Home » Warar »

Geeri Naxdin Leh: Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo ku Geeriyoodey Minneapolis, USA

Allah ha u naxariistee waxaa maanta Janaayo 31, 2014 magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku geeriyoodey ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo ahaa geesi ka geeriyoodey Soomaalida oo dhan, halyey adduunka magac wanaagsan kaga tegey.

Waxaana bahda SomaliTalk geeridaas uga tacsiyadaynayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisii, marxuumkana waxaan Allah uga baryeynaa in uu janadiisa ka waraabiyo una naxariisto.

Taariikh nololeedkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo kooban:

cabd– Cabrisaaq Xaji Xuseen Waxa uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo sannadkii 1924.

– Waxa uu xubin firfircoon ka ahaa ururkii gobanima doonka Soomaaliyeed ee SYL, ururkaas oo la asaasay 1943

– Waxa uu xubin baarlamaan ka noqday Baarlamaanadii xukuumadihii rayadka ahaa ee Soomaaliya ee ay hoggaaminayeen madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan, Aaden Cadde (AUN) iyo madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke (AUN)

– Waxa uu noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhaxaysay 14kii June 1964 ilaa 15kii July 1967

– Waxaa la xiray markii ciidamada qalabka sida afgabi kula wareegeen talada dalka, laakiin markii dambe xabsiga waa laga sii daayey

– Xilligii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre waxaa Cabrisaaq Xaaji Xuseen loo magacaabay safiirka Soomaalliya u fadhiga golaha qaramada Midoobey uu ahaa safiir intii u dhaxaysay 1976 ilaa 1978.

– Waxa uu talooyin badan ka geystey shirarkii dib u heshiisiinta guud ee Qaran Soomaaliya burburkii ka dib.

– Cabdirsaaq Xaaji xuseen waxa uu si weyn uga soo horjeestey duullaankii ay ciidanka Itoobiya ku galeen Soomaaliya asagoo ka qayb qaatay bannaan baxyo arrintaas looga soo horjeedey uu lagu qabtay Maraykanka.

Waxa uu qoraallo kulul ka qoray faragelinta xukuumadda Itoobiya ku hayso arrimaah Soomaaliya. Waxana uu si geesinimo leh u cadaysan jirey fikirkiisa ku aadan faragelinta Itoobiya sida qoraalkii C/Risaaq Xaaji Xuseen oo 2002 Qoraal Dheer Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya… (Waxaa tarjumey Axmed F. Cali idaajaa). Iyo Qoraalkii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Warqad Kulul u Diray Meles Zenawi (SomaliTalk.com APRIL 25, 2002). iwm.

Generaal Maxamed Abshir Muuse ayaa yiri “Allah ha naxariiste Marxuumka walaalkay Cabdulrazaaq Xaaji Xuseen waxaan isla soo kifaaxnay mudo dheer. Halgan dheerna waa soo wada galnay, laga bilaabo kifaaxii Gobbannimo Doonka Soomaaliya — SYL, Aassaaskii iyo dhismihii Dawladii ugu horaysay ee ee maxaliga ahayd, tii Qaranka Soomaaliya ee Kawdii Luulyo, 1960 iyo shirarkii dib u heshiisiinta guud ee Qaran Soomaaliya burburkii ka dib.”

Sanadahan dambe waxa uu ku noolaa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka halkaas oo uu ku geeriyoodey Janaayo 31, 2014 isagoo 90 jir ahaa.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.