Home » Warar »

Kulan Dhex maray Gudoomiyaha Baarlamaanka Minnesota iyo Seddax Xubnood Oo Ka Socdey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya‏.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Hon. Paul Thissen iyo Seddax xubnood oo ka socdey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshey xarunta golaha baarlamaanka State-ka Minnesota June 3, 2014.

Kulankan oo ahaa mid aad u muhiim ah, isla markaana uu soo qaban qaabiyey Madaxa soomaali American community Maxamed Axmed Cali (Maxamed Kaaley) ayaa ku bilowdey is-barasho iyo is-dhaafsiga warbixino ku saabsan sida ay u shaqeeyaan labada baarlamaan iyo hindise sharciyeedyadii ay baas-gareeyeen.

kaynaan2

Mas’uuliyiintan waxay keloo isla sooqaadeen xiriir iskaashi addag oo dhex mara labada dhinac, kaasoo bilaaban doona waqtiyada soo socda. Hon. Paul Thissen waxaa uu xusey in ay baas-gareeyeen dhowr hindise sharci oo arrimaha soomaaliya, kuwaasoo uu ka mid ahaa hindise sharciyeed ku saabsan dhibaatada baaxada lahayd ee dowladda Kiiniya u geysatey shacabka soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaas, kaasoo ay u gudbiyeen aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Mareykanka.

kaynaan3

Xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya ayaa si weyn uga mahad-celiyey hindise sharciyeedkan, waxay keloo isla garteen labada baarlamaan in la is-dhaafsado booqoshooyin muhiim ah oo mustaqbalka xoojinaya wadashaqeyn toos ah oo dhex marta labada dhinac.

Xubnahan la kulmey gudoomiye Hon. Paul Thissen iyo Xildhibaanad Karen Clark oo ay kala ahaayeen Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan, Xildhibaan Ibraahim Suleymaan Xaajinuur, Madaxa Somali American Community ee Minnesota Maxamed Axmed Cali (Kaaleey) iyo madaxa hay’ada Voice  Of East African Women Farhio Khalif Jordan, isla markaana ah Manager Campaign member of parlament Minnesota Representative Karen Clark

kaynaan4

Xildhibaan Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf (Direed) oo aan wax ka weydiiyey ayaa wuxuu yiri “waxaan la kulaney Gudoomiyaha Baarlamaanka Gobolka Minnesota Hon. Paul Thissen iyo Xildhibaanad Karen Clark oo golihiisa baarlamaanka ka tirsan, waxaan ka wada hadalney sidii xiriir iyo iskaashi u dhexmari lahaa labada baarlamaan iyo sidii aan ugu mahad-celin lahayn Hindise Sharciyeed uu soo saarey baarlamaankooda kaasoo ku saabsanaa dhibaato aan loo meel dayin oo ay ugeysatey  dowladda Kiiniya shacabkii soomaaliyeed ee ku noolaa dalkaasi”.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Axmed Keynaan oo aan wax ka weydiiyey kulankooda   Ayaa wuxuu yiri “waxaan ka gudooney hindise sharciyeedkii ay baas-gareeyeen Golaha Baarlamaanka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ku saabsanaa dhibaatadii baaxada lahayd ee ay u geysatey dowlada Kiiniya shacabka soomaaliyeed ee ku noolaa dalkeeda, waxaan keloo tegney xarunta madaxtooyad Gobolka Minnesota, xarunta baarlamaanka iyo maxkamada Gobolka”

kaynaan1

Laakiin marka si guud loo eego kulankan iyo sida uu u dhacay ayaa waxay muujineysaa, tilaabo horumar oo wax ka bedelikarta habdhaqanka baarlamaanka soomaaliya oo inta badan ku hawlan arrimo hoose oo aan loobaahneyn, taasoo mararka qaar mugdi gelisa guud ahaan dalka iyo dadka soomaaliyeed iyo xubinimadooda, balse iyagu ay ula muuqato wax-qabad wanaagsan.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk USA

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.