Home » Warar »

Ururka Somali Women Journalism oo Xusey Maalinta warbaahinta Soomaaliyeed ee 21ka January

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lagu Maamusayay 21ka January oo ah maalinta loo asteeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Hotelka MUQDISHO INN Magaalada Muqdisho,Munaasibaddan oo ay soo abaabuleen Ururka Suxufiyiinta Howeenka Soomaaliyeed Somali Women Journalism (SWJ) ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Dowladda Federaalka halkaasoo lagu soo bandhigay Taariikhda Warbaahinta Soomaaliyeed.

Ugu horeyntii waxaa Munaasibadda ka hadlay Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-Caddaala oo ka socday Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya kaasoo ka hadlay Taariikhda fac weyn ee Warbaahinta Soomaaliyeed iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay.

Al Caddaala ayaa xusay tiro Wariyayaal ah oo mudadaas isbedeladu ay soo samaynaysey Saxaafadda Soomaaliyeed lagu dilay xilli ay Shaqooyinkooda gudanayeen, isagoo sheegey in Dilalakooda uusan wqx isbedel ah ku keenin Horumarka Saxaafadda Soomaaliyeed , wuxuuna u soo jeediyey Qaybaha Warbaainta in ay u dhabar adeegaan Howsha ay Bulshada u hayaan.
somali153
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Maxamed Cumar oo ka socday Wasaaradda Haweenka isagoona u hambalyeeyay Gabdhihii Soomaaliyeed ee maanta soo abaabulay Munaasibaddan 21ka January lagu Maamuusayay isagoona u rajeeyay in horumar ay ku tallaabsadaan xuskan xuskiisa Waxaa isaguna Munaasibaddaas ka hadlay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo sheegay inay soo dhaweynayaan maalintaas qiimaha iyo qaddarinta ugu fadhida Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasibadda oo qaybaha kala duwan ee Bulshadu ay soo xaadirtay ayaa waxaa halkaa Suugaan ka tarjumaysa Warfaafinta Soomaaliyeed ka qaaday Fannaaniinta Hiba Maxamed Huddoon, Maxamed Axmed Qoomaal iyadoo Abwaan San-gubna uu halkaa ka tiriyay Gabay dheer oo Warbaahinta looga hadlayo .

Ugu dambayntiina Ururka Suxufiyiinta Gabdhaha ee SWJ ayaa War Murtiyeedkii ay soo saareen ka Akhriyey Gudoomiyaha Ururka farxiyo Khayrto kaasoo ka hadlayay Aasaaskii Ururkaas, waxqabadkiisa , xaaladda Weriyaasha Soomaaliyeed ay ku shaqeynayaan iyadoo Halkudhigga Sanadkana ay uu yahay Tayeeynta Gabdhaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed waa Tiirka Mustaqbalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.