Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha oo bulshada rayidka ka codsaday inay kala qeybgalaan isku soo dhoweynta bulshada

Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaarhaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta ka qeybgalay munaasabada sanad-guurada 6-aad ee Jilayaasha aan Dawliga aheyn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENCA), wuxuuna ka codsaday hay’addaha aan dawliga aheyn iyo ururada bulshada rayidku inay dawladda kala shaqeeyaan isku soo dhoweynta bulshada iyo horumarinta nabadda.

“Waan ku faraxsanahay inaan galabta ka soo qeybgalo munaasabadda sanad-guurada lixaad ee SOSCENCA” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka codsaday in si wada jir ah loogu guntado sidii loo samatabixin lahaa dalka, basle aan lagu eegan oo kaliya dawladda “Dawladda, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka oo isku duuban oo kaliya ayaa ka guuleysan kara caddowga, balse haddii tafaraaruq uu dhoco caddowga ayaa naga guuleysanaya” ayuu mar kale yiri.

somali33

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday ka soo qeybgalayaashii munaasabadda in xukuumadu ay muhiimad siineyso shaqo abuurista iyo fursad siinta dhalinyarada Soomaaliyeed, sidoo kalena ay adkeyn doonaan nidaamka Cadaalada iyo Garsoorka dalka si shacabku u helaan sinaan iyo cadaalad.

Muqdisho, March 10.2014——-

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.