Home » Warar »

Cabdiweli Gaas oo ku guulaystey doorashadii madaxweynaha maamul goboleedka Puntland

Arbaca Janaayo 8, 2014 waxaa magaalada Garoowe ka dhacay doorashadii madaxweynaha maamul gobolledka Puntland.

Doorashada oo 66 xildhibaan ee baarlamaanka Puntland ay u codeeyeen musharaxiinta ayaa wareegii saddexaad waxaa codadka 33 ku guulaystay C/weli Gaas, halka uu madaxweynahii hore ee Puntland helay 32 cod. (1 xildhibaan ayaa codkiisii xumaaday).

gaasWareegiis kaas ka horeeyey ee labaad waxaa Cabdiweli Gaas helay 18 cod, halka Faroole ka helay 31 cod, halka Cali Xaaji Warsame helay 16 cod.

Wareegii koowaad waxaa Cabdiraxmaan faroole helay 27 cod, halka C/weli Gaas ka helay 13, Cali Xaaji Warsame uu helay 12 cod, musharaxiintii kalena ay qaybsadeen codadka dhiman.

Sidaas ayaa Cabdiweli Gaas ku noqday madaxweynaha maamulka Puntland 2014-2018.

C/weli Gaas ayaa soo noqday ra’iisul wasaaraha Dawladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya ee uu madaxsweynaha ka ahaa Sheikh Shariif.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaa loo doortay Cabdixakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey.

December 30, 2013 ayey ahayd markii lagu dhawaaqay xildhibaanada cusub ee Puntland oo ka kooban 66, oo hawl gelaya 2014-2018 (Eeg magacyadooda). Waxaana xildhibaanadaas la dhaariyey Janaayo 1, 2014.

Xildhibaanadaas cusub ayaa Janaayo 4, 2014 ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland waxay u doorteen Saciid Xasan Shire iyo ku xigeenadiisa oo ah C/xamiid Sheekh C/salaan Ciise iyo Xuseen Yaasiin Xaaji.

Janaayo 7, 2014 ayaa musharaxiinta xilka u tartamaya waxay hor tageen baarlamaanka Puntland oo ay ka hor jeediyeen khudbado. Baarlamaankaas oo ka kooban 66 xildhibaan ayaa Janaayo 8, 2014 waxay u codeeyeen musharxiintaas madaxweynaha maamul goboleedka Puntland.

Magacyadii musharaxiinta iyo shuruudihii doorashada halkan ka akhri.

Hoos ka akhri warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda DFS.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas

January 8, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee la doortay ee dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay doorashadan mid taariikhi ah, una dhacday si hufan oo Dimuqraadi ah, waxa uuna si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub Dr. Cabdiweli Gaas, isaga oo alle uga rajeeyey inuu xilkan culus la garab galo.

“Waxaan hambalyo diiran halkan uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Dr. Cabdiweli Cali Gaas maanta ku guuleystay doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe ee Puntland oo ah saaxiib aan aad u garanayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay inuu ku ammaanayo Cabdiweli Gaas howshii uu horay uga soo qabtay dalka xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa dawladdii KMG aheyd.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay madaxweynihii hore Puntland Dr. C/raxmaan Faroole kaalintii uu ku lahaa hirgelinta doorashooyinka iyo xasiloonida, iyo sida uu u aqbalay natiijada codeynta Baarlamaanka oo ah mid muujinaysa mas’uuliyad.

“Waxay aheyd doorasho mugleh oo muujisay biseylka ay Puntland horay ugu talaabsatay dhanka Dimuqraadiyadda, waxayna ku dhacday jawi aad u heer sareeya oo dadka Soomaalidu u riyaaqeen, waxayna muujineysaa in ay dalka ka dhici karaan doorashooyin xor ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo balan qaaday in xukuumadiisu ay la yeelan doonto xiriir dhow iyo wada shaqeyn madaxweynaha cusub ee Puntland, isla markaana ay si buuxda u garab istaagi doonaan.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumada
Muqdisho, Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo noqday Madaxweynaha Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay Soomaaliya.

Muqdisho, 08 Janaayo 2014 – Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa u hambalyeeyey Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas oo ku guuleystay xilka Madaxweynenimo ee Puntland, tasoo ah guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan hambalyo qaas ah u dirayaa Dr Abdiweli Mohammed Ali Gaas, oo aan wadashaqeyn dhow yeelan doono, iyadoo Dowladda Federaalka ay dar-dargelineyso dhaqangelinta Federaalka Somalia. Puntland waxey tusaale fiican u tahay dalka intiisa kale.”

“Waxaana u mahadcelinayaa dhammaan musharaxiintii iyo sidii nabadda aheyd ee ay u loolantameen. Puntland waxey tustay dalka intiisa kale iyo caalamkaba in dhaqanka dimoqraadiyadda uu ka jiro Soomaaliya, waana in arrintan ay nagu hagtaa sidii aan dalka dib ugu dhisi laheyn.”

Madaxweynahu waxuu ammaanay Baarlamaanka Puntland sidii mas’uuliyadda laheyd oo ay u maareeyeen doorashooyinka.

“Xildhibaanadii matalayey shacabka Puntland waa codeeyeen oo ay soo afjareen olalahii doorashooyinka oo maalmahan la hadal hayey. Sidoo kale waxaan ammaanayaa oo aan u mahadcelinayaa Madax Dhaqameedka, Guddiga Doorashooyinka iyo hay’adaha amniga oo sugay amniga iyo nabadda xilligii doorashooyinka, kaasoo doorashooyinka ka dhigay kuwo guuleysta.”

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey Madaxweynihii hore ee Puntland Abdirahman Mohamed Mohamud Farole oo madaxweyne ka ahaa Puntland 5tii sano ee la soo dhaafay islamrkaana fuliyey doorashooyinka inay waqtigooda dhacaan, uuna aqbalo go’aankii codynta”.

DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to 
the President of Somalia
Office of the President of the Federal
Republic of Somalia
E 1: yarisow@presidency.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.