Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DF Soomaaliya oo Booqasho ku tegey Wershedda Ciidanka Itoobiya u samaysa Hubka, Rasaasta iyo baabuurta ciidanka

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sabtidii (Febraayo 15, 2014) waxa uu booqasho ku tegey wershedda Ciidadanka Itoobiya u samaysa hubka, rasaasta iyo baabuurta ciidanka.

DFS oo booqashadaas warsaxaafadeed ka soo saartay ayaa tibaaxday in ra’iisulwasaaraha DFS “la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Ethiopia General Samora Muhammad Yunis kadibna waxaa uu Ra’iiusl Wasaaruhu booqasho ku tagay Warshadda Weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC), taasi oo qabata howlo kala duwan oo ay kamid yihiin samaynta qalabka baabuurta, baabuurta ciidanka iyo rasaas..” waa sida warsaxaafadeedku hadalka u dhigay’e.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay warbaahinta Itoobiya sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay kusoo qulqulayaan Soomaaliya (Daawo Video hoose).

Ciidamadda Itooya waxay xasuuq ba’an ka geysteen magaalada Muqdisho oo ay soo galeen December 28, 2006, ilaa xoog looga saaray oo markii ay u adkaysan waayeen iska caabinta shacabka Muqdisho ay ka baxeen Janaayo 15, 2009 – waa 749 maalmood oo ay xusuuq ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdiweli Sh. Axmed ayaa intii uu joogey Addis Abaab waxaa Dawladda Federaalka ay heshiis la saxiixatay Itoobiya, heshiiskaan oo xukuumadda FS aysan shacabka Soomaaliyeed u fasirin ujeedadiisa dhabta ah iyo waxa ku qoran toona.

astaan3

astaan2

Itoobiya waa dal xoog ku haysta dhul iyo shacab Soomaaliyeed, qorshaha Itoobiyana waxa uu ku cad yahay qoraalkii wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ee ahaa “Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya.” Waxaana madaxda Soomaaliyeed fahmi la’yihiin in Itoobiya aysan doonayn Soomaaliya oo yeelata dawlad la xisaabtami karta.

astaan4

Kulankii ra’iisul wasaaraha DFS iyo kan Itoobiya

teran7

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Tehran Kula Kulmay Dhigiisa Dalka Iran Ali Larijani

Sidoo kale Akhri qoraalkii C/Risaaq Xaaji Xuseen (Allah ha u naxariistee) uu 2002 ka qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya...

Video Ciidanka Itoobiya oo ku qulqulaya Soomaaliya:

###

Warsaxaafadeedkii ka soo baxay DFS hoos ka akhri.

Ra’iiusl Wasaare Cabdiweli oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga ee dalka Ethiopia.

15/02/2014

wershed7

wershedda hubka ee ciidanka itoobiya

wershed3

ra’iisul wasaaraha DFS oo booqanaya wershedda hubka itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta la kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Ethiopia General Samora Muhammad Yunis kadibna waxaa uu Ra’iiusl Wasaaruhu booqasho ku tagay Warshadda Weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC).

Kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Taliyaha ciidanka xooga dalka Ethiopia ayay ka wada hadlayeen xoojinta amaanka iyo dib u xoraynta goobaha ay wali dalka kaga sugan yihiin kooxaha nabaddiidka ah, waxaana kulankan uu qayb ka yahay 3 maalmood oo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli uu booqasho rasmi ah ku joogo magaalada Addis Ababa ee Ethiopia.

Dhanka kale waxaa uu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdigiisu ay booqasho ku tageen mid kamid ah xarumaha ay leedahay warshadda weyn ee dalka Ethiopia ee lagu magacaabo Metal and Engineering corporation (METEC), taasi oo qabata howlo kala duwan oo ay kamid yihiin samaynta qalabka baabuurta, baabuurta ciidanka iyo rasaas..

wershed2

Dhamaad.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.so
Ridwaanhaji@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Ra’iisul Wasaaraha DF Soomaaliya oo Booqasho ku tegey Wershedda Ciidanka Itoobiya u samaysa Hubka, Rasaasta iyo baabuurta ciidanka "

  1. Abdi Hassan says:

    Scw
    Akhyaarta.
    Somalitlak wallee waa muwaadiniin dhab ah!
    Muddo dheer ayaan ku taxnaa maqaaladiina,waxaan yaqiinsanahay inaad Soomaali Hawl weyn u haysaan nin idin og iyo mid aan idin ogaynba.
    Calaamadaha iyo Calankaba ku talogal baa looga tegey!
    Tani waa bahdil haysta Madaxda Somalida meel kasta oo ay tagaan,gaar ahana wadamada Kenya iyo Ethiopia.
    Madaxweyne Xassan wixi beri dhoweyd kaga dhacay Nairobina waa la ogaa.
    Quraanyoy ku quuso!
    Somalia wali waxaa ku haray dad badan oo Somalinimadii ku jirto oo qalbigoodu noolyahay.
    Well-done Somalitalk
    Viva Somalia.

  2. Daljir says:

    Asalaamu calaa man itabacal Huddaa.
    Hadii la ilaawi lahaa in lagu sawiro calanka somalia weey fiicnaan lahayd laakiinn waa ula kac sidii reer mudugu odhan jireen
    {kuqabso ku qadi maysid}

  3. RUNSHEEG says:

    R/WASAARAHA MA WUXUU BOOQDAY MEESHA CADOWGEENII SOO JIREENKA UU HUBKA UU DADKEENA KU GUMAADO KU SAMEYSTO WAA ARIN AAD LOOGA XUMAADO..MARKA SOOMAALI RABBIYOOW U BIXI DAD DIINTA IYO MUWAADINNIMADA AY DHAB KA TAHAY ISLA MARKAANA FAHANSAN…WAA DAD IYAGII ISKU MAQAN OO AAN OO AAN CADOWGOODA OGEYN …IYAGII UUN ISU AWOOD BADAN OO AAN ARKIN CAOWGOODA..WAR SOOMAALIYEEY DHULKA WAAN WADA LEENAHAY EE NIMCADA DHEXTAALA MA WADA DHUUQNAA OO DHIBTA MA ISKA DHAAFNAA …OGAADANA QOFKII WALAALKIIS CADOW KU AHOOW NAFTAADA AYAAN CADOW KU TAHAY…

  4. Assalaamu Caleykum Warraxmatullaahi wabarakaatuhu(muslimiinta)
    Somalitalk waa ku mahasantihiin sawirka lagama illaawin calaamadda
    Dawladda Soomaaliya ee waxaan kamid nahay fedraalka Ethiopa (Killi lka 6aad) Calanka keliyaee ka taagan Hargeysa,Garoowe,Baydhabo iyo Muqdisho, waa calanka Ethiopia.
    Markhaatiga ugu weyn inaan Ethiopia kamidnahay waa calanka Ethiopia.
    Wuxuu dhexda ku leeyahay xiddigteennii shanta gees leh oo midabka buluugga dhexda ku leh.Xabashida waxa ku qoran buugaagtooda diinkusheegga ah “Dhulkii loo ballanqaaday” oo ah Soomaaliya
    Waan ognahay Soomaaliya inaysan dawladi ka jirin madaxkusheegtana waxa loo keensaday in wax laga sixiido oo keliya.
    WabiAllahi Towfiiq wscwrwbr