Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Shir-guddoomiyey kulankii labaad ee guddiga hagista ee hay’adda Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Soomaaliya ee (SDRF)

Muqdisho, February 3, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir-guddomiyey kulankii labaad ee uu yeeshay guddiga haggidda iyo socod-siinta ee Hay’adda Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (SDRF).

Shirkan oo ay ka sa soo qayb-galeen Dowladda Federaraalka, Maamul Goboleedyada iyo deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ayaa lagu dardargelinayey fulinta hawlaha barnaamijka Heshiishka Cusub( New Deal) ee dalka Soomaaliya.

Barnaamijka Heshiishka Cusub oo ah mid si toos ah dhaqaale loogu siinayo dalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraya dhinacyada mudnaanta leh ee nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya oo kala ah ka-qaybgalka siyaasadda, ammaanka, Caddaaladda, dhaqaalaha iyo adeegga bulshada.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa shirkii magaalada Bruessels ee 16-kii bishii September ee sannadkii ku heshiiyey in barnaamijka Heshiishka Cusub uu noqdo hannaanka dhaqaalaha lagu siiyo dalka Soomaaliya si loo xoojiyo waxtarnimada kaalmada shisheeye.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed oo hadal ka jeediyey furitaanka shirka ayaa bogaadiyey muhiimadda barnaamijkani isagoo sheegay in xukuumaddiisu ay meelmarinayso Heshiishka Cusub, si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo sannadka 2016-ka.

“Barnaamijka Heshiishka Cusub waxa uu bilow u yahay dowlad Soomaaliyeed oo gobanimo leh, nabad ah , dimuquraaddi ah, mid ah, federal ah, taasi oo nabad kula noolaata adduunka, si ay wax u tarto dadkeedda” sidaasi ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay shirka waxana uu raaciyey

“ Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadda horumarinta waa in ay aaminaan in barnaamijkan la hirgelinkaro, waana in ficilkeena laga arkaa. Waa in kalsooniadda lagu dhisaa ficil iyo waxqabad. Waxa aynu u baahanahay in aynu samaynno maamulo gunta laga soo dhisay oo ay dadku raalli ka yihiin, sidoo kale, waa in aynu dhisno qaab-dhismeed kor loogu qaadayo kalsoonida shacabka ee dhinaca caddaaladda, iyadoo sidoo kale wax laga qabanyo nidaamkeenna maaraynta dhaqaalaha dowladda”

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh AxmedMaxamed ayaa maanta la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo saraakiil sarsare oo ka socday Baanka Adduunka, waxana ay ka wada hadleen taageeridda hay’adaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, iyo sii wadista taageerada beesha caalamka ee dalka Soomaaliya

DHAMAAD

Cabdirashiid Muuse Siciid
Xafiiska Warbaahinta Ra’iisul Wasaaraha
Mogadishu, Somalia
Tel: +252 6163 18823

Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM, @AbdirashidMuse

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Shir-guddoomiyey kulankii labaad ee guddiga hagista ee hay’adda Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Soomaaliya ee (SDRF) "

  1. SAID says:

    Ifraax waa gabadh Soomaaliyeed oo uu gurigeeda xoog ku heysto General Gaafow oo madax ka ah waaxda socdaalka ee Somaliya. Fadlan nala saxiix “pitition-kan” IFRAAX GURIGEEDA HA LOO CELIYO http://www.change.org/petitions/president-of-somalia-ifraax-gurigeeda-haloo-celiyo-general-gaafowna-ha-is-casilo