Home » Warar »

Ururka Somali Independent Media House Association ( SUMHA) oo ay ku soo Biireen Warbaahino kale.

Waxaa Hotelka Maka- Mukarama ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey  Munaasbad lagu soo dhaweynayey Warbaahino kale oo ku soo biirey Ururka Ururka Somali Independent  Media House Association ( SUMHA) oo 16-ka Bishii December looga dhawaaqey Magaalada Muqdisho , waxaana Munaasabadii maanta ka soo qayb galey Madax ka tirsan Dowladda Federaalka , Afhayeenada Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir , Ururrada Saxaafadda , Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Martii Sharaf kale .

Waxaa ugu horeyntii halkaa ka Hadley Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Somali Independent  Media House Association ( SUMHA) Ismaaciil Khaliifa oo sheegey in  Ururka uu yahay mid doonaya in uu isku keeno dhamaan Qaybaha kala duwan ee warbaahinta , waxaana uu u Mahadceliyey Waraabhinta maanta ku soo Biirtey Ururka

somali144

Xubnihiii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Cabdulaahi Maxamed  Sheegow oo ka socdey Dalladda SOSCENSA ayaa si aad ugyu dheeraadey qaabkii loo Aas-Aasey Dallada  , isagoo sheegey in ay ku Mideysan yiihiin ururo fara badan oo gaaraya ilaa lixdan Urur, wuxuuna sheegey in Dalladooda ay soo dhaweynayaa  Ururka SUMHA  islamarkaana ay wax la qaban doonaan , wuxuna kula dardaarmey Bahda warbaahinta in ay u Hiiliyaan Afkooda Hooyo isla markaana Bulshada ku dhiira geliyaan sidii ay usoo nooleyn lahaayeen  Afkooda hooyo iyo Dhaqankooda

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Afhayeenada Madaxtooyada iyo Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow iyo Maxamed Yuusuf  ayaa  halkaa ka Muujiyey Taageeradooda ku aadan Ururka Somali Independent  Media House Association ( SUMHA)  waxay kula dardaarmeen in Ururka in  ay sii Balaariyaan si loo helo Urur si weyn ugu dooda Dhamaan  Qaybaha kala duwan ee ee Warbaahinta

Xabiibo Xaaji Jimcaale iyo Malyuun Shiikh Xaydar oo Bahda warbaahinta ayaa waxay ka dalbadeen Ururka Somali Independent Media House Association ( SUMHA) in ay qayb libaax ku yeeshaan Haweenka Saxafiyiinta  Dhismaha ururka ,waxayna halkaa ka sheegeen in Dhinacooda ay soo dhaweynayaan ururka ,iyagoo uga digey in Ururka uu la mid noqdo Ururadii hore ee Dalka soo marey oo iyagu markii dambe iskood u Burburey.

Waxaa sidoo kale halkaa ka Hadley  Gudoomiyaha Ururka Somali Independent  Media House Association ( SUMHA) Xasan Cali Geesey  ayaa yiri “Fikirka SUMHA waxaa lahaa Dhalinyaro Soomaliyeedoo Saxafiyiin ah  kuwaa oo doonaya in Fikirkooda uu noqda mid taaba gal noqda oo la helo Warbaahin isku Duuba “ waxaa uu si raaciyey “ in  Ururka SUMHA uu Diyaar u yahay in uu soo dhaweeyo Cid kasta oo Dooneysa in ay ka mid noqoto”

Sidoo kale waxaa Munaasbadaas ka Hadley Agaasimaha Radio Kulmiye Cismaan Cabdulle Guure ayaa si aad ah ugu dheeraadey in waraabhinta ay tahay Middi Laba Af leh oo  hadii si Fiican loo adeegsado  uu sheegey in ay wax dhisto , hadii Si xun loo adeegsadana in ay  wax dumiso  waxaana uu u soo jeediyey Qaybaha Waraahinta in ay ka shaqeeyaan sidii wadanka Nabad loogu soo dabaali lahaa, Bulshadana Horumar u horseedo.

Ugu Dambeyntii waxaa  halkaa ka hadley Wasiir ku xigeenkii  Wasaaradda Warfaafinta Boostada Isgaariisnta iyo Gaadiidka Mudane  Cabdishakuur Cali Mire oo  sheegey in Dowladda faederaalka ay soo dhaweyneyso in ay Midoobaan qaybaha kala duwan ee Warbaahinta waxaana  uu uga digey in Ururka uu la mid noqdo Ururadii inta la dhisey ka dibna iska baa’abay ama  is qabqabsi ku dhamaadey .

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.