Home » Warar »

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Khudbaddiisa Shir Madaxeedka Afrika iyo Carabta Uga Hadlay Baahida Dadka Soomaaliyeed ee Ay Duufaantu Saameysay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta khudbad ka jeediyey shir madaxeedka dalalka Carabta iyo Afrika ayadoo shirkaasina ay Soomaaliya uga qeybgalayaan Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

jawaari5Khudbaddiisa ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uga hadlay saameynta ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollo ka tirsan Puntland ku yeesheen roobabkii duufaanta watay ee dhowaan ka da’ay isagoo madaxweynayaashii shirka goobjooga ka ahaana ka codsaday iney gurmad u fidiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay duufaantu saameysay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhinaca kale ku muujiyey Khudbaddiisa sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu diyaarsantahay iney ka faa’ideysato dal walba oo maalgashi ku sameynaya waxaana uu carabka ku adkeeyey damaanad qaadka ay Dowladda Soomaaliya damaanad qaadeyso amniga xuquuqda dowladaha Soomaaliya maalgashiga ku sameynaya,sidoo kalena waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka ku faah faahiyey khudbaddiisa kheyraadka Soomaaliya.

Khudbadda Gudoomiyaha Baarlamaanka hoos ka akhri:

Mudane Amiirka Dowladda Kuwait Sheekh Sabaax Al- axmed ilaah haku xafido, Mudane Hayla Maryan Dasaliin, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia, Madaxweynaha Gaambiya, Mudane Dosasaama Galisoon, Gudoomiyaha Midowga afrika, Mudane Nabiil Al-carabi Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta.,

Dhamaan madaxda iyo kasooo qayb galayaasha shirka waxa aan idinku salaamay salaanta islaamka,.

Munaasabada Shirka Madaxeedka Carabta iyo afrika ee ka socota Magaaladan Kuwait, shirkaasoo dooratay in hal ku dhig u noqoto waxa aan shirko ku nahay Horumarka iyo Maalgashiga.

Waxaan jeclaystay in ay salaam iga u gudbiyo Amiirka Dalkan Kuwait Sheekh Sabaax Al-Axmed Al-Jaabir Ilaah ha dhowree iyo Shacabka Kuwait ee sida aan kala harka lahayn inoo soo dhaweeyay markii aan Wadankan soo gaarnay, waxaana u rajeenayaa in ilaah wax walbo o dhib ah ka ilaaliyo.

Waxaana jeclahay in aan sidoo kale ugu hambalyeeyo Dowladda Kuwait iyo shacabkedaba sida ay usoo agaasimeen Shirkan kaasoo ay kasoo baxeen war muriyeed iyo dardaaran Wax ku ool ah oo wax u tar u leh Wadamada Carabta iyo Afrika Intaba.

Mudane Amiir iga Gudoon Salaan aan kaaga wado Walaalkaada Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo aad u jecel in Shirkan uu Guul ku soo dhamaado .

Waxaan hubaa in khibrada uu leeyahay amiirka Kuwait in ay guul iyo horumar ku dhameyn karto shirkan islamarkaana doonta ay saaranyihiin dalalka shirkan fadhiya uu si nabad ah baanaanka ugu saari karo.

Mudane amiir Soomaliya inkastoo ay dhibaatoyin badan soo martay kuwaasoo ay sameynayaan koox argagaaxiso ah oo nabada kasoo horjeeda hase yeeshee xiligan waxaan idiin xaqiijinayaa in soomaliya horumar dhan weliba uga talaabsatay oo dadkeedu israacay.

Sidoo kale waxey Soomaliya ku naalooneysaa dimuqraadiyad, xoriyatul qowl, dhowrista xuquuda aadana iyo xukun wanaag ay dowladu hormuud ka tahay.

Iyadoo aan ognahay in soomaliya ku taalo meel istiraajiya ah waxa ay noqon kartaa wado ama xarun mideysa xiriirisana wadamada carabta iyo afrika oo ay labada dhexda uga jirto waxeyna leedahay kheyraad dhanka badda iyo bariga ah kaasoo saamaxaya in dalalka halkan fadhiya ay dhamaantood ka faa’iideystaan maadama uu somalida ka badanyahay waxaana kamid ah xoolaha ,beeraha, kalluunka iyo noocyo kale oo muhiim ah waxaana ugu baaqayaa dowladahan carabta iyo afrika inay ka faa’iideystaan iyagoo maqalgashi ku sameynaya.

Dowlada Somalia waxa ay dhiirigelineysaa xiriirka dalalkan ka dhaxeeya manta shiraya sidoo kale waxey cadeyneysaa inay ilaalin doonto xuquuqda ammaanka dadka maalgashadeyaasha ee carabta iyo afrika kasocda.

Mudanaayal iyo marwooyin waxaan jeclahay in si guud ugu mahadnaqo wadamada caalamka gaar ahaan carabta iyo afrika oo mar walba dowladeenna ka garab siiya horumarka iyo amniga.

Anigoo fursadan ka faa’ideysanaya waxaan idin sheegayaa in qaar ka mid ah gobolada soomaaliya ay ku habsadeen dabeylo roobab wata boqolaal ruuxna ay ku dhinteen islaamarakaana ay duugeen degmooyin iyo tuulooyin badan.

Doladihii ka gurmaday waxaa ugu horeeyay dalkan Kuwait ,jabuuti iyo dowlada federaalka Ethiopia sidaa darted anigoo ka faa’iideysanaya fursadan waxaan mahad hortiina uga qirayaa sida walaaltinimada ah ee ay inoogu gurmadeen waxaana fileynaa in dalal kale ku daysadaan dhibaatada sii kordheysa.

War murtiyeedka shirkan kasoo baxaya waxaan fileynaa mid loogu yeero caalamka inay gargaar u fidiyaan soomalida dufaantu ku saameysay gobollada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaan u mahad naqaaya dowladda Kuwait ee isku imaatinkan soo hindistay iyo dhamaan madaxweynayaasha shirkan u yimid sidi uu guul ugu dhamaan lahaa.

WABILLAAHI TOWFIIQ

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.