Home » Warar »

Kulan duco ee Ra’iisul Wasaarihii hore oo ka dhacay Madaxtooyada

somali169Muqdisho, 07 Febraayo 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku tilmaamay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen shaqsi ku dayasho mudan oo waqtigiisa inta badan ku bixiyey midnimada Soomaaliya iyo sidii loo heli lahaa wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Xaflad casho sharaf ah oo Madaxtooyada lagu qabtay xalay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare ku xigeen, Madaxweynaha Puntland, Hoggaamiyaha Jubba, Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed, Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi, Madaxweynihii hore ee Puntland, wasiiro, wafdi ka socday Puntland iyo Jubba iyo Madax dhaqameed Soomaaliyeed ayaa loogu duceeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweynaha ayaa yiri ” Innaa Lillaahi Wa innaa Illeyhu Raajicuun, geeridu waa xaq, Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaan u baryayaa in EEBBE uu janadii fardowsa ka waraafiyo, eheladii, asxaabtii iyo Soomaalida oo dhanna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo. Cabdirisaak sanad ka hor baan Mareykanka ku kulanay oo aan waqti wada qaadanay, ka dina aan wada xiriirnay. Ra’iisul Wasaarihii hore waxuu ahaa shaqsi u istaagay midnimada Soomaaliyeed oo weli daneynayey inuu dalka wax walba la qabto. Waxaan is dhaafsanay qoraallo uu tallooyinkiisa ku soo jeedinayey. Waxaana ka codsaday inuu dib-u-heshiisiinta dalka horseed ka noqdo, iyadana waa uu iga aqbalay ee ALLAHA u naxariisto”

Munaasabadan ayaa waxaa hadalo kooban ka soo jeediyey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, Madax dhaqameedyada Ugas Maxamud Cali Ugaas, iyo Boqor Burhan Boqor Muse, Hoggaamiyaha Jubba Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxemed Cali Gaas, Ra;iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud.

DHAMAAD Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)

Senior Advisor & Spokesperson Office of the President of the Federal Republic of Somalia E 1: yarisow@presidency.gov.so E 2:engabdirahman@gmail.com Twitter: @thevillasomalia; @engyarisow Facebook: Eng. Yarisow

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.