Shabaab si ay ugala wareegaan degaanada ay ka arrimiyaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.