Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland.

Warsaxaafadeed – 22/03/2014 — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xalay magaalada Geneva waxaa uu kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland, waxaa uu warbixin ka siiyay booqashada uu ku joogo dalka Switzerland iyo holwgallada ay dawladdu ku baacsanayso Nabad-diidka Al-Shabaab oo dhibaatada ay ku hayaan dadka iyo dalkaba uu sheegay in lasoo afjari doono.

Kulanka waxaa ku wehelinayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qaar xildhibaano ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo wakiilka Soomaaliya u fadhiya Q.M ee Geneva Sanjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil ( Bari-Bari). Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed sida ay ugu muujiyeen taageerada ay u hayaan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

“Guul ayay noogu dhamaatay socdaalka shaqo ee aan ku joogno dalka Switzerland oo aan uga qayb-galnay shirweynaha ururka caalamiga ah ee Shaqada (ILO) iyo kulamo aan la yeelanay guddiga sare ee maamulka, waxaan kala hadalnay sidii Somalia loogala shaqayn lahaa barnaamijka hab-wanaaga shaqada. Waxaa kaloo aan kulamo la qaadanay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Switzerland oo waxyaabaha aan kala hadalnay ay kamid tahay sidii qurba-joogta dalkan looga taageeri lahaa in ay ka qayb-qaataan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale jaaliyadda uga warbixiyay holwgaladda lagu siffaynayo Nabad-diidka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo in ay bulshado ku talaabsato horumarada kala duwan ee bani’aadanku uu u baahan yahay, waxaana uu yiri: ” Magaalooyin badan ayaan ka saarnay Nabad-diidka Al-shabaab, waxaa naga go’an in aan soo afjarno dhibaatada ay ku hayaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan idiin xaqiijinayaa in dalku uu ku socdo dariiqii saxda ahaa, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha yar yare e na haysta. Xukuumaddu waxaa ay aad ugu howlan tahay in hayádaha dawladda la dhamaystiro si ay u sahlanaato in adeegyada bulshadu ay gaaraan shacabka.”

TACSI : Allaha u naxariisto Marxuum Shariif Saalax:

Dhanka kale , Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa tacsi u diray ehelada, asxaabta iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax maxamed oo xanuun hayay ugu geeriyooday Muqdisho.

“Innaa lilaah wa innaa ilayhi raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa shacabka iyo qoyskii uu ka geeriyooday marxuumka. Marxuumku waxaa uu si wanaagsan ugu soo shaqeeyay dalkiisa xiliyo kala duwan. Waxaa uu ku kaalin weyn ku lahaa qorista farta Soomaaliga. Waxaa uu danaha qaranka u fadhiyay dalal badan isagoo safiir ah Ilaahay haka waraabiyo jannadiisa fardowsa, anagana Samir iyo iimaan allaha naga siiyo.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Geneva – Switzerland
E: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.