Home » Warar »

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo Munaasabad soo Dhaweyn ah u Sameysey Eheladii uu ka Geeriyoodey Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Markii Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyey Raiisul Wasaarhii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan waxay Eheladii uu ka Geeriyoodey Raiisul Wasaarhii hore u sameysey Munaabad Si gaar ah loo soo agaasimey oo si weyn loogu soo dhaweynayey Ehelada Raiisul Wasaarihi hore , waxaana ka qayb galey Madax ka tirsan Golayaasha Dowlada iyo Marti Sharaf kale .

somali173Waxaa Kulankaas ugu hoeyntii ka Hadley wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriyey oo sheegtey in Geeriidii ku timid Raiisul Wasaaihii hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ay ahayd mid ay si weyn ugu naxeen islamrkaana waxay Ilaah uga Baridey in uu Janadii Fardowsa ka waraabiyey Eheladi uu ka tageyna in uu Samir Iiimaan ka siiyo.

Sidoo kale Kulnkaas waxa ka Hadley Khadiijo Bulxan Warsame oo ahayd Marwadii uu ka Geeriyoodey Raiisul Wasaarihire waxay ugu horeyntii u Mahadcelsey Dowladda Federaalka sida ay u Maamustey islamrkaana Aas-Qaran ugu sameysey Geerida RaiisulWasaarihii hore Soomaaliya , sidoo kale waxay Marwo Khadiijo si weyn ugu dheeratey Taariikdii Raisul Wasaarihii waxayna ku Tilmaantey in uu Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Mawaadin Soomaaliyeed oo laga dayan karo Maamul wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-Maasuqa sidoo kale waxay Sheegtey in uu ahaa Shaqsi ay ku weyneyd in Soomaaliya Mid ahaato

Marwda Madaxweynaha Marwo Sahro Cumar Xasan oo iyana Kulankaas Soo dhaweynta ka hadashey ayaa waxay sheegtey in Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alaha u Naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen uu ahaa Shaqsi waxa weyn u qabtey Ummadda Soomaaliyeed islamarkaana wax badan lagu Xasuusan doono , waxayna ilaah uga baridey in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo Eheledii iyo Ummada Soomaaliyeedan in ay Kaashadaan Samir iyo Iiimaan.

Raiisul Wasaarihii Hore Marxuum cabdirsiaaqa Xaaji Xuseen ayaa Maalinmadii Jimcaha oo ay ahayd bishu 7-da Feberaayo waxaa lagu Aasey Duleeedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Meel ku Dhowr Qabrigii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdullle Cismaan ( Aadan Cadde ) waxaana ka qayb galey Aaska-ka Madaxda Sare ee Dowldda Federaalka iyo Dadweyne aad u fara badan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.