Home » Warar »

Dalladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan looga hadlayey Doorka Bulshada Rayidka ugu Aadan Heshiiskii (New Deal)

Waxaa Hotelka Jasiira ee Magaaladda Muqdisho 28-29 kii lagu soo Gabgabeeyey Kulan looga doodayey Doorkaa Bulshada Rayidka kaga aadan Heshiiskii New –Deal ee Soomaaliya looga yaboohay Dhaqaale gaaraya Malaayiin Doolar , waxaana Kulankaan ka qayb galey Qaybaha kala duwan e Bulshada , waxaana soo qaban qaabiyey Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA
Kulankaan ayaa waxaa si aad ah Diirada loogu saarey waxa kaga aadan Bulshadda Rayidka Dhaqan gelinta Heshiiska New Deal , waxaana ka mid ahaa Xubnhii ka qayb galey Kulankaas Nurto Shiikh Maxamuud oo ka socotey Hayadda PENELPA waxayna sheegtey in Bulshadda Rayidka looga baahan yahay in qayb weyn ka qaataan Hirgelinta Heshiiska New Deal Sidoo kale waxay sheegtey in Bulshada Rayidka looga baahan yahay sidii ay ugu faaiideysan lahaayeen Heshiiskaas.
Waxaa kale oo halkaa ka Hadley Duniyo oo ka soctey Hayadda IIDA waxayna sheegtey in Bulshadda rayidka looga bahan yahay in marka hore Midoobaan si ay u wajahaan ka mira dhalinta Heshiiska New Deal si Soomaaliya uga hormarto Dhinacyada Dib dhiska dalka , Amniga iyo Dhaqaalaha kaasoo Mudnaanta Siinaya .

somali159
Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Aamina Xaaji Cilmi oo ka socotey Hayadda SSWC waxay sheegtey in meel marinta Heshiiska New Deel uu ku imaan karo iyadoo marka hore isla meel dhigaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada taasoo ay sheegtey in lagu gaari karo hanaanka Fog ee lagu hormarin karo Dalka
Shirka waxaa soo Xirey Guroomiyaha Daladda Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo ugu horeyn u Mahadceliyey ka qayb galayaashi Kulanka isagoo sheegey Doorka kaga Aadan Bulshada Rayidka Heshiiska New Deal ay Daladda SOSCENSA ay Balaarin doonto , waxaana 20- February lagu balamey in mar kale Kulan la isugu yimaado taasoo Marti gelin doonto Daladda SOSCENSA
Bal aan dib u Qooraansano habkkii uu ku bilowdey Heshiiska New Deal
Heshiiska Cusub ee (NEW DEAL- ka )
Dulmar guud.
Heshiiska Cusub oo loo yaqaan NEW DEAL, waa heshiis loogu talo galay sidii dalalka dagaallada sokeeyee ku burburay ay dib uga soo kaban lahaayeen. Si arrintaasi taabbogal u noqoto , ayaa waxaa shir salka loogu dhigayo geeddisocodka Heshiiska Cusub, isugu yimid dawlado badan. Shirkaas waxaa lagu qabtay magaalada BUSAN ee dalka Kuuriyada Koofureed ,Bishii Nofember 2011kii. Ilaa iyo hadda 40 dal oo u badan dalalka Afrika oo dagaallada sokeeye ka soo kabanaya kuwaasoo ay Soomaaliya ka mid tahay, ayaa xubno ka ah, dalalka la doonayo in laga hirgeliyo Heshiikaan Cusub ee loo yaqaanno (New Deal).
Arrimaha Heshiikaan Cusubi uu xoogga saarayo waxaa ka mid ah: Gaaridda yoolka fog ee nabadda iyo dawlad-dhisidda iyadoo loo marayo: In dal walba gacan lugu siinayo sidii uu u hanan lahaa hoggaanka dalkiisa, una yeelan lahaa meelmarinta barnaamijka Heshiiska Cusub laftiisa. Iyada oo la raacayo 5taan qodob:
· Meelmarinta hanaan siyaasadeed oo lagu wada jiro, oo xasiliya khilaafaadka taagan.

· In la Sugo, lana xoojiyo Amniga Dadka.

· In la abuuro fursado shaqo, lana horumariyo nolosha dadka.

· In la xoojiyo dakhli ururinta, lana dhiso kartida la xisaabtanka ku salaysan, iyo gaarsiinta dadka adeeg hufan.

· Garsoor Caddaalad ah.

Dalalka lagu bilaabay in lagu tijaabiyo mashruucan waxaa ka mid ah:

· Afganistan

· East Timor

· South Sudan

· Sierra Leone

· Liberia

· Central African Republic iyo

· Democratic Republic of Congo.

Xagga Soomaaliya, waxaa qorshuhu ahaa kadib marka ay ka gudubto heerkii kumeel gaarka, in ay ka mid noqoto dawladaha ka faa’iidaysanaya Heshiikaan Cusub.
Sababtaas, darteedna waa tii 16-kii Sebtember ee sannadkii 2013kii magaalada Brussels oo ah xarunta Midowga Yurub, lagu qabtay shirweyne loogu magacdaray HESHIISKA CUSUB iyo SOOMAALIYA, oo ay si wadajir ah u wada mart geliyeen Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub.
Waxaana shirkaas ka soo qaybgalay ergooyin ka kala socday gobollada dalka, xildhibaanno, bulshada rayidka ah iyo Beesha Caalamka wakiillo ka socday.
Gebagebadii shirkaas war-murtiyeedkii kas soo baxay, qaybtiisa ku saabsanayd doorka bulshada rayidka ahi ku leedahay meelmarinta Heshiiska Cusub waxaa lagu yiri:
· Meel marinta Heshiiska Cusub waxaa laf-dhabar u ah ka qaybgalka buuxa ee bulshada Somaliyeed.

· Sababtaas darteed waxaan xoogga saaraynaa muhiimadda ay leedahay in si joogto ah dadka Somaliyeed oo dhan, oo ka mid yihiin: aqoon yahanka, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, maamulada degaanka iyo kooxaha nugul oo ay ka mid yihiin: qaxootiga iyo barekaceyaashu,in la dhegeysto araa’dooda, taladana laga qaybgeliyo.
· Waana sidaas, sida keliya oo dadka Somaliyeed oo dhammi ay ku wada yeelan karaan Heshiiskaan Cusub, oo mudnaanta gaarka ah siinaya baahiyahooda dhabta ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dalladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan looga hadlayey Doorka Bulshada Rayidka ugu Aadan Heshiiskii (New Deal) "

  1. RUNSHEEG says:

    MAGACA NEW DEAL WAXA AY INGRIISKA KA SOO GUURIYEEN WAA MARKA DALKA INGRIISKA UU QAFKA SHAQO WAAYO AYAA LOO DIRAA NEW DEAL INTA UU SHAQO KA HELAAYO WAXAANA LA SIIYAA GUNO YAR OO KU SIINOOLAADO MARKA NEW DEAL WEYN AYAA NOOLA KEENAY WAANA IN 1.8 BILLION SIDII LAGU CUNI LAHAA ILEEN XOOLAHAAN MADMADOOW EE AFRIKAANKA CAQLI MA JIRO AY KU FEKERAAN OO HOWSHA WAA (( QAWDA MAQASHII QARASHKAASNA QUUDO)) ….MARKA SOOMAALIYEEY 1.8 BILLION XAGEE MARI DOONTAA MA IS WEYDISEEEN MISE WAXAA TIHII XOOLO ISKA TAAGTAAGAN…SOOMAALIYA UMA BAAHNO GACAN SHISHEEYE BAL KA WARAMA IN SOOMAALIYA OO BEERO RABBI SIIYEY IN DENMARK OO XITAA HAL MITIR OO BEER AH LAHAYN IN AH RAASHIN KUGU CAAWISO WAA WARAABE HIBO KA SUG….WAR WAX FAHMA