Home » Warar »

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka qayb galey Gabagabada Mashrruuc ay Hirgelisey Hayadda Elman oo Xirfado lagu Barey Dhalinyaro Soomaaliyeed.

Waxaa Xarunta Nabada ee ELMAN ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadaneyd Xiritaanka Tababar Muddo u soo Socdey Dhalinyaro oo isugu jirey Gabdho iyo Wiilal, kuwaas oo Waxbarashadooda soo Bilaabatey Sannadkii tegey, waxaana Dhalinyaradaas la soo Barey Xirfado kala duwan oo kala ah Fasamayaqaan Dhinaca Alaabta (Faryaamo), Dacatirka Mobile-lada , Barashada Kumbuyuutarka , Maamulka, Tubooyinka iyo Dabka (Electric)

Munaasabadaas ayaa waxaa ka soo Qaybgaley Wasiirka Garsoorka iyo Arrimha Dastuurka Faarax Shiikh Cabduqaadir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Nadiifo Maxamed Cismaan , Xildhibaano, Madaxda Hayadaha Samafalka, Waalidiinta Ardeydii wax la barey, Cayaartoda Kooxda Elman iyo Marti Sharaf kale , waxaana Mashruucaan Hirgeliyey Xarunta Nabada ee ELMAN.

Waxaana ugu Horeyntii halkaas ka Hadley Gudoomiyaha Hayadda Elman Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan oo si weyn ugu Dheeraadey Qaabkii uu ku Biliowdey Mashuurcaan oo loogu talagaley in Dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro Shaqooyin si ay Mustaqabalka ay wax weyn ugu taraan Ummadda Soomaaliyeed waxayna u Mahadcelisey inti ka gacan siisey in uu Hirgalo Mashruucaan oo ay sheegtey in uu soo socdey 2013-1014

“ Waxaa Caddeynaya in uusan Dhiman Elman Mashruucaan oo ah kii uu isagu Dhidibada u taagey oo maanta ay ka Qalin jabinayaan ardey fara badan oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal “ayey tiri Gudoomiyaha Hayada Elman Fartuun Cabdisalaan oo u soo jeedisey Dowlada Federaalka in ay Dhalinyarada Soomaaliyeed ay Shaqooyin u abuuraan maadaama Hayada Elman ay bartey Xirfado ay ku shaqeysan karaan,kuna Maareyn karaan Noloshooda

Maxamed Kuulow oo ahaa Madaxa Mashruucaan oo halkaa ka Hadley ayaa waxaa uu sheegey in Ardey gaareysa Saddex Boqol oo ardey ka faadiideysteen Mashruucaan Xirfadaha kala duwan, isagoo sheegey in mudadii ay socdey Waxbarashada ardeyda ay ahaayeen kuwa ay ka Go’neyd in ay wax bartaan waxaana uu u Mahadceliyey intii ka qayb qaadatey in uu Mashruucaas Hirgalo sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Gudooomiye ku xigeenka Naadiga Elman Cabdulaahi Maxamed Guure oo faahfaahiyey Maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo marey Naadiga ELMAN

Waxaa sidoo kale ka Hadley Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Qaranka Haweenka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi waxayna iyana u Mahadcelisey intii isku soo Dubaridey in Dhalinyaro intaa la eg loo Tababaro Xirfado kala duwan sdoo kale waxay sheegtey in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in Xooga saarto sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Shaqooyin si ay uga Badbaadaan Tahriibka iyo Dagaaladda
somali74
Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo halkaas ka Hadley ayaa u Mahadceliyey Hayada Elman oo uu sheegey in ay qabatey Howl Muhim u ah dalka maadaama ay shaqooyin u Abuurtey Dhalinyaro fara badan , waxaa uu kula dardaarmey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay dalkooda aaminaan oo ay qalbigooda ka saaraan u Hanqal taaga Dalalka Dibanada maadaama uu dalkoodu yahay Dal Barwaaqo ah

Waxaa kale oo halkaas ka Hadley Wasiirka Howlaha Guud iyoi Dib u Dhiska Nadiifo Maxamed Cismaan waxayna kula Dardaarmey Dhalinyaradii Gabdhaha iyo Wiilasha ee Dhameysatey Waxbarashada in ay ka faaideystey Waxbarashadooda oo ay sheegtey in uu yahay mid Faaiido weyn ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed siiba Dhlainyarada Soomaaliyeed re Waqtiyadaan Dambe ay soo wajahdey Shaqo La’aanta

Ugu Dambeyntiii waxaa halkaa ka Hadley Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka Faarax Shiikh Cabduqaadir wuxuuna ugu horeyntii u Mahadceliyeen Hayadda ELMAN oo uu sheegey in ay qabtey Howl loo baahnaa oo Xiligeedii ku soo beegmey, waxaa kale uu sheegey in Dowladda Federaalka ay Taageero siin doonto Hayadda ELMAN waxaa uu sii raaciyey “Dowladu Federaalka waxay Balan qaadeysaan in shaqooyinka dalka laga helo ay Mudnaanta siin doonto Muwaadinka Soomaaliyeed halka Shisheeyaha la siin jirey Mudnaanta waxaana u soo jeedinayaa Hayadaha kale in ay ku daydaan hayadda ELMAN “

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.