Home » Warar »

Madaxweynaha Somalia oo ka qeybgalay Shirka Jaamicada Carabta

Madaxweynaha Somalia oo ka qeybbgalaya Shirka Madaxda Dalalka Carabta ayaa
yiri “Madaxda Carabta waa inay xal u helaan mushkiladaha ka jira dalalka
Carabta.”

Madaxweynaha Somalia ayaa ka qeybgalaya Shirka Jaamicadda Carabta oo Kuwait
ka socda oo uu airport-ka ku soo dhoweeyey Amir-ka Kuwait, Amir Sabah
Al-Jabir Al Sabah.

Madaxweynaha ayaa yiri “Madaxda Dalalka Carabtu waa inay xal waara u helaan
mashaakilaadka iyo caqabadaha heysa shacabka dalalka Carabta. Waana in
hay’adaheena siyaasada ay noqdaan kuwo la jaanqaadi kara qarniga 21aad oo
aan horumarinaa shacabkeena si ay u helaan waxbatrasho tayo leh, oo aan la
imaanaa midnimo si aan shacabka dalalka Carabta u gaarsiino horumarka ay
istaahilaan.”

Madaxda Carabta ayaa ka hadlaya arrimo ay ka mid yihiin Syria, Falestin
iyo arrimo kale.

“Waddamada Carabta waxey muhiim noogu yihiin dhanka diblomaasiyadda iyo
horumarka Somalia, bacdamaa uu dalkeenu galayo marxaladda dib u dhiska iyo
horumarinta Somalia. Waxaana kulamo gaar-gaar ah la qaadan doonaa madaxda
kale si aan ugala hadlo dib u dhiska iyo mashaariic horumarineed oo
shacabkeenu aad ugu baahanyahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
somali48
Madaxweyne Xasan ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Sidoo kale madaxda
Carabta waxaan warbixin ka siinay dagaalka Al-Shabaab dalka looga
xorreynayo iyo guulaha isdaba jooga ah. Dagaalkan ka dib waxaa noo
qorsheysan sidii aan dalka uga hirgelin laheyn nidaamka dimoqraadiyeynta si
shacabku ay aayahooda uga tashadaan. Bacdamaa Al-Shabaab la baacsanayo
waxaan si sharuud la’aan ah u soo dhoweyneynaa Soomalida qoryaha iska
dhigta oo diyaarka u ah nabadeynta dalka. Waaana inaan gacmaha is qabsadaan
oo aan u soo wada jeesanaa dib u dhiska dalka.”
DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of the Federal Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so
E 2:engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.