Home » Warar »

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo u ambabaxay dalka Norwey kadib cazuumaad rasmi ah oo uu helay.

Mogadishu, Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka ambabaxay caasimadda Muqdisho , isaga oo ku sii jeeda Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Nowey ,halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladaasi oo uu ka mid yahay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda H.E. Hans Brattskar .

Booqashadan ayaa ka dambeysay kadib cazuumaad rasmi ah oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga uu ka helay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norwey , iyadoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo xoojinaya danaha wadaagga ah .

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya kala dhaxeeyo Norwey xiriir diblomaasiyadeed oo qota dheer , iyadoo labada dal xiriirkooda diblomaasiyadeed si rasmi ah u bilowday July 5, sanadkii 1960-kii , waxaana muddo dheer oo dalka Soomaaliya uu ku jiray dagaal sokeeye kadib , labada dowladood ay dib u cusbooneysiiyeen xiriirkaasi , iyadoo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Fawzia Yusuf H. Adam ay kula saxiixatay Caasimadda Muqdisho heshiis arrinkaasi ku qotama Wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Norwey Heikki Eidsvoll Holmes .
somali126
Dowladda Norwey , oo ku marti-gelisay dalkeeda qaxooti balaaran oo Soomaali ah , ayaa ah dowlad saaxiib ah oo xiriir dhow la leh dalkeena.

June 16 , 2014-

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.