Home » Warar »

Xilli Ciidamada Badda haysan Wax Qalab ah ayey waxay u Dabbaaldegeen Sannad Guurradii 49-aad ka soo wareegtay Aasaaskii Ciidankaas.

Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.Munaasibaddan oo lagu xusayay Sagaal iy Afartan Guuradii ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Badda Soomaaliyeed ayaa ugu horeynba waxaa halkaa socod Dhuulatusad ah ku sameeyay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliyeed kuwaasoo Salaan Sharaf siiyay saraakiishii goobtaas soo xaadirtay.

somali1Ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya Admiraal Maadeey Shiikh Nuur Ufurow oo ka hadlay awoodda Ciidanka maanta iyo Qalabka ay haystaan.Admiralka ayaa sheegay in ciidamada Badda Soomaaliyeed maanta ay awoodaan in ay ka hor tagaan Maraakiibta isku dayaysa in si Sharcidarra ah ay uga kalluumaystaan Biyaha Soomaaliya.

Admiraal Maadeey ayaa dhinaca kale ka hadlay Qalabka Ciidanku u baahan yahay oo uusan haysan balse ciidanku si aad ah u dhisan yahay,Waxaa isaguna Munaasibaddaas ka hadlay Taliyihii hore ee Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Qare kaasoo ka sheekeeyey Taariikhda Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo burburkii kadiib marxaladihii uu soo maray.

Ugu dambayntii ayaa waxaa halkaa ka hadlay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Xasan Xaamuud.,Wasiirka ayaa ballan qaaday in Ciidanka la Qalabayn doono isla markaana ay dib uga hawl gali doonaan Biyaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Kooxaha Burcad Badeedda iyo waliba Maraakiibta Shisheeye ee sida Sharcidarada ah uga Kalluumaysta ama Wasakhda Haraadiga ah ugu soo shuba Xeebaha Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Dowladaha Soomaaliya iyo Burundi oo isla gartay iskaashi dhinacyo badan leh.

Mogadishu, February 10, 2014 – War murtiyeed si wadajir ah ay maanta u soo saareen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo dhiggiisa dalka Burundi H.E. Laurent Kavakure ayaa lagu faah-faahiyay isfaham labada dowladood dhexmaray kadib booqasho seddex cisho ah qaadatay oo uu Muqdisho ku joogay wafdiga ka socda dowladda Burundi oo garoonka Muqdisho uu ku sii sagootiyay gelinkii hore ee maanta Wasiiru dowlaha Wasaaradda H.E. Buri’ Mohamed Hamza.

War murtiyeedka oo uu saxaafadda u aqriyay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Bujumbura – Burundi Ambassador Abshir Hassan Abshir Farah ayaa waxaa lagu sheegay in labada dowladood ay isla garteen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda , nabad gelyada iyo maalgeshiga .

Waxaa kale oo labada dowladood ay isla garteen dhisidda guddi wadajir ah oo ka shaqeeya sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo dowladda Burundi ay dhowaan ka furan doonto Caasimadda Muqdisho safaarad.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi H.E. Laurent Kavakure ayaa ku cazuumay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh inuu booqasho rasmiya ah ku yimaado Magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celisay dowladda iyo shacabka Burundi ciidamada nabad ilaalineed ee ay ku tabaruceen howlgalka nabad ilaalinta (AMISOM) , iyadoo ciidamada Burundi ay kaalin muuqata ku leeyihiin xasilinta ammaanka dalka , taasoo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin dhiiga walaalnimo ee Burundi ay u daadisay howgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.