Home » Warar »

Khudbadda Madaxweynaha ee Munaasabadda 15ka May 2014

Waxaad ka warhaysaan in maalmo dhawayd ay qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaaliyeed ii soo jeediyeen baaq, sidaan horay u sheegay, qof kasta xor buu u yahay aragtidiisa, anigana waxaan soo dhawaynayaa kala duwanaanshaha aragtida iyo xorriyadda ra’yiga, waxaanna diyaar u yahay inaan la fadhiisto cid kasta oo ka mid ah xildhibaanadaas, kana wada hadalno waxyaabaha ay sheegayeen aanna isla fahamno meesha wax inaga jiraan. Anigana waxaan diyaar u yahay waxii eedo ah oo igu cadaado inaan qaato..

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka

“Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu”

Maanta waxaynu xusuusaynaa sannadguuradii 71aad ee Asaaska Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseedka u noqday in la helo Dawlad Soomaaliyeed oo xor ah, oo shacabka Soomaaliyeed u horseeda inay ku noolaadaan Karaamo iyo Sharaf la mid ah kuwa ummadaha kale ee dunida. Aabbayaasheen iyo Hooyooyinkeen waxay ku guulaysteen in muddo ka yar 20 sano aynu helno dawlad Soomaalieed oo xor ah, waxaynu todobaadyo ka dib u dabaaldegi doonnaa sannadguuradii 54aad ee xorriyaddeenna. In yar baa ka nool dadkii hormuudka u ahaa himiladaas, sidoo kale in yar baa ka joogto dadkii garaadka lahaa maalintaynu xorriyadda qaadanaynay. Waxaannu bilo yar gudahood xusi doonnaa sannadguuradii 25 aad ee ka soo wareegtay burburkii dawladnimadeenna, taasi oo in ka badan 75 % shacabkeennu ku garaadaystay.

Xaaladeenna Maanta

Taariikhda soo jireenka ah ee aanu caawa xusayno waxay inoo muujinaysaa sida ay isu dhintay himiladii ummaddeenna, maanta waxaa kala dhantaalmay midnimadii iyo wada jirkii dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan tilmaan u noqonnay fardi ahaan iyo bulsho ahaanba inaan nahay bulsho colaad iyo kalsooni darro haraysay, ilaa qofka Soomaaliga ah uu dareemo ammaan, karaamo iyo nolol wanaagsan markuu dalkiisa hooyo ka tago uuna magansado dal shisheeye. Waxaa nalagu magacaabaa qaxooti, argagixiso, burcadbadeed, tahriibayaal, ma shaqaystayaal cayr ah iyo waxyaabo la mid ah. Waxaannu culays ku noqonay beesha caalamka oo ay ka mid yihiin dalalka dariskeenna ah, waxanna tusaale u noqonay Ummad aan hanan karin nafteeda iskaba daa inaan ka faaidaysanno khayraadka Ilaahay nagu mannaystay. Maanta hadii dhulkeenna iyo baddeenna oo baaxaddooda oo la isku daray gaarayso 2 milyan oo kiiloomiter oo isku wareeg ah, hadii la inoogu qaybiyo qoys qoys waxaa inagu soo aadayso qoyskiiba hal kiiloomitir oo isku wareeg ah, iyadoo maanta qoyska Soomaaliyeed uu celcelis ku nool yahay 50mitir oo isku wareeg ah oo dhiganta 5%.

Taariikhdaas mugdiga ah kama marnayn, iftiin iyo dadaaalo ay bixinayeen waxgarad Soomaaliyeed oo lagu joojinayay cooladaha, laguna xallinayay khilaafaadka, laguna soo celinayay adeegyada bulsho, laguna yareeyay khasaaraha iyo dhaawac ummadeed ee ina gaaray. Waxaa sidoo kale xusid mudan dadaalkii beesha caalamka nagula gashay dib u soo celinta dawlanimada Soomaaliyeed, oo la isla wada qiray inay fure u tahay xallinta mushkiladdeena. Kulaankeennan maanta waxuu astaan u yahay dadaalkaas, waxaan si aad ah u xusuusanaynaa kuwii inoo jeexay himilada dhismaha qaran soomaaliyeed oo madaxbannaan 70 sano ka hor.

Maanta waxaan doonayaa inaan xuso inay jiraan in waagu soo baryayo, dadkeennuna soo baraarugayo, waxaa inoo socdo wada haddallo lagu baadigoobayo soo celinta midnimadii Soomaaliyeed, waxaa soo hana qaadayo maamullo dadku iska leeyahiin oo horseedi kara wadajirka, nabadaynta iyo maamul wanaagga, waxaa dalka intiisa badan laga xoreeyay kooxaha nabad-diidka ah oo astaan u noqday in la baabi’iyo himilada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed, waxaannu leennahay hay’ado dawladeed oo soo koroya billow fiicanna u noqon kara soo nooleynta himiladeenna.

Himilo iyo Garwaaqsi

Isbeddelii dhacay Seteembar 2012, wuxuu ahaa talaabo muhim ah oo loo qaaday dhanka dawlad dhiska, soo celinta nabadda, dibu habaynta cadaaladda, dib-u-heshiisiinta bulshada, soo celinta midnimada iyo soo noolaynta xiriirka caalamiga ah. Waxaynu leenahay Gole shacab, Xukuumad uu hogaamiyo raiisalwasaare iyo hay’ado dawladeed. Muddadii labaatanka bilood ahayd ee aynu soo dhaafay waxaa inoo qabsoomay waxyaabo badan oo aanan halkan ku faahfaahin karin, waxaanse doonayaa inaan halkan ka caddeeyo in waxqabadkaasi uu ka hooseeyay himiladeennii iyo hiigsigii ay bulshadeennu lahayd. Waxaan garwaaqsanahay in ay taasi ku dhalin karto su’aalo badan iyo welwlel qaybo badan oo bulshadeenna kamid ah, cabsina galin karto inaan dib u noqonno. Waxaan ku kalsoonahay garaadka inta badan oo la socoto xaaladdeenna, ogsoonna in wadada la marayo aanay sahlanayn, waxaan idin xusiisanayaa in jidka dheer yahay oo caqabado badan yahay, Abwaankii waxuu yiri:
1. Xaajadii horseedkiyo ergadu, waayo ku harraaday
2. Xaajadii cirroolaha hufiyo, hebelo loo doonay
3. Xaajadii markay hoga gashaba, la isku haaraamay
4. Himmadaan la soo boodnay waa, loo han weyn yahaye
5. Hayaankaan raraynaana waa, geeddi hawl badane
6. Dhexda inuu hadhsado kii rabow, waa ban hoolane ahe
7. Oo kii haro biya ah moodiyow, waa harraad kulule
8. Oo kii hoyasho guri doonayow, waa cidlaw hadafe
9. Oo kii hadimo diidayow, waa naftaa huride
10. Kii xoola haabhaabanow, kama hodmaysaane
11. Kii hadaaf xarrago maagganow, haaruftaad bixine
12. Hareer joogsan maynoo filkeen, haybad naga roone

Doowrka Hayadaha Dawladeed

Bilo yar ka hor waxaan ku tallaabsannay isbeddel mug leh oo lagu sameeyay hoggaanka fulinta ee Xukuummadda, waxaan horaan u caddeeyay, haddana ku celinayaa in sababta isbeddelkaa loo keenay ay ahayd inuu ka tarjumo himilooyinkeenna oo ay ugu muhimsan tahay:

Soo celinta Nabadgelyada iyo xasilinta dalka, Hiigsiga 2016 oo ku salaysan qabyo-tirka Dastuurka, dhismaha maamullada Federaalka iyo hagaajinta hanaan doorashooyin uga dhacaan dalka. Waxaan ku celinayaa mar kale ballanqaadkeennii ahaa in 2016 aanay dhici doonin muddo kororsi loo sameeyo hayadaha dawladda ee Barlamaanka iyo xukuumadda, sidoo kale inaan lagu noqon doonin wadadii beelaha iyo madax la soo xulay (NO EXTENSION NO SELECTION). Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo in masuuliayadda howlaha fulinta ee Xukuumadda ay iska leeyihiin Golaha Wasiirada oo uu hoggamiyo Raiisalwasaaraha, waxaanna kalsooni ku qabaa in hogaanka raiisal wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Golahiisa wasiirada ay sida ugu karti badan ku fulin doonaan howlaha xukuumadda oo ku cad barnaamijka Xukuumadda iyo qorshe howleedka 2014 oo laga hor akhriyay Golaha Shacbiga.

Golaha Shacabku muhimadiisa waa in dhidibada loo aaso hannaanka talo-wadaagga ku dhisan ilaalinta Dastuurka iyo Shuruucda dalka iyo inuu garab istaago Xukuumadda sidii ay u fulin lahayd barnaamijkeeda iyo qorsho howleedkeeda. Maanta burburka ina haysta kuma eka dhismayaasha iyo waddooyinka ee waxaa burbursan dhamaan sharciyadii inoo suurto-gelin lahaa dhismaha bulsho aaminta sarreynta sharciga iyo kala danbeynta. Waxaa barlamaanka federaalka ah horyaalla Hindise sharciyeedyo muhim u ah Hiigsiga 2016, waxaa laga doonayaa ansaxinta guddiyada qaran ee Dastuurka, adeegga Garsoorka, federalayna, hannaanka doorashooyinka, la dagaallanka Musuqmaasuqa iyo kuwa kale. Sidoo kale waxaa howlaha Barlamaanka ka mid ah gardaadinta xukuumadda iyo hagidda bulshada. Waxaan kalsooni ku qabaa in Guddoonka Barlamaanka iyo Xubnahiisaba ay leeyiiin xilkasnimo ku filan in howsha ay ka sugayaan dadka ay matalayaan ay tahay midda, taariikhda iyo bulshadeenna sharafta lehna inagu xusuusan doono waxa wanaagga leh ee aan qabanno.

Waxaan xusuusinayaa dhamaan howladeennada dawladda, ciidamada qalabka sida iyo waxgaradka Soomaaliyeed inaan maanta haysanno fursad aynu wax uga baddali karno duruufaheenna murugsan, taasi waxaa horseed u noqon karo in loo dhawaado bulshada, lagulana noolaado dareenkeeda xanuunka badan iyo in la soo nooleeyo rajadeeda oo aan hubo inay xaqiiqo noqon karto. Marnaba ma hirgeli doonaan barnaamijyo aanay bulshadu qayb ku lahayn oo ay wataan kooxo ama shakhsiyaad iyo qabaa’il, taasi waa jid lagu soo wada hungoobay oo aan natiijadiisa wada garanayno. Waxaan dhamaanteen ku dhaarannay Magaca Ilaahay ee Wayn inaan danta Diinta, dalka iyo dadkaba ugu shaqaynayno sida uu qabo dastuurka iyo shuruucda dalka.

Ballanqaad

waxaan doonayaa inaan maalintan taariikhiga ah halkan ka sameeyo Ballanqaad: Inaan U istaagnaado Ilaalinta Dastuurka iyo Shuruucda dalka, soo celinta midnimada Qaranka, Wadajirka iyo madaxbaanidada dalka, ilaalinta hantida qaranka, iyo soo celinta karaamada muwaadinka Soomaaliyeed. Waxaan ballan qaadayaa in si wadajir ah dhamaan hayadaha dawladdu ugu howlgalaan xasilinta dalka iyo xaqiijinta Hiigsiga 2016.

Saaxiibbadeenna caalamka

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa beesha caalamka iyo AMISOM oo dadaal wayn ku bixiyay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa. Waxaan halkan tacsi uga dirayaa shacabka iyo dawladda Turkiga oo maanta ay habsatay musiibo ay ku geeriyoodeen boqollaal qof, waxaannu leennahay waan idin garab taaganahay sida aad inoo garab istaagteen. Waxaan jeclahay inaan halkan ka caddeeyo inaysan sal iyo raad toona lahayn wararka been abuurka ah ee tilmaamaya inay Dawladda Imaaraadka carabta ay ka soo horjeeddo dawladda Soomaaliya. Waxaan idiin caddaynayaa in walaalaheenna Imaaraadka carabta ay inoo hureen wax tiro badan, maantana ay diyaar u yihiin dibudhiska dalkeenna.

Baaq

Waxaan halkaan baaq uga dirayaa Aqooyahanka soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo Madaxdii soo hoggaamisay dalka ee ku nool gobollada iyo dalka dibadiisa inay ku soo noqdaan dalkooda hooyo si ay uga qaybqaataan dibu heshiisiinta iyo dawlad dhiska. Waxaan farayaa hogaanka xukuumadda inay u howgalaan in waxgaradkaas la isagu keeno caasimadda dalka muddo hal bil ah gudaheed oo ku soo aadi doonto xilliga aan u dabbaaldagi doonno sannadguuradii 54aad ee Xorriyaddeenna.

Waxaad ka warhaysaan in maalmo dhawayd ay qaar ka mid ah xildhibaannada Soomaaliyeed ii soo jeediyeen baaq, sidaan horay u sheegay, qof kasta xor buu u yahay aragtidiisa, anigana waxaan soo dhawaynayaa kala duwanaanshaha aragtida iyo xorriyadda ra’yiga, waxaanna diyaar u yahay inaan la fadhiisto cid kasta oo ka mid ah xildhibaanadaas, kana wada hadalno waxyaabaha ay sheegayeen aanna isla fahamno meesha wax inaga jiraan. Anigana waxaan diyaar u yahay waxii eedo ah oo igu cadaado inaan qaato.

Ugu dambayntii, Waxaan u hambalyaynayaa dhamaan dhallinyada Soomaaliyeed munaasabaddan qiimaha badan, waxaan ugu tahniyadaynayaa inay dhamaatay xilligii loo adeegsan jiray in laga dhigto xaabo ay shitaan kuwa hanqal taagga badan iyo inay maanta horseed ka yihiin dibu soo celinta qaranimadeenna.

Aad ayaad u mahadsantiihin!

DHAMMAAD*
xasan
For more information please contact: 

Shador Haji Mohamud
Senior Press Officer

Office of the Somali President

E 1: shadorhaji@presidency.gov.so, E 2: shadoor150@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.