Home » Warar »

Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad Ee Baarlamaanka Oo Aqoon Kororsi Kampala Uga Furay Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon kororsi mudo shan cisho ah magaalada Kampala uga socon doona Gudoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Aqoon kororsigan oo la xiriira qorshe howleedka howlaha guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa fududeeyey hay’adda Awepa waxaana cashirro ka bixinaya quburro ka socda Baarlamaannada caalamka qaarkood haba ugu horeeyee Baarlamaanka dalkan Uganda, waxyaabaha ugu muhiimsanna waxaa ka mid ah qaabka ay guddiyada joogtada ah ula xisaabtamayaan wasaaradaha Xukuumadda.

Gudoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka,Anshaxa iyo Xasaanadda Baarlamaanka Soomaaliya Mudane C/qaadir Ibraahin Baqdaadi ayaa saxaafadda u sheegay in billowga aqoon kororsigan ay Guddiyadu eegeen hagaajinta xiriirka dhexmaraya bulshada iyo guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya maadaama ay guddiyada joogtada ah toos ugu xiranyihiin Wasaaradaha Xukuumadda islamarkaana ay yihiin Baarlamaanka oo yar.

somali34

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha Bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa isna dhankiisa ka hadlay muhiimadda aqoon kororsigan waxaana uu xusay in tani ay muhiimad gaar ah u leedahay hormarinta iyo ballaarinta howlaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maadaama guddiga Joogtada ah ay yihiin kuwo had iyo goor diyaariya qorshe howleedka Baarlamaanka.

Ka sokoow aqoon kororsigan socon doona mudada shanta cisho ah oo waxyaabaha looga hadlayo uusoo diyaariyey Baarlamaanka Soomaaliya waxaa gudoomiyeyaasha Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ka doodi doonaan qorshe howleedka iyo qodobada hor u tebinta leh oo uu ugu horeeyo qaabka iyo nooca nidaamka Federaalka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.