Home » Faallo »

Ma Hanbaa Horumar Lagu Gaaraa Mise Hiigsi Daneed.

faytinFaallo :

Hadalhaynta bulshada soomaaliyeed inta badan waxaa laga dhadhamin
karaa inay u bateen in dhabarka looga fadhiyo Somalia oo la kici
la,dahay aduunka ( beesha caalamka ) oo aan diyaar u ahayn inay
lugaheeda isku taagto ,waxaan is leeyahay taasi waa mid aan run ahayn
waayo soomaali ayaa hore ugu maah maahday ( Ruqayo geel oo ninkii
lahaa dabada Uga fadhiyo ma kacdo ) ruqayo waa hasha geela ah ee
da,ada ah islamarkaana tamarta daran ,taasoo macnaheedu yahay dadka
soomaaliyeed iyaga iyo hogaankoodu hadii ay daacad ka yihiin inay
cadaalad helaan waa ay gaari karaan yoolkooda ay higsanayaan dowlad
xoog badana way heli karaan .

Tusaale wanaagsan waxaa inoo noqon kara dowlad kasta oo lasoo dhiso
waxaa hareeya marka ugu horaysaba ama lagu xantaa musuq maasuq iyo
cadaalad daro ka jirta gudaheeda ,iyadoo ay jiri karaan dadaalo
dhinacyo badan leh oo soconaya
Garsoorku waa cadaalada waa tiirka ugu muhiimsan ee la oran karo waa
kan kala saari kara xaqa iyo baadilka taasina ay bulshadu ku heli
karaan kalsooni ,wanaag iyo taageero ay dowladooda siiyaan laakin
hadii ay noqoto ninkii tunweynoow ama tabar lahoow ku talaabso waxaa
meesha ka baxaya xaqii dowlad looga baahnaa ,waxaan is leeyahay
garsoorka iyo cadaalad hadii la helo waxaa meesha ka bixi lahaa nabad
la,aanta oo waxaa walaalo mataano ah cadaalada iyo nabada

Bal ila dhuuxa sheekadan oo aan is leeyahay waxay tusaale u tahay
wanaaga iyo xumaanta fariga u dhexeeya .

Waxaa hal geel ah wada lahaa ladqabo iyo lilaahi , hashii ayaa Oontay
oo biyo u baahatay , ladqabo ayaa tidhi lilaahiyey hasha aan soo
waraabsano ‘ lilaahi hayehe soo kaxee hasha aan soo waraabinee ayay
tidhi .

Ladqabo waxay soo kaxaysay hashii oo Ooman , lilaahi waxay ladqabo la
kaxaysay hashii , waxaa la tagay Ceelkii hasha laga waraabin lahaa .

Waxaa la tagay Ceelkii oo biyo yarood ah ,Ladqabo ayaa tidhi lilaahi
adigu Ceelka gal oo hasha biyaha u soo miir , lilaahi haye waan
yeelayaa ee ii qabo xadhiga aan Ceelka u dagee.
Lilaahi waxay gashay Ceelkii , waxay soo dhurtay biyihii nadiifta ahaa
si hashu ay biyo nadiif ah u hesho, hashii waa la waraabiyey , markii
hashii ay cabtay ayaa ladqabo lilaahi xadhigii u goysay hashiina iska
kaxaysatay .

Lilaahi talo ayaa ku cadaatay , sidee yeeshaa , xaal muxuu noqon
doonaa ma sidaas ayaad ku abaadi doontaa mise gargaar ayaad heli
doontaa .

Halkaas iyadoo xaal marayo ayaa waxaa yimid Ceelkii Jin xoolo badan
wata oo doonaya in ay Ceelka xoolahooda ka waraabsadaan ‘ sida laga
warqabona xoolaha Jinka biyaha waa iska cabaan oo looma miiro .

Marka Jinku wadaanta soo rido ayuu markiiba biyaha u daraa oo si deg
deg ah kor ugu raaciyaa , Jinkii ayaa yaabay oo wuxuu Jimankii kale u
Yidhi war Ceelku Caawa waa nacaawinayaa ‘ Jimankii kale ayaa Jinkii ku
yidhi maxaad aragtay , Jinkii ayaa ku jawaabay marka aan wadaanta
Ceelka daroba waa ii soo deg degaysaa.

Mid Jimankii ka mida ayaa ku jawaabay malaha dadbaa ku jirta , hadii
la eegayba nin ayaa salka Ceelka fadhiya ‘ war maxaad ahayd , waxaan
ahaa lilaahi ‘ lilaahida aan maqalaa maadigaa ; lilaahi haa waa aniga
, Jimankii soo bax oo boqolkaas halaad qaado.

Lilaahi oo boqolkii halaad wadata ayaa soo aaday dalkii ay daganaayeen
, lilaahi waxay aragtay ladqabo oo hashii ay isku rafaadsan yihiin oo
meel ay u kaxayso la, ladqabo Allah! Lilaahi xagee waxan oo Geela ka
heshay ” lilaahi Ceelkii aad igaga tagtay .
Ladqabo hashana ku darso anigu Geel badan ayaan Ceelkii u doonanayaaye .
Ladqabo waxay gashay Ceelkii ‘ markii ay saacado ku jrtay , ayaa waxaa
Ceelkii yimid dad xoolo doonaya in ay ka waraabsadaan , dadkii waxay
Ceelkii ku soo rideen wadaan ‘ ladqabo ayaa wadaantii isku duubtay oo
biyihii u diiday .
Dadkii waa yaabeen war Ceelka maxaa ku jira ayaa la is weydiiyey ‘
Ceelkii ayaa hoos loo soo eegay mise nin ayaa dhex fadhiya ‘ war
maxaad ahayd , ladqabo ayaan ahaa oo maxaad doonaysay , waxaan rabaa
in xoolo badan aan helo .

Soo bax aan xoolo badan ku siinee , ladqabo oo is leh maanta ayaad
fakhrigii tuurtay ayaa Ceelkii ka soo baxday ‘ banaanka markii lagu
hubsaday ayaa wixii qof waliba gacanta ku hayey kula dhaqaaqay oo
korkeeda ayaa si deg deg nabarku ugu kulmay ‘ saacad ka bacdi ladqabo
waxay ahayd mayd .

Halkaas ayaa ladqabo lagu waayey ,lilaahina reerihii oo dhan gacanta
ugu dhigtay.
Hadaba hadii la helo cadaalad,daacadnimo iyo lilaahi ku jirto lagana
xoroobo qabiilka ,xaasidnimada dulmiga sow lama heli karo dowlad xoog
badan oo bulshadu ay jeclaan lahayd jawaabtu waa idinka >>>>

W/Q Yaasiin Maxamed Cali
( Yaasiin Faytin )
Yaasiinfaytin@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.