Home » Warar »

Qarax Ismiidaamin ah oo Goor Dhow uu ka Dhacay meel aan sidaa uga Dheereyn Xarunta Nabadsugidda ee Magaaladda Muqdisho.

Waxaa Goor Dhow meel aan sidaa ugu dheereyn Xarunta Nabad Sugida ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Qarax Ismiidaamin waxaana la sheegey in Bartilmaameedku uu ahaa Goob Maqaaxi ah oo inta badan ka Cunteeyaan Ciidamada Nabasigada waxaana Goobta Qaraxu ka dhacay lagu arkayey Uuro iyo Qiiq Madow.

somali18Waxaa markii uu dhacay Qaraxaasi Goobta Xirey Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka sidioo kale waxaa la arkayey Gawaarida Gurmadka Deg Deg ah oo halkaa ka qaadayey Dhaawaca, waxaan Qaraxi uu yimid iyadoo weli la hadal hayo Weerarkii ka dhacay Xarunta looga Arimiyo Dowladda Federaalka ee Villa Soomaaliya .

Qaraxaan ayaa sidoo kale waxaa uu yimid iyadoo 48 Saac ee ugu Dambeysey Magaalada Muqdisho lagu diley Dhowr Qof oo laba ka mid ah ay ayaan Haweenka ka shaqeeya arrimaha Talaalka sidoo kale waxaa uu Qaraxaai uu yimid Xili Dowladda Federaalka ay sheegtey in ay dagaalo ku qaadeyso Goobaha ay ku sugan yihiin Xarakadda Alshabaab

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmaill.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Qarax Ismiidaamin ah oo Goor Dhow uu ka Dhacay meel aan sidaa uga Dheereyn Xarunta Nabadsugidda ee Magaaladda Muqdisho. "

  1. maxamuud says:

    Waxa meesha ka socda waa Dagaal qabow oo lagu abuuro jawi xasilooni daro..waxa laga yaba iney dowlado kale ku lug leeyihin dhibtaadaan lagu wax yeeleynayo shacabka. Soomaliyeed. Laakiin Maadama ay dowladu ka wakiil tahay Shacabka Waa iney ilaalisa oo ay ka hortagaa wax alaale iyo wixii keeni kara jawi xasi looni daro. Dadka iyagu dhibkaan abuuraya waxaa cad iney yihiin caado qaatayaal u shaqeeya dowlado kale oo aan wax damiir beni aadanimo iyo mid Soomalinimo toona lahayn. laakin waa in la is ka qabta oo meel looga soo wada jeestaa. lana diida falalka quracan oo ay caadeysteen iney ku wax yeeleyaan Shacabka.

    Soomaliya ha noolaato.!