Home » Caawi, Directory »

Fadlan Caawi Ilmahan Yar oo ay madaxa Biyo uga Jiraan

Fadlan Caawi Ilmahan Yar oo ay madaxa Biyo uga Jiraan (Daawo Masawirada)

Sawirada iyo waraaqaha dukumiintiga halkan ka eeg (GUJI)

Kenya:-Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee Muslinka ah khayrkana Jecel kuna nool dunida dacaladiisa waxaan ka codsaneynaa in ay alle dartiis u caawiyaan ilmahan yar ee aadka u xanuunsan oo ay madaxa biyaha uga jiraan waxna looga qaban karin dalka Kenya.

Suudi Ali waa halsano iyo 4 Bil Jir madaxa ayaa waxaa uga jira Biyo aadna wey U xanuunsan tahay waxaa dhalay Imaamka Masjid ku yaalo Magalada Nakuru Ee dalka Kenya .

Ilmahan yar ee xanuunsan waxaa ay sheegeen dadka gacanta ku haya in wax looga qaban karo dalka Germany,lacag dhan Ilaa 22kun Oo Dollar ee fadlan alle dartiis u soo caawiya.

Fadlan hadaad caawin kartid Suudi Ali La Xariir Aabaha Dhalay oo ah Ali Bare Abdi oo Laga Hello Email imamsbare@yahoo.com Ama Tellefonkka ah. +254-721-544-390 Ama 254-736-390 Ama Xawaaladaha Somaliada Gaar ahaan Dahabshiil Iyo Qaran EXp.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.