Home » Warar »

HORMUUD TELECOM FOUNDATION IYO JAAMACADA BANAADIR OO DHAKHAATIIR U DIRAY JOWHAR

Munaasabad Gurmad loogu dirayey dadka ay fatahaaduhu saameyeen ee degan Gobolka Shabeelada Dhexe gaar ahaan Magaalada Jowhar laguna Sagootinayey Dhaqaatiir iyo arday wax ka barata Jaamacadda Banaadir qeybteeda caafimaadka kuwaasoo ka qeyb-gali doona hawla gurmad caafimaad loogu sameeynayo dadka degan magaalada Jowhar ee ay asiibtay fatahaada webiga shabeelle.
somali72
Mashruucaan waxaa soo abaabulay oo iska kaashaday Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation iyo ururka Midowga ardeyda jaamacadda Banaadir ee loo yaqaano BUMSA.

Munaasabadaa ayaa waxa aay ka dhacday xarunta Jaamacadda Banaadir, waxaana ka soo qeyb galay, madaxa Hey’adda Hormuud Telecom Foundation iyo macalimiinta, maamulka Jaamacadda Banaadir, iyo dhakhaatiirtii iyo ardeydii u ambabixi laheyd Gurmadkaa caafimaadka ah.
somali71
Mu’assasada Hormuud Telecom Foundation oo ah qeybta qaabilsan xaga horumarinta iyo gargaarka bulshada ee shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom iyo Jaamacadda Banaadir ayaa waxay ugu tala galeen dadka mashruucaan ka faa’ideysanaya inay gaarsiiyaan daawo waxtar badan leh oo kala duwan maadaama ay cuduro dilaacaan markay fatahaaduhu dhacaan.
somali70

Madaxda Hormuud Telecom Foundation mudane Abdullahi Nur Osman ayaa waxaa uu sheegay inay la garab taagan yihiin dhaqaatiirta fulineysa mashruucaan kaalmo iyo wixii tasiilaad ah ee aay u baahan yihiin, ayna ayaga balan qaadayaan dhammaan wixii kharashaad ah ee ku baxaya safarkaan gurmadka caafimaad ee loogu ambabaxayo Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.