Home » Warar »

Soomaalida degan Stockholm oo tacsi iyo kulan duco ah u sameeyey Ra’iisulwasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Stockholm, Sweden

Maalintii jimcada ee taariikhda islaamka ee hijriyadda ay aheed 13 rabuucil aakhir ee sanadka 1435 kuna aadaneed taariikhda milaadiyadda ee 14ka febraayo sanadka 2014 ayaaSoomaalida degan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ay kulan tacsi iyo duco ah u sameeyeen.ra’iisulwasaarihii geeriyoodey ee dalka Soomaaliya.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ra’iisulwasaare kasoo noqdey dalka Soomaaliya mudadii u dhexeysey 1964-1967 isagoo xiligii uu ahaa ra’iisulwasaaraha soo kordhiyey waxyaabo badan oo ku saabsanaa dowlad wanaaga iyo cadaalada maamulka.

Kulankaas ducada ee soomaalida Stockholm u sameeyeen ra’iisulwasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne farabadan oo ka kooban qeybaha bulshada sida culumaa’udiinka, aqoonyahanadda, odayaal dhaqameedyo, haween iyo dadweyne kale oo fara badan.

Dadkii halkaas ka hadley waxa ay isku raaceen dhamaantood in Cabdirisaaq Xaaji Xuseen uu ka galay taariikhda casriga ee mujtamaca soomaaliyeed baal dahab ah oo aan la iloobi karin isla markaana loo baahan yahay in jiilayaasha soo socda ee soomaalida la baro taariikhdiisa si ay uga daydaan wadaninimadiisii iyo soomaali jaceelkiisa.

Professor Khaliif Bile oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Sweden ayaa ka sheekeeyey taariikhnololeedkii Ra’iisulwasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo doorkiisii uu ku lahaa xornimo gaarsiinta dalka Soomaaliya iyo waliba sidoo kale waxqabadkiisii xiligii uu ahaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya sanadadii 1964-1967.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadley Maxamed Xasan(Afgooye) oo ka mid ah odayaasha Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Swiidhan isagoo xusey doorkii Ra’iisulwasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen uu ka qaatey raadinta nabada Soomaaliya kadib markii dagaalada sokeeye ka qarxeen dalka Soomaaliya bilowgii 1991kii ilaa iyo 2014 oo uu geeriyoodey. Waxaa kale oo uu mudane Maxamed Afgooye xusey inaan marnaba umadda Soomaaliyeed aysan iloobi doonin mowqifyadii dahabiga ahaa uu Cabdirisaaq ka istaagey duulaankii ciidamadda Itoobiya ay kusoo qaadeen dalka Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii 2006 si ay ula dagaalamaan xoogagii midowga maxkamadaha islaamiga ee nabadeeyey koonfurta Soomaaliya kadib markii ay ka talinayeen muddo dheer qabqablayaal dagaal uu aduunkana u caal waayey wax ka qabashadooda.

Waxaa kale oo dadkii halkaas ka hadley ka mid ahaa Cabdikariin Sheekh Maxamed oo ka mid ah odayaal dhaqameedyada soomaaliyeed oo ku nool magaaada Stockholm isagoo sidoo kale xusey wadaninimadii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Ilaahayna uga baryey inuu naxariistii jano siiyo.

Dhinaca dumarka Soomaaliyeed ee tacsidaas kasoo qeybgalay ayaa waxaa afkooda ku hadashay Maryan Xirsi Camal oo ilaahay ka bariday in naxariistii jano uu geeyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen isla markaana ku dhiirigalisay in ragga Soomaaliyeed ay ku deydaan wanaagii Cabdirisaaq xaaji Xuseen oo ay noqdaan dad wadaniyiin ah oo mowqif adag isla markaana aan marnaba ka tanaasulin jaceelka dadkooda iyo dalkooda Soomaaliya.

Waxaa kale oo halkaas ka hadley odayaal iyo akhyaar iyo indheergarad farabadan oo aan ka xusi karno Raage Cabdiraxmaan, Aadan Xaashi, Suldaan Cabdirisaaq Xirsi Carab, Macalin Faarax Sheekh Maxamuud(Faarax Dacas), Cali Daahir Xaaji iyo Maxamed Sheekh Daahir iyo xubno badan oo kale oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

duco

Dhamaan dadkii halkaas ka hadlay ayaa u duceeyey Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyagoo ku dhiiri galiyey umadda Soomaaliyeed inay ku deydaan wanaaga iyo wadaniyadda Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ay ka shaqeeyaan raadinta midnimadda ummadda Soomaaliyeed loona baahan yahay in horey loo socdo oo la iska iloobi wixii tagay isla markaana la is cafiyo oo gacmaha la is qabsado maadaama uusan jirin wax ka sokeeya qaranimadda Soomaaliyeed oo deeqi kara qof walba oo soomaali ah taasoo ah sharaf aad u weyn.

Waxaa xafladda intii ay socotey xiriirinaayey Cabdirisaaq Sheekh Axmed oo ka mid ah odayaasha soomaaliyeed ee magaalada Stockholm iyada oo aad loogu mahadceliyey dhamaan dadkii soo qabanqaabiyey iyo kuwii kasoo qaybgalay si ay u xusaan wanaagii Cabdirisaaq Xaaju Xuseen uguna duceeyaan.

Warkaan waxaa soo diyaariyey wariyaha madaxbanaan

Cabdala Aadan xasan

Email: abdullahihassan@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.