Home » Faallo »

DALKA SOOMAALIYA WAA DAL LA HEYSTO OO GUMEEYSI CUSUB KU HOOS JIRA

Dalkeena Soomaaliya ah wuxuu Xornimo buuxda qaatey 1 July 1960 waxaana Madaxweyne ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya u ahaa Allaha u naxariiste Aadam Cabdulle Cismaan, hase yeeshe nasiib daro maanta oo aan joogno oo ah 2014 waxaan nahay dal la heysto oo gumeeysi cusub ku hoos jira waxaana daliil cad u ah:

daahir0Waa marka hore Shacbiga Soomaaliyeed waxaa loo qeybiyay Qabiilo iyo Gobolo si ay u dhunto Midnimadda Ummadda Soomaaliyeed tan xigta oo kale waa Goboladda Soomaaliya mid walba la yiri waa in aad sameesata wax la yirahdo Dowlad Goboleed.

Waad og tihiin in dalka Soomaaliya ay maanta jooggan Ciidamo fara badan oo gaaraya 22 kun waxaana ka mid ah dalal qaatey Xornimada 1963 iyo kuwa ka danbeeyay oo ay ka mid athay Jabuuti hase yeeshe waa nasiib daro in maanta ay Soomaaliya aysan laheyn Ciidan Qaran waad ogtihiin in 1960 kii in Taliyihii ugu horeeyay ee Ciidanka xoogga Dalka soomaaliyeed uu ahaa Allaha u naxariiste Jeneraal Daa’uud.

Shacbiga Soomaaliyeed waxaan idin weydiinaya ee ma idin fiican tahay in aad Qabiil Qabiil ama gobol gobol noqotaan mise waxaa idin fiican in aad noqotaan Shacbi mideeysan sidii 1960 kii? tan kale ma waxaad dooneysaan in Ciidan idin noqdaan Ugaandho, Kenya, Burundi , Itoobiya, iyo ciidamo kale oo ajanabi ah mise waxa idin fiican in aad heshaan Ciidan Soomaaliyeed oo dalka oo dhan oo yeesho?

Shacbiga Soomaaliyeed ee Sharafta leh waxaan idin weydiinaya maxaad ku diidan tihiin in aad Dowladnimo heshaan , Wadaniyiin noqotaan iyo inaad Sharaf Qaranimo ku noolaataan mise Gumeeysiga ayaad rabtaan, ma qabiil qabiil ayaad rabtaan ?

Koley aniga waxaan idin ka codsanaya Shacbiga haddii aad tihiin in aad wax ka bedeshaan qaabka aad u dhaqmeeysan oo ah Qaab dhaqan xun ee aad noqotaan Shacbi Midnimda dalkiisa jecel.

Waa Mahad san tihiin.

Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " DALKA SOOMAALIYA WAA DAL LA HEYSTO OO GUMEEYSI CUSUB KU HOOS JIRA "

  1. kalkaal says:

    Walaal waad ku mahadsantahay fikirkaaga wanaagsan.
    lkn, waxey aniga ilatahay in markii horeba xorriyad tii aan u baahneyn ah eynaan helin.
    sababtuna waxey tahay: –

    1- Waa jirey halgan dheer oo dad soomaaliyeed sameeyeen; balse sababta xoriyad heliddu isaga oo qur ah ma aheyn, ee waxey u muuqatay in ey ku timid kala kacsi ay sameeyeen quwadihiin waqtigaas awoodda isbadayey.

    2- Inaga nafteenu (Africa) uma bisleyn in aan is maamulno oo waxaa nagu liitey tacliinta, kalsoonida, dhaqala sameynta, ka warheynta dunida etc.

    3- Lama helin rag ka dhex faa’iideysta loolanka quwadaha is haya(in yar oo iyana laga adkaaday ma ahee), oo fikir Somalinimo ah wax ku dhisa, ee waxey taageerayaal u noqdeen madax-yaweynteenii quwadihii wadankeena iku heystay.

    4- Waxaa madaxdeenii macalimiin u noqday ku wii hilibkeena u hamuun qabey; waxa dhacayaba ka garo e.

    5- Waxey hormuukeenii bareen eex, tuuganimo, qabyaalad, laguuma jeedee dhereg, adigu dabaqyo jeexo inta kale yeelkeede iwm. xilkii wuxuu u ekaaday naas kali ah oo qofba mar afka la raadiyo; kii aan helinna eberyahay kan mar afka la helaana uu dhergo.

    5- waxaa mustabalkeenii u ekaaday Sabi (ilmo yar) oo dhowr qofood u dhexeeya oo midaba mar uyeero inta alaab dhalaaleysa tusiyo, kankale u yeero oo isna alaab ka sii dhalaal badan u soo taago, oo sidaas marba dhinca u yaaca.

    Sidaas daraadeed, waxey aniga ila tahay in hadda iyo billaaw loo halgamo Xorriyad arsmi ah. iyadoo laga billaabayo in si cilmi ah loola halgamo dadka maskaxiyan noo gumeysta oo habeen iyo maalin ku dadaala in ey nakala dhantaalaan, koox kooxo naga dhigaan, isku kaana dilaan; iyaguna marba marka ka dambeysa sii midoobaya oo iskaashanaya.