Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyey Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub

Warsaxaafadeed: Baarlamaanka oo cod Caqlabiyad leh ku ogolaaday magacaabista R.wasaare Dr. Cabdiwali

Muqdisho, December 21, 2013—–Golaha Baarlamaanka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod Caqlabiyad leh ku ogolaaday magacaabista Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Axmad Maxamed, waxaana kulankan oo ay soo xaadireen 246 Mudane ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka hor inta aan la qaadin codka kalsoonida, ka codsaday xubnaha Baarlamaanku inay codkooda kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali, wuxuuna madaxweynuhu xusay inuu u arkay Dr. Cabdiwali shaqsiga mudan inuu hogaamiyo golaha Fulinta, maadaama uu yahay shaqsi aqoon iyo waaya aragnimo u leh siyaasada iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed ayaa la hadlay xubnaha Baarlamaanka, ka hor inta aan loo qaadin codka kalsoonida, wuxuuna ka codsaday inay codkooda siiyaan, si uu u soo dhiso xukuumad dalka ka samatabixisa caqabaddaha hor yaala.

Golaha Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntiina, siiyay codka kalsoonida, waxaana haa u codeeyey 239 Mudane, halka ay diideen 2 mudane, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ansax yahay Mudane Dr. Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed.

somali119

Ra’iisul Wasaaraha cusub mudane Dr. Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed ayaa lagu dhaariyay golaha Baarlamaanka hortooda, iyadoo sida caadada ahna lagu dhaariyay kitaabka Qur’aanka kariimka.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sheekh Axmad Maxamed ayaa uga mahadceliyay golaha Baarlamaanka kalsoonida ay siiyeen, isaga oo u balan qaaday wadashaqeyn dhow inuu la yeelan doono, isaga oo dhanka kale xusay inuu soo dhisi doono gole Wasiiro oo ballaaran, isla markaana ku dhisan karto iyo aqoon.

Khudbada Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali uu ka hor jeediyay Golaha Baarlamaanka waanu idiin soo direynaa, iyada oo dhameystiran Insha allah
Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.