Home » Faallo »

M. GHEDI: “Goormaa Dowladnimada Soomaaliya ka Bixi doontaa Maynis Niynti – 90?!!)‏

Mar kastoo aad is-tiraahdo dowladnimada Soomaaliya toban (10) tillaabo ayey horey u qaaday, misana waxaad arkeysaa muddo gaaban gudohood iyadoo dowladnimadii Soomaaliya ay qobol (100) tillaabo dib u noqotay (10+ -100= -90), iyadoo aan filaayo inay tusaalooyin ku filnan doonaan dhacdooyinka soo socda.

Dowladaan rasmiga ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Hassan Sh. Mohamoud, markii ay xilka kala wareegeysay dowladii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaay Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, waxay ballan-qaaday inay mudnaanta 1, 2 iyo 3-daxaad siinayso amniga iyo xasilinta dalka oo dhan ( priority 1, 2, & 3 were nation security and stability), ha yeeshee dalka oo dhan iskadaaye, waxaa muqdishu lagu dhex maraa ilaaheeyow i bixi markaan iyo mar kalaba, kaaga sii darane waxaa xilalkii laga qaaday taliyaashii sarsare ee ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed, kuwoodii ugu firfircoonaay oo rajada fiican laga qabay inay dalka nabad ku soo celsheen, taliyayaasha aadka loo tebaayo xilligaan waxaa ka mid ah taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. A/qadir Diini, abaanduulihii hore ee C. X. D. S. Gen. Dhagabadan, iyo talihihii hore ee howgalka C.X. D. S. Gen. Gacmadule iyo qaar kale.

Waxaa kaloo wax aad loola yaabo ah, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karaayo, oo sheegaaya in dhowaan gudaha Soomaaliya ayka howlgeli doonaan ciidamo shisheeye oo tiradoodu gaarayso ilaa 22,000,00 kun askari, iyadoo askariga ugu mushaarka yar bishii la siinaayo $ 1,000,00 ( Kun Dollar), meesha askariga Soomaaliga ah uu bishii mushaarkiisu yahay 100,00 ( Boqol Dollar), oo weliba mar mar loo waynaayo $ 100, kaas Dollar, dabadeetana ay askartu Isbaarooyin dhigtaan deegaanada ku teedsan Muqdisho.

Sida laga wada dherigsan yahay, wadan kasta waxaa amaankiisa iyo kala danbeyntiisa soo celin karaaya oo kaliya ciidamada kala duwan ee uu dalkaasi leeyahay, laakiin ciidan shisheeye si kasta oo ay u tira badan yihiin ma soo celin karaayaan amaan iyo kala danbeyn dalka aysan u dhalan, balse wey awoodi karayaan inay ku duulaan dhowr meelood oo ka mid ah dalkaas, dabadeedna ku xasuuqo kooxaha ka soo horjeeda dowlada, kooxahaas oo isugu jiri karaaya ajnabiyiin iyo Soomaaliba.

Haddaba su’aasha taagan waxay tahay, maxay dowladaan u awoodi la’dahay inay beesha caalamka ka dhaadhiciso, in askariga Soomaaliga ah, mushaarkiisa la gaar siiyo $ 300,00 ilaa $ 500,00 ( Saddex boqol – shan boqol Dollar) bil kasta, mas’uuliyada mushaaraadkaas ciidamada Soomaliyeedna ay la wareegto beesha caalamku, maadaama ay iyadu bixiso mushaaraadka ciidamada shisheeye, gaar ahaan kuwa Amisom, haddii aysan suurogal aheyn inay beesha caalamku bixiso mushaaraadka ciidamada Soomaaliyeed, maxay dowladu uga codsan la’dahay beesha caalamka in la yareeyo ciidamada shisheeye ee laga dhigo 18,000,00 kun, meesheey ka ahaan lahaayeen 22,000,00 kun, dabadeedna afartaas ( 4,000,00) kun askari musharkoodii iyo agabkoodii ciidan oo ay ku howl geli lahaayeen, maa lagu wareejiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed si loo dhiso niyadooda iyo tayadooda ciidannimo.

somali148Dhinaca kale, waxaa dhowaan la soo dhisay xukuumad ka kooban 55 xubnood, kadib markii la kala diray xukuumadii R/W Saacid oo ka kobneyd 10 wasiir iyo dhowr xubnood oo isugu jiray wasiiru-dowlayaal iyo wasiiro ku xiggeeno, haddii aynu run isu sheegeyno xaggee mushaar looga keenayaa xukuumad ka kooban 55 xubnood?, xaggee xafiisyo looga keenayaa?, xaggee guryo iyo istaaf ilaaliya looga keenayaa 55 xubnood?, kaaga sii darane xukuumadaan cusub laguma soo darin wasiiradii firfircoonay ee ka dhex muuqday xukuumadii R/W Saacid, sida Drs. Maryan Qassim, marwo Fowsiya Yusuf H. Aden, iyo Md. A/llahi Ciilmooge Hirsi, laakiin waxaa lagu soo daray xukuumadaan cusub hebel iyo hebel, taas oo i xusuusinaysa shiribkii ahay ” waa geed timir-siib ee tii tiin tallal” waase talo u taal M/W Hassan Sh. Mohamoud, R/W Cabdiweli Sheikh Ahmed iyo baarlamaanka FS.

Shacabka Muqdisho wuxuu aad uga naxay sida dadban ee xilkii looga qaaday, guddoomiyihii gobalka banaadir ahaana duqa magaalada Muqdisho Md. Mohamoud Ahmed Nur ( Tarsan) oo ahaa mas’uul aad u firfircoonay, misana geesinimo u dheer tahay.

Ugu danbeyntii, waxaan aad uga xumahay inaan saadaaliyo fashil-dowladnimo in uu imaan karaayo, haddii aanan si deg deg ah wax looga bedelin qaabka hadda ay wax u socdaan.

Ex. Xildh.Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Rochester, MN.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.