Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed ayaa ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub oo ka kooban 25Wasiir, 5 wasiir dawlo iyo 25 wasiir xigeen, magacyadoodana waa:
Wasiiradda
- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
- Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle
- Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed
- Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase
- Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
- Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed
- Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
- Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
- Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
- Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
- Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
- Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
- Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
- Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
- Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
- Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
- Ku Xigeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed
Wasiiru dowlayaasha
- Mudane Maxamuud Macalin Yaxye Wasiirudowlaha Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
- Mudane C/laahi Maxamed Nuur Wasiirudowlaha Maalliyadda
- Mudane Burci Maxamed Xamza Wasiirudowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
- Mudane Maxamed Cali Xagaa Wasiirudowlaha Gaashaandhigga
- Mudane Daa’uud C/kariin Cumar Wasiirudowlaha Amniga Qaranka
Wasiir Ku Xigeennada
- C/raxmaan Maxamed Saalax Bankax Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
- Fahmo Axmed Nuur Wasiir ku xigeenka Maalliyadda
- Cabdalla Xuseen Cali Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga
- Mahad Maxamed Salaad Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga
- Ibraahin Isxaaq Yaroow Wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka
- Xaamud Cali Xasan Wasiir ku xigeenka Waxbarashada
- Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir ku xigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
- C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow Wasiir ku xigeenka Qorsheynta
- C/laahi Bile Nuur Wasiir ku xigeenka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka
- Yuusuf Xeyle Jimcaale Wasiir ku xigeenka Diinta iyo Awqaafta
- C/laahi Colaad Rooble Wasiir Ku XIgeenka Warfaafinta
- Xirsi Aadan Rooble Wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
- Cabdalla Xaaji Cali Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
- Axmed Cali Salaad Taako Wasiir ku xigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta
- Cismaan Libaax Ibraahin Wasiir ku xigeenka Beeraha
- Maxamed Axmed Tarsan Wasiir ku xigeenka Sportiga iyo Dhalinyarada
- C/kaafi Macalin Xasan Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha
- C/raxmaan Cabdi Cusmaan Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha
- Maxamed Ismaaciil Shuuriye Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska
- Muno Ibraahin Abiikar Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha
- C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen Wasiir ku xigeenka Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Badda
- Maxamed Cali Geedi Wasiir ku xigeenka Macdanta
- Axmed Aadan Axmed Wasiir ku xigeenka Caafimaadka
- Maxamed Axmed Kulan Wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Tacliinta Sare
- Xasan Maxamed Jimcaale Wasiir ku xiigeenka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa
Madaxweynaha oo aqbalay soo jeedintii Golaha Wasiirada kuna baaqay in horumarka iyo isbedelka la sii dar-dargeliyo.
Muqdisho, 16 January 2014 – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta aqbalay soo jeedintii Ra’iisul Wasaaraha ee Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban shaqsiyaad khibrad iyo waayo aragnimo leh.
“Waxaan aqbalay Ra’iisul Wasaaraha soo jeedintiisii ee Golaha Wasiirada cusub ee uu soo xulay oo matala dhammaan gobolada dalka. Golahan Wasiiradu waxey heystaan kalsoonideyda. Golahan Wsiirada waxaa sugaya howl aad u culus oo looga baahanyahay inay dhameystiraan dib-u-habeynta iyo dib u dhiska uu dalku u baahanyahay.
Ra’iisul Wassare Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed waxuu heystaa taageeradeyda buuxda, waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u xaqiijinayaa inaan ognahay howlaha culus ee na horyaalla. Waxaana idiin caddeyneynaa sida ay nooga go’antahay isbedel dhab ah oo muuqda, isla markaana la dareemi karo, shacabkuna ay aamini karaan.”
Waxaan rumeysannahay in Xukuumaddan cusub ay horyaalaan caqabado fara badan. Waxaana u baahanahay in xasilinta iyo amniga la sii dar-dargeliyo, la horumariyo adeegyada bulshada, dar-dar gelin lagu sameeyo maamulka iyo maareynta maaliyada, iyo sidii dib u dhiska dalka looga shaqeyn lahaa.
Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan oo ay ansixiyaan, si Xukuumaddu ay u dar-dar geliso qorshaha siyaasadda, amniga, dib u habeynta maaliyadda iyo adeegyada bulshada, oo muhiim u ah xasilinta iyo horumarka Soomaaliya.
DHAMAAD
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to
the President of Somalia
Office of the President of the Federal
Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so
E 2:engabdirahman@gmail.com
waxaaan codsanayaa in aad natustaan qabiilada eey kasoojeedaan sawiirada iyoo kuxigeenadooda fadlan