Home » Warar »

Dacwada Soomaaliya iyo Dowkii Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax – VIDEO

Muuqaal taariikheed (Documentary) kan wuxuu ka hadlayaa dowrkii dacwada Soomaaliya uu kulahaa Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ahaa caalim si wayn looga yaqaanay geeska Afrika iyo Caalamkaba. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa sidii loo dilay Sheikha, cidii dishay, sababtii loodilay iyo ehelka Sheikha oo arintaan markii ugu horaysay sharxaya.

Waxay ahayd goor aan Salaadii casar ka baxnay waxaan joogay magaalada Boosaaso, warxun wax ka dhakhso badan gabar ayaa markiiba isoo wacday markaasay igu tiri mamaqashay in Sh. Cabdulqaadir la dilay intaan is diidsiiyey, ayaan iri iikaadi, markiiba waxaan wacay Sh. Ahmed Cabdisamad oo aan ku ogaa Garoowe, igama qaban, waxaan ku xijiyey Sh. Cabdiqani Qorane, wuxuu iigu jawaabay Sh. Cabdulqaadir illaahay ha u naxariisto, isagoo salaad Casar kujira oo Masaajidka ku jira ayaa Madaxa laga toogtay, hadana maydkiisii ayaan korjoogaa.

Subxaanalaah, murugo badanaa, Salaad, Masaajid, Sheikhaas dada ah, fadliga uu ummada Soomaaliyeed ku leeyahayna aan nina ka qarsoonayn, tolow yaadilay, tolow maxaa loodilay, maxaa Masaajidka loogu dhexdilay, su’aalo aad u badan ayaa Maskaxdayda mashquuliyey.

Islama markiiba qofkasta oo soo gaari karay Garoowe meeshiisii ayuu kasoo dhaqaaqay, waxaana ceeryoontay Garoowe, Muuqaal taariikheedka ayaad ku arki doontaa meelihii laga yimid.

Qoraalakan waa hordhac kooban, insha allaah markale ayaan soo qori doonaa qoraalo taxane ah oo ka hadlaya safarkaygii Puntland iyo dhacdadii aan la kulmay.

Illaahay ayaa mahad dhamaanteed leh ii qadaray inaan fursad u helo inaan aruuriyo qayb kamid ah taariikhdii Sh. Cabdulqaadir, Muuqaal taariikheedna ka samayno kaalintii uu ku lahaa dacwada Salifiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya iyo wax u qabashada ummada Soomaaliyeed.

Muuqaalkan wuxuu ka kooban yahay afar qaybood, b)Barbaaridii Sheikha iyo waxbarashadiisii, t) Faafinta dacwada iyo bilowgii saxwada Soomaaliya iyo kaalintiisii, J) Waxqabadkiisii, Mawaaqiftiisii iyo marag fur dadkii yaqaanay, x) Sidii loo dilay, cidii dishay, sababtii loo dilay iyo hadalkii ay ka yiraahdeen, qoyskii Sheikha, Culimmadii Soomaaliyeed iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan.

nuur-faaraxGabagabada Muuqaal taariikheed kana waxaad sawir buuxa ka qaadanaysaa sidii madashii la isugu yimid ahayd, aaskii Sheekha iyo qaar ka mid ah dardaarankii Sheikha.

Waxaan mahad gaar ah u naqayaa tan illaahay kadib, dhamaan dadkii tirada badnaa ee ka qayb qaatay hirgalinta muuqaal taariikheedkan, si gaarana waxaan ugu mahad naqayaa qoyska Sheikha oo iyagoo marxalad adag ku jira naga ogolaaday inay dowrkooda ka qaataan M. Taariikheedkan. Somalitalk.com iyo halgan.net waan uga mahad celinayaa faafinta Muuqaal Taariikheed kan.

Wuxuu ka kooban yahay Muuqaal taariikheed kan dhowr qaybood fadlan lasoco qaybaha kale ee Documentary-ga. Lasoco Qaybta 2-aad

Qaybta 1aad DAAWO VIDEO:

Muuqaal Taariikheed kan waxaa idiin soo gudbiyey Minhaj Media Production,waxaana soo agaasimay soona saaray Sh. Xasan Dhooye. talo iyo tusaalayn fadlan kusoo hagaaji dhooye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.