Home » Faallo »

Ninku waa i dilaye ii qabta!

Salaadda duhur ayaan ku jirnay. Waxaan safafka naga dambeeya ka maqalnay: war ninku waa i dilay, war ninka ii qabta, qabo, ka qaad toorayda iyo bulaan qaybtii dambe ee masjidka qabsaday.

Goortii salaada laga baxay ee dibada loo soo baxay waxaan ugu imid lix war oo ku saabsan wixii dhacay, kana midaysan inuu ninka oo rukuucsan toorray ku dhaabay! laakiin lix sababood oo kala duwan baa la wariyey.

Mobile fiican buu watey oo ka qaadan rabey, kabaha ayuu ka qaatay. Aad baa arrinta looga naxay, loola yaabay oo loo qaadaa-dhigay, waxayna noqotay ma arag, ma maqal, mana la iiga sheekayn ama sheeko iyo shaahid midna kuma arag.

Waliba berigaas cidina ma sheegan inay ka dambayso falka masjidka ka dhacay, dadweynuhuna kuma faallayn ninka la dhaawacay inuu ahaa MURTAD ama JAAJUUS ama uu JIHAADKA kasoo horjeedo midna, mana jirin haba yaraatee cid u qiil-bixisay toorrayda lagu dhuftay nin Ilaahay u rukuucsan.

Arrintii yaabka iyo amakaaga ahayd waxaa lagaga biskooday ninku waa waalnaa, mana jirin xilligaas tafsiir kale oo la aqbali lahaa. Adiga oo og in xilligaas carrada ay xukumeen QABQABLAYAASHII!.

Gabagabadii xilligaas dhacdada xuni waxay muujisay tarbiyo xumo xagga qaadashada iyo warinta akhbaarta ku saabsan laakiin xilligaan waxaa kusoo kordhay diin xumo keentay in lugu faano dadkii salaadda ku jirey ama kasoo baxay oo waliba loo qiilbixiyo.

alwaqaar
Sh Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ninku waa i dilaye ii qabta! "

  1. Sayid says:

    Alshabaab waaga ay soo if baxday falalka guracan ay kula kacayaan Ummadda soomaliyeed Dad badan oo Caqli u saaxiib ah way ka digeen waxaana ku haray dad caqli gaab ah ama xamaasaddu qaaday , Qaar kalena waxay ku tageereen Qabyaaladd. Fikirka Alshabaab maanta islaamka ayuu dhib ku yahay iska daa inuu wax u qabto. Maanta dantii reer-Galbeedka in Jihaadku dhinto lagana cararo lana sumcadd xumeeyo wey gaadheen cajiib. waxaan maqlay hadal oranaya maahan in aad daba dhilif noqoto si ay cadowgaada kaaga faaideestaan lakin waxaa kugu filan Doqonnimo. qaar ayaa maanta ku baraarugay dhibka Alshabaab lakinse waa waqti danbe!