Home » Warar »

Soomaaliya oo saxiixday heshiiska ciidamada heeganka ee dalalka Bariga Africa.

Warsaxaafadeed- 26-06-2014 Madaxda dalalka Bariga Africa ayaa magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea maanta ku gaaray heshiis dhigaya in si rasmi ah loo howlgaliyo ciidamada heeganka ee ay yeelanayaan dalalka ku bohoobay Bariga Afrika ee lagusoo gaabiyo (EASF), waxaa Soomaaliya heshiiskaasi u saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxda Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay, taagerayna abuuritaanka ciidankaasi oo noqon doona kuwo qalabaysan oo ay yeeshaan dalalka Bariga Afrika si ay faragalin ugu sameeyaan goobaha ay colaadaha kasoo ifbaxaan. Heshiiskan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen wasiiradda gaashaandhiga ee dalalka Bariga Afrika ka hor inta aanay madaxdu saxiixin heshiiskan.

“Waan soo dhoweynaynaa in Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiska isla markaana ay ka qayb qaadato howlgalka ciidamadan gaarka ah ee dalalka Bariga Africa, Soomaaliya waxaa ay kasoo kabanaysaa bur-burkii gaaray. Waxaana heshiisyada noocan ah ay calaamad u yihiin in ay soo noqonayso karaamadii Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

Ujeedada laga leeyahay ciidamadan ayaa ah sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalhooda kale ee qaaradda, shaqadooduna waxaa ay tahay in ay u faragalin ku sameeyaan meelaha loo arko in ay u gurmadaan.

“Ciidamadan ayaa howshoodu ay tahay wax ka qabshada xaaladaha amni xummo ee kasoo cusboonada qaaradda xilli ay Golaha Nabadda iyo Amniga ee midowga Africa ay u dabaal dagayaan sanad guuradii 10-aad ee kazoo wareegtay markii golahaasi la aas aasay.” Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud

–END–

Waaxda Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Equatorial Guinea
Email: Media@opm.gov.so
Twitter: @Somalipm
Tel:00240551995529

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.