Home » Warar »

Ra’iisul Wasaare Saacid: “Waa in deg-deg loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday No.50”

Muqdisho, …Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in si deg deg loo joojiyo dagaalada ka socda inta u dhaxaysa No.50 iyo magaalda Afgooye.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in maanta sii dhintaan dad Soomaaliyeed, iyadoo cadowgii dalkuna ay wali maleegayaa hagardaaminta dalka iyo dhagarta shacabka Soomaaliyeed.

“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey No. 50 labadii maalmood ee u dambeeysey, waana dagaal ay wax yeelo ka soo gaartay dad shacab ah madaama dushooda lagu dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, si dhaqso ahna loo furo waddada, khilaafkana wado hadal lagu xalinayo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkii ku wax-yeeloobay dagaalkaas.

Dagaalka shalay iyo maanta ka dhacay dhulka u dhexeeya No. 50 iyo Afgooye ayaa sababay khasaaro soo gaartay dhinacyadii dagaalamayey iyo dad shacab ah, wuxuuna dagaalkaan hadii uu sii socdo wiiqayaa awoodda dawladda iyo dadaalkii lagu xorayney deegaanada ay kaga suganyihiin kooxaha nabad diidka ah, kuwaas oo gacanta ku haya degmooyin ka tirsan gobolka.

18, Nov, 2013

Communication Office
Mogadisho-Somalia
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.