Home » Warar »

Daladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo Baaq ka soo saaray Wariyaasha Itoobiya xidhay

Dawladda Itoobiya ayaa cunaqabateyn ku haysa Saxaafada waxayna si ula kac ah u xidhaa meelaha ay saxaafadu ka dhaq-dhaqaado sida caasimada Itoobiya ee Addis Abab.

Dalka intiisa kale way ku yartahay saxaafada xorta ah waxaana meelaha qaar ka dhaq-dhaqaaqa Saxaafada ay ayadu gacanta ku hayso oo waxa ay doonayso Dawladda Itoobiya moyaane aan wax kale qori karin.
Guud ahaan Gobalka Ogaadeenya kama jirto wax saxaafad ah qofkii isku dayaana waa xadhig ama halkisaa ayaa lagu toogan, kama jirto Warbaahin gaar ah & mid dawladeed midne. Warbaahinta Qorahay Media ayaa wariyaal qarsoodi ah ka jogaan kuwaas oo hadii la ogaado aan wax naxariis ah ka helaynin.

Ayada oo taasi jirto waxaa mararbadan lagu xidhay qaarna wali ku jidhan yihiin saxafiyiin kuwaas oo wax dambi ah aan dalka ka galin waxaana ugu dambeeyay sagaal Wariye oo u shaqayn jiray qaybo kale duwan ee saxaafada Itoobiya gaar ahaan Saxaafada aan Xuduuda lahayn ee madaxa-banaan wariyaashaas oo dhibaato badan loo gaystay hadana xabsi ku jira ayaga oo lagu xidhay oo kali ah waxay yihiin Saxafiyiin.

Wariyaashaas ayaa Maxkamad la soo taagay maalinimadii Axada ee 26/04/2014 waxaana lagu eedeyay dhamaantood inay kiciyaan Rabshado, balse edaymahaas ayaan sal & raad toona loo haynin marwalbana Itoobiya ku xad-gudubto nadaamka caalamiga ah ee xoriyada saxaafadda.

Daladda Suxufiyiinta Qorahay Media oo ah Urur madaxa banaan una dooda saxafiyiinta ayaa shalay kulan yeeshay ay ku qiimaynayaa xaalada guud ee Saxaafada Qorahay Media ayaga oo ka dooday dhibaatada ka jira Ogaadeenya & sida ay Itoobiya ugu mamnuucday in Gobalkaas uu galo saxafi waxayna Daladdu ka soo saartay qodabadan.

qoraxay

Camabrayn

DSQM wuxuu cambaaraynayaa xadhiga sharci darada ah ee loo gaystay Wariyaasha Itoobiyaanka ah ee u shaynayay warbaahinta kale duwan ayaga oo sharcidaro lagu xidhay.

DSQM wuxuu si kulul u cambaanaynaaya ku tumashada ay Itoobiya ku tumanayso xuquuqada uu qofka saxafiga ah leeyahay waxaanan leenahay Itoobiya waa in ay shuruud la’aan soo daysaa Wariyaasha ay xabsiga u taxaabtay waana in ay soo daysaa kuwii hore u xidhnaa.

Daladdu waxay Cambareynaysaa Wariyaasha lagu laynayo dalka Soomaaliya ayaga oo gudanaya waajibka saran ee wariye nimo waxaana leenahay dadka mar walba laynaya wariyeyaasha waa in ay ka waantobaan oo ay joojiyaan.

Baaq
Waxaan dhamaan saxaafada Caalamka ugu baaqaynaa in Itoobiya lagu cadaadiyo in ay Ogaadeenya saxaafada u ogolaato xaqiiqada dhabta ah ee ka jirtana ay ka soo waranto.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka u dooda waa in ay wax ka qabtaan oo Itoobiya culays lagu saaro in ay soo dayso wariyaashaas, joojisana cabudhinta saxaafadeed ee ka jirta Itoobiya.

Qorahay Media Journalist Group
qolmedia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.