Home » Warar »

Garyaqaankii Guud ee Dowladdii hore oo ku Geeriyoodey Dalka Sacuudi Caraabiya.

Waxaa Dalka Sacuudiga Taariikhdu markey ahayd 15/1/2014 ku Geeriyoodey Allaha u NaxariisteeMarxuum Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ahaa Garyaqaankii Guud Qaranka ee Dowladii Hore ee Kacaanka ka dib markii uu in Muddo ah ku Xanuunsanaa dalkaas

garyaqaanDr.Cabadiraxmaan Maxamed Cumar sidoo kale Dowladaas ka soo noqdey Agaasihiimihii Guud Wasaaradda Garsoorka , waxaana wax ka weydiiney Ing Sidow Xasan Mahadi oo muddo dheer is yaqaaneen Dr. Cabdiraxmaan wuxuuna noo sheegey in ahaa Shaqsi aad u wanaagsan, islamarkaana Dabaacad Wanaagsan , Shaqadiisana iyo Balanta aad ugu Fiicnaa .

Eng Sidow oo hadda ah Gudoomiyaha Hayadda Xaquuqda Aadanaha ee Wanle Weyn Human Rights ayaa waxa uu sheegey in markii ay Dagaaladii Sokeeye ka dhaceen dalka waxaa uu Dr Cabdiraxmaan isku dayey in uu ka qayb qaato sidii Ummada Soomaaliyeed u Heshiin lahaayeen hase yeeshee Eng Sidow waxaa uu sheegey in markii uu ka Niyad jabay Xaaladda Soomaaliya ayuu waxaa Goostey in uu dalka isaga Dhoofo isagoo muddo Dheer ku noolaa Dalka Sacuudiga Caraabiya uu Aakhirkii ku Geeriyoodey

Marxuum Dr:Cabdiraxmaan Maxamed Cumar ayaa intii uu ku sugnaa dalka Sacuudiga waxaa ahaa Shaqsi ka shaqeyn jirey sidoo Xal looga gaari lahaa arrimaha Muqrugsan ee ka taagnaa Soomaaliya isagoo ka qayb galey Shirar badan oo lagu heeshiisiinayey Ummada Soomaaliyeed ,waxaana halkaan looga Tacsiyadeynayaa Qoyskii iyo Eheladii uu ka Geeriyoodey Dr, Cabdiraxmaan Maxamed Cumar gaar ahaan Qoyskiisa oo ku noola Dalka Australia

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

….

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyey geerida Garyaqaanka Guud ee Dowladdii Kacaanka …WARSAXAAFADEED

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Garyaqaanka Guud ee
Dowladdii Kacaanka Marxuum C/raxmaan Maxamed Cumar oo ku geeriyooday
Boqortooyada Saudi Arabia ,

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN, hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Gudoonka iyo
magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida ku
timid Allaha u naxariistee Marxuum C/raxmaan Maxamed Cumar oo ahaa
Garyaqaankii Guud ee Dowladdii Meleteriga aheyd oo ku geeriyooday dalka
Sacuudiga, waxaan Alle uga baryeynaa inuu siiyo naxariistiisa Jano”

Ugu dambeytii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tacsi gaar ah u diray
carruurta,ehellada iyo qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee
Marxuum C/raxmaan Maxamed Cumar waxaana uu Alle uga baryey inuu samir iyo
iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so


Tacsi Tiiraanyo leh

Aabbe Maxamed Xasan (Dhagaweyne)
Dr Saadaq Yuusuf Khasaaro
Cabdilaahi Maxamed Xasan (Black)
Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Cabiraxmaan Tuur) iyo Xaaskiisa
Xabiibo Maxamuud Barkhadle
Cabdicasiis Maxamed Xasan
Cali Maxamed Xasan (Makumbe)
Sahro Maxamed Xasan
Xaawo Maxamed Xasan
Canab Maxamed Xasan
Cabadirisaaq Maxamed Xasan
Cabdisamad Maxamed Xasan
Balqiisa Maxamed Xasan
Basro Maxamed Xasan
Dhamaan Reer Dhagaweyne
Amiin Yuusuf Khasaaro
Shukri Yuusuf Khasaaro
Yaxye Yuusuf Khasaaro
Haaruun Yuusuf Khasaaro
Maryan Yuusuf Khasaaro
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue )
Nasro Eelaay iyo Caruurteeda
Eng Sidow Xasan Mahdi
Axmed Maxamed Yarow
Iimaan Maxamed Yarow iyo Xaaskiisa
Deero Cali Xuseen iyo Caruurtiisa oo kala ah
Cabdulaahi, Cabdifitaax , Cabdiraxmaan, Ra’iisa ,Fartuun iyo Maxamed
Axmdi Xasan iyo Caruurteeda

Iidow Aweys Caruurtiisa iy Xaaskiisa iyo Dhamaan Dadkaan waxay Tacsi u Diryaan Qoyskii iyo Eheladii uu ka Geeriyoodey Marxuum Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo 15/1/2014 ku Geeriyoodey Dalka Sacuudiga waxayna leeyihiin Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo isagana Janadiii fardowsa Ilaah ha ka Waraabiyo Aaamiin….. Aaamiin waxay Tacsi gaar ah u Dirayaan Xaaskii iyo Caruurtii uu ka Geeriyoodey oo kala ah Hooyo Xabiibo Maxamed Yarow iyo Caruurtiisa oo kala ah Maxamed Cabdiraxmaan, Aamina Cabdiraxmaan,Muuse Cabdiraxmaan, Sucaad Cabdiraxmaan iyo Amal Cabdiraxmaan oo ku sugan Australia waxayna leeyihiin Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo isagana Janadiii fardowsa Ilaah ha ka Waraabiyo Aaamiin….. Aaamiin

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.