Home » News »

Magacaabista Golaha Wasiiradda waxaa xaq u leh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed

Beryahaan waxaad warbaahinta ka maqleeysa ee waxa la isku heysta Magacaabiista Golaha Wasiiradda hase yeeshe haddii ay taas jirto waa nacasnimo iyo dadnimo xumo heysata Dowladda soomaaliya oo dhan.

Tusaale Haddii lugu magaacaabo Ra’iisal Wasaare waxaad xaq u leedahay in aad keensato Gole wasiiro ah oo aad soo xulatey laakin haddii ay noqoto mid adiga lugu soo xuley waxaad noqoneeysa qof aan Xukumin Golihiisa wasiiradda.

Madaxweynaha ama Golaha Baarlamaanka ama cid kale shaqo kuma laha magacaabiista Golaha wasiirada waxaa loo baahan yahay in Ra’iisal Wasaaraha u noqdo Qof Xor ah isla markaana Qofku Doono ayuu soo Xulan kara Golihiisa Wasiirada.

Haddaba Aniga waxaan kula talin laha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed haddii ay Wasiiradda noqdan kuwa la isku heysto magacaabistooda waxan dhihi laha HA IS CASILO maxaa yeeley sharaf kuma ahan in Cid kale ay kula Maamusho Magacaabiista Golaha Wasiiradda.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed waxaad tahay Ra’ iisal Wasaare Soomaaliyeed ee waa in ad leedahay Go,aan adag iyo Hoggaamin Fiican tan kale Shacabka Soomaaliyeed way ku sugayaan.

Mahad Sanadiin,

Dahir Mohammed Sheikh
Email: mr.dahir@msn.com
Nairobi Kenya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Magacaabista Golaha Wasiiradda waxaa xaq u leh Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed "

  1. Ahmed dirshe says:

    GOLAHA MUWAADINIINTA XOG OGAALKA AH EE SOOMAALIYEED XAFIISKA MUQDISHO

    Date;4/1/2014

    KU; Madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya:muqdisho

    KU;Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ; muqdisho

    KU;Ra.isul wasaaraha soomaaliya;muqdisho

    OG;gudiga arimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka;muqdisho

    OG;gudiga cadaaladda ee baarlamaanka;muqdisho

    OG;gudiga xuquuqul insaanka haweenka iyo arimaha bani aadamnimo ee baarlamaanka muqdisho

    OG;culimaa.udiinka soomaaliyeed;muqdisho

    OG;dhaman waxgaradka iyo ururada bulshada rayidka ah ee soomaaliyeed;muqdisho

    Ujeeddo tusaale iyo talo siin xukuumada la filayo

    Warqad furan

    Iyada oo laga tix raacayo dhibaatooyinkii soo daashaday dadkeena iyo dalkeena mudada badan 23ka sanadood ah iyo xiliyo kasii horeeyayba ayaa si looga sii gaashaanto ama looga hortago calaamado aan wanaag saneyn oo soo muuqda loona dhayo boogihii horey umadda usoo kala gaaray ee cadaalad daridu ay sababtay 99.9% ayaa dantu nagu qasabtay in aan si taxadir leh uga hadalno caqabadaha jira

    waxaa golaha magaciisu uu kor ku xusan yahay mudo sadex bilood ah oo lasoo dhaafay dalka ka waday cilmi baaris xog ururin iyo la tashiga fogaan araga samadoonka ah ee soomaalyeed waxaana usoo baxay in dadka iyo dalka hadimooyinka dhan kasta ka saameeyay walina ka hari la ay sabab u tahay cadaalad la aan iyo hay adihii garsoorka qaranka oo noqday maqaayado ama macaashyo ganacsi oo shaqsiyaad qabiil isku bahaystay ama kooxo dan wadaag ah u shidan laguna dulmiyo inta taagta yar

    Dowladihii KMG ahaa ee dalka isaga dambeeyay waxay mid kastaa shacabka usheegtay amniga inay xooga saareyso xaqiijinta iyo sugidda amniga waxana ay ku dambeyeen fashil iyo is eed eed waxaana sabab u ahaa cadaaladii oo mesha ka baxday ama magac uyaal uun iska noqotay

    Dhibaatooyinka ka taagan hay adaha garsoorka dalka ayaa kaweyn wax la dafiri karo oo waxaa dhowr jeer si toos ah uga dhawaajiyay madaxweynaha dalka xasan sheekh maxamuud talooyina ujeediyay in ay xaakimiintu cadaalada abbaaraan laalushkana ay iska daayaan walina ma muuqato in ay wax ku qaateen waanooyinkaas

    Waxaa la xaqiijiyay in dad badani ay naftoodii qaaliga ahayd ku waayeen xukuno dhulal iyo dhaxal dacwado ubadnaa oo qaarkood sida ay ukala jeeb roon yihiim ama ukala lacag bixin badnaayen xaq aaney lahayn loogu xukumay taasina ay sababtay in lays ugaarsado oo leys dilo

    Waxaa awooda garsoorka iyo cadaaladda loogu igmaday in lagu ilaaliyo sharafka amniga iyo hantida muwaadinka waxase ay isu badashay mid lagu dulmiyo oo lagu dilo lagu dhaco lagu sharaf rido laguna ihaaneysto kuwa tabarta daran ama aan awoodin in ay jeebka ka hadlaan sida marar badan ka dhacday laamaha garsoorka dalka daliilo cad cadna loohayo taas oo nasoo xusuusinaysa murti soomaaliyeed oo tiraahda MISKIIN AYAA MISKO LA FUULO LEH

    Sidaas daraadeed goluhu waxaa uu usoo jeedinayaa madaxda iyo hey.adaha sida tooska ah iyo sida dadbanba warqadan furani ay ugu socoto talooyinkan

    1) In la xaqiijiyo garsoor cadaalad ah oo ka duwan kan hadda shaqeeya shacabkuna uu isku haleyn karo furena usii noqda amni guud oo dalka kala gaara iyo awood fulmeed oo waajib gudasho leh

    2) In isbadalka saameeyay madaxweynaha gudoomiyaha baarlamanka iyo ra isul wasaaraha la gaarsiiyo ama uu saameeyo dhamaan laamaha garsoorka si qaab dhameys tiran hay adaha dowladu ay ula wada saan qaadaan kabixitaan KMG nimada loona xaqiijiyo dowladnimo buuxda

    3) In si dhab ah loola xisaabtamo hay adaha garsoorka ee hada shaqeeya lana sameeyo gudiyo madax banana oo baaritaano ku sameeya xukunadii ay rideen maxkamadaha dalku ee shakiga laga qabo iyo qaabka ay u shaqeeyaan isla markaana si cadaalad ah u dhageysta muwaadiniinta eedaha ka tabanaya madaxda garsoorka

    4) In Si feejigan loo baaro dembiile yaal xukun maxkamadeed uu ku dhacay oo qaarkood ahaa gacan ku dhiigle yaal dil suge ahaa oo laga sii daayay xabsiyada kadib markii eheladoodii lacago ka dhiibteen iyadoo laftooda loo qiimeeyay miizaankooda beeleed ama jeebkooda

    5) Si gaar ah ra isul wasaraha sharafta leh ee madaxweynuhu magacaabay baarlamaankuna uu ansixiyay waxaan kula talineynaa hadii amaanka uu balan qaaday adkeynta nidaamka iyo balaarnta dowladnimadu ay dhab ka tahay marka hore in uu wax ka qabto isbahaysiga qurunsaday ee liqay sharafkii qaranimada umadana quusta rajo beelka iyo nyad jabkana ku riday umadeena isla markaana huwan magacii garsoorka iyo cadaaladda dalka hadii kale xukuumaddiisu waxay mari doontaa wadadii fashilkii dowladnimo iyo murugadll shacabka ee ay mareen ragii xafiiska kaga horeeyay

    6) Shacabka soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in ay gacan hagar la aaneed iyo niyad wanaagsan kula shaqeeyaan ra isul wasaaraha cusub iyo xukuumadda uusoo dhisi doono

    7) Ra.isul wasaare cabdiwali sheikh maxamad waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa in uu si ka fiirsi dheelitiran leh usoo xusho xubnaha golihiisa wasiirada oo uu ka ilaaliyo shaqsiyaad horey loo arkay looguna hungoobay ama kusoo fashilmay kaalin hogaamineed oo horay loogu dhiibay ama dalka dembiyo kasoo galay si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka soomaaliyeed iyo taageerada beesha caalamka

    WABILAAHI TOWFIIQ