Home » Warar »

Kulan lagu Dardar Gelinayo Dadaalka Beesha Caalamka ugu Jirto Dagaalka Burcadeeda Soomaaliya oo ka Dhacay New-York.

Kooxda Xiriirka ee la Dagaalanka Kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida Meelaha ka Baxan Xeebaha Soomaaliya ayaa Fadhigoodii 16-aad ku yeesheen Magaaladda New-York ee Xarunta Qaramada Midoobey 14-kii Bishii May , waxaana Kulankaaas Shir Gudoominayey Ururka Midowga Afrika

Kooxda u Midoowdey la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa Kulankooda waxay Diirada ku saareen in Muhiim tahay in Talaabooyin Wadajir ah laga qaado Kooxahaas oo u Midoobaan Wadamada Gobolka si looga hortago Khatarta ay ku hayaan Maraakiibta Wada Shixnadaha kala duwan ee isugu jira Ganacsiga iyo Gargaarka isla mar ahaantaas waxay soo jeediyeen in ay Muhiim tahay in wax laga badelo qaabka loo shir Gudoomiyo Shirrarka looga hadlayo Burcad badeeda Soomaaliya

Kooxda Xiriirku waxay soo Dhaweeyeen Dadaalada Caalamiga ah ee looga soo horjeedo Kooxaha Burcad Badeeda ka jirta Geeska Afrika,waxayna ka Codsadeen Dhamaan Wadamada ay Khusseyso arrintaan,Dadka Caadiga iyo Milatariga, haddii ay ahaan lahaayeen mid Guud iyo Mid gaar ahaaneed in ay u Midoobaan Dagaalka looga soo hiorjeedo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, iyadoo la ogyahay in Guulo wax ku ool ah laga gaarey hadana wax waliba ay isbadeli karaan.

Kooxda Xiriirka ee la Dagaalanka Burcad Baddeeda waxay sheegeen in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay Horumar ah ka sameyneyso amaanka Marinka Badda Soomaaliya islamarkaana ay la timid Qorshe ku wajahan sidii gacan looga siin lahaa sidii ku Ilaalshan lahayd Khayraadkeeda oo aan loola bixi lahayn

Kooxda waxay isla qireen oo ay amreen in Dowladda Fedraalka Soomaaliya ay Masuuliyad ka saaran tahay sidii loo Cirib tiri lahaa Kooxaha Burcad Badeeda iyo Dambiyada kale ee ka dhaca Badaha, islamrkaana Xiriir Iskaashi la sameyso Wadamada Gobolka si Cadaalada loo Horkeeno Kooxahaas Caadeystey Qafaalashada Maraakiibta Shisheeye.

Soomaaliya oo Taageero ka heleysa Wadamada Gobolka iyo kuwa Caalamka , ayaa hada waxay Beesha Caalamka ka rajeyneysaa in ay hesho Balan qaadkoodii ahaa in ay taageeraan dadaalka ay ugu jirto la Dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda si loo helo isbedel rasmi ah Labada Sano ee Soo Socota

Kulanka ayaa laga sheegey in Horumar laga sameeyey in Kooxha Burcad Badeeda ay sii wadaan Qafaalashadii ay ku hayeen Maraakiibta Shisheeye taasina waxaaa loo sababeeyey iyadoo meel uga soo wada jeesteen Maraakiibta Dagaalka ee Wadamada Shisheeye iyo kuwa wada Shixnadaha Ganacsiga oo sameystey Ilaalo u gaar ah

Kooxda waxay Muhiimada Koowaad siiyeen in Baaritaano lagu sameeyeyo Dambiyada ay galeen Kooxaha Burcad Badeeda si loo Horkeeno Cadaaladda loona Maxkamadeeyo, waxayna Isla Qiireen sida ay Muhiimad u leedahay in kooxahaas lagu Maxkamadeeyo Wadamada Gobolka siiba Soomaaliya haddii ay Suurat gal tahay

Waxaa kaloo lagu Booriyey Dowlad Goboleedyada iyo Shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay in ay ka dhabeeyaan oo ay qaataan Mowqifka ka dhan ka ah Burcad Badeeda ee ay qaadatey Dowlada Federaalka, Wadamada Gobolkuna ay ogolaadaan in lagu Maxakamadeeyo laguna Xiro Wadamadooda si ay u helaan Taageerada Beesha Caalamka

Kooxda Xirirka waxay soo Dhaweeyeen Heshiiska ay wada gaareen Dowladda Tansaaniya iyo Midowga Yurub ee k u saabsanaa in loo Gudbiyo Kooxaha looga Shakisan yahay Burcad Badeednimada EUNAVFOR, waxaana Heshiiskaas lagu saxiixxay Magaaladda Brussels oo Xarun u aha Midowga Yusurb Bishii April waxaana Goob joog ka ahaa heshiiskaas Madax Sar sare oo ka tirsan Wasaaraddaha arimaha Dibada, Siyaasada iyo Amaanka Midowga Yurub iyo Wasiirka arrimaha Dibada dalka Tansaaniya

Ugu Dambeyntii Kooxda Xiriirka waxay ku heshiiyen in la sii wado dadaaladda Caalamiga ah ee looga soo horjeedo Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida lana sameeyo iskaashi iyo Xirir ka Dhawaansho badan kii hore, si loo sii wado la Dagaalanka Kooxaha Burcad Badeeda .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.