Home » Warar »

Munaasabad Qalin Jabinta Qur’aanka Kariimka oo ka dhacday Dugsiga Muscab Binu Muceyr ee Degmada Wadajir.

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ku qalin jabinayeen afar iyo labaatan Ardey oo dhamaysatay barashada Diinta Islaamka ayaa ka dhacday Madarasada Muscab Binu Muceyr ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Xafladatan oo ay ka soo qayb galeen Mashaa’iikh, waalidiinta Ardeyda iyo Marti sharaf lagu casuumay ayaa Ardeydii qalin jabinaysey oo da’doodu u dhaxayso Laba iyo Toban illaa afar toban jir waxa ay halkaa ku soo ban dhigeen Qiraa’ada qur’aanka Karrimka

somali134Macalim Cabdullaahi Ibraahim Isaaq oo ah Macalinkii wax baray Ardeydaas oo halkaa Khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka waramay Marxaladihii kala duwanaa ee Madarasadu soo martay isagoona Dufcaddaan ku sheegay in ay tahay tii Sideed ee Madarasadaas ka qalin jabisay tan iyo markii la aas aasay Madarasadaas. Macalin Cabdullaahi oo sii hadlayay ayaa sheegay qaabkaay wax u baraan Ardeydu in ay tahay mid horumarsan isla markaana Ardeyda la baro qiraa’ada qur’aanka Kariimka oo Tajwiidka lagu akhrinayo.

Macallinka ayaa ka hadlay duruufaha haysta dugsigaas oo ah Degaan la’aan iyadoona Dugsigu uu sedax mar guuritaan sameeyay isla markaana goobta uu iminka furan yahay ay tahay meel ku meel gaar ah isagoona u soo jeediyay Waalidiinta Ardeyda iyo Qurba Joogta Soomaaliyeed ee Muxsiniinta ah in ay gacan a gaystaan Deegaameynta Madarasadaas maadaama ay wax ku bartaan Ardey Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Waalidiintii iyo Marti Sharaftii kale ee halkaa ka hadashay ayaa iyaguna soo jeediyay in gacan laga gaysto sidii Madarasadu u heli lahayd dhul ay leedahay maadaama dhulka iminka ay ku taalo si ku meel gaar ah loo dajiyay.Ugu dambayntii ayaa Ardeydii halkaa isugu timid waxaa Munaasibadda ku soo ban dhigeen Anaashiidooyin iyo Duruustii kale ee ay halkaa ka barteen taasoo ay u qushuuceen martidii halkaa isugu timid taasoo shucuurtooda wax weyn ka bedeshay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.