Home » Warar »

Kulan lagu Diyaarinayey sidii Saxaafadda u yeelan lahayd Qodobo la Xiriira Anshaxa Saxafadda oo Muqdisho lagu soo Gabagabeeyey.

 Qodobada Saldhigga u ah Anshaxa Saxaafadda Soomaaliyeed —

 

Waxaa Xarunta CRD Magaalada Muqdisho lagu qabtey Kulan looga hadlayey Diyaarinta sidii Saxaafada Soomaaliya u yeelan lahayd Qodobo dhinaca Anshaxa SAxaafadda  CODE OF ETHICIS waxaana Kulankaa  si wadajir ah  soo qaban qaabiyey Hayadaha Article 19, Centre for Research and Dialogue CRD , Albany Associates-AU/UN IST, Media Association of Puntland, Mogadishu Media House and the National Union of Somali Journalists. UNESCO International Programme for the Development of Communications (IPDC). Waxaana ka qayb galey qaybaha kala duwan ee Warbaahinta oo isUgu jirey Saxafiiyiin ka kala timid MuqdIsho, Garoowe, Gaalkcayo,Baydhabo iyo Kismaayo waxaana uu socdey Muddo 2 Cisho ah

somali60 somali59

Kulalnkaa oo si aad ah looga doodey Anshaxa Saxaafadda ,ayaa Gabgabadii waxaa laga soo saarey 21 Qodob oo Aas-Aas u noqonaya Anshaxa Saxaafadda iyadoo Xoghaya Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan  uu sheegy in Qodobada la soo saarey  ay Noqon doonaan kuwa wax lagu dari karo lagana dhimi karo sidoo kale waxaa uu sheegey in Qododbadda hadda la soo saarey ay yihiin kuwa wax weyn ka tari doona arrimaha la xiriira Anshaxa Saxaafadda marka la gudanayo Tabinta Wararka  .

Maxamed Axmed Rooble oo ka socdey Hayadda CRD oo ka Hadley kulankaas ayaa u Mahadceliyey dhamaan ka qayb galayaasha iyo intii soo qaban qaabisey Kulankaas isagoo sheegey in Qodobada  la xiriira Anshaxa Saxaafadda ay yihiin kuwa Faaiido weyn ugu jirta  Saxafiyiinta soomaaliyeed marka ay Gudanayaan Wararka ay  Bulshada u tabinayaan , isagoo kula dardaarmey ka qayb galayaasha in kuwa aan Fursada u helin ka qayb galka Kulankaan la gaarsiiyo si ay uga Faaiideystaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinklhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

somali58

Qodobada Saldhigga u ah Anshaxa Saxaafadda Soomaaliyeed

 

Baaqan Anshax waxaa loogu yeeraa Heerarka Hab Dhaqanka Xirfadeed ee Suxufiyiinta ku hawlan ururinta, fidinta, qaybnta iyo faallaynta Warka iyo Macluumaadka marka laga warramayo waxayna kala yihiin Qododbadaas

 

Qodobka 1-aad-Xushmaynta Runta iyo xaqa Dadweynehu u leeyahay ogaanshaha runtu
waa waajibka koowaad ee Suxufiga marxalad kasta iyo meel kasta.

 

Qodobka 2-aad-Iyada oo la oofinayo waajibkaas, suxufigu waxaa uu mar walba
difaacayaa mabaadii’da xorriyadda, waxaa uuna ku difaacayaa xog-ururin
daacad ah iyo daabacaadda wararka iyo oggolaanshaha xuquuqda aragti dhiibasho xaq ah.

 

Qodobka 3-aad-Suxufigu waa in uu tebiyaa warka oo keliya sida ay xaqiiqdu tahayna
u tabiyo  isaga/iyada oo soo bandhigaya xaqiiqada (facts) uu ogyahay
asalkeeda.  Weriyehu waa in aanu marna meesha ka saarin war ama macluumaad muhiim ah oo jira, ama aanu beddelin, ama been-abuurin qoraal iyo document si uu u marin habaabiyo dadweynaha.
Qodobka 4-aad-Weriyuhu ha kala saaro war iyo ra’yi (news & opinion) ka yimid
suxufi gaar ah ama xarun warbaahineed; si cad magaceeda ha u raaciyo
cidda ra’yiga la soo bandhigay iska leh. Sidaa oo kale, suxufigu waa in uu kala soocaa wararka iyo arrimaha ganacsiga;
Qodobka 5-aad-Suxufigu waxaa keliya oo uu adeegsanayaa hannaan xaq ah si uu e
helo war, sawirro iyo qoraallo. Suxufigu ma aha in uu ku raadiyo wararka isaga oo adeegsanaya handadaad, dabagal gaar ah oo ceebayn ku salaysan iyo hab ku salaysan rabshad (cadaawad).
Qodobka 6-aad-Suxufigu waa in uusan maqaamkiisa weriye nimo u adeesan in uu kaga
faii’deysto dano shaqsi ah.
Qodobka 7-aad-Suxufigu waa in uu isu sheegaa cidda uu warka ka doonayo oo aanu
si sir ah (qarsoodi) wax u duubin (haddii ayan jirin sababo qasbaya oo
danta dadweynuhu ku jirto.)
Qodobka 8-aad-Suxufigu waa in uu intii karaankiisa ah ku dadaalaa in uu saxo
qaladaadkiisa kana dabatago war kasta oo la baahiyay lana ogaaday in
khalad wax dhimayaa ku jiro isla marka xaqiiqada la ogaadaba.
Qodobka 9-aad-Suxufiga waxaa saaran waajib damiiri ah (moral obligation) in uu
Xafido (ha ka shifin) dadka u warrama ama ila qarsoon ee uu xogta ka
helo taa waxaa ka mid ah xushmaynta damaanadda rikoorka baqtiisan
(Off-the-Record); iyo sirnimada mihnadeed ee ku taxaluqda isha qarsoon ee warka.
Qodobka 10-aad-Suxufigu waa in uu iska ilaaliyaa dhiirrigelinta ama gacansiinta
faquuqa, waana in uu ka digtoon yahay khatarta ay yeelan karto
faquuqid ama haybsooc lagu fidiyo ama loo adeegsado warbaahinta, waana
in uu intii karaankiisa ah ka reebtoonaado fududaynta in uu dhaco
faquuq ku salaysan isir, jinsi, luqad, diin, siyaasad, aragtiyo kale ama cid loo faquuqo dalka ama bulshada uu kasoo jeedo darteed.

 

Qodobka 11-aad-Weriyuhu waa in uu u qaataa arrimaha soo socdaa in ay yihiin
xadgudubyo waaweyn oo xirfadeed: xatooyada qoraallada, sheekooyinka
iyo sawirrada dadka kale; weriyuhu ha Xus ilaha kale marka uu xigto
xogtooda – yaanu ka tuugaysan (ha xadin) xogta ilaha kale; si-xun-wax-usheeg cadaawad hurin leh, sharafdil/sumcad-dil, ihaanayn, aflagaaddo ama shaqsi weerar, eedayn aan sal lahayn iyo aqbalaadda ama qaadashada laaluush nooc kasta oo uu yahay marka looga dan leeyahay in wax loo daabaco ama meesha looga saaro oo aan la faafin war aanayjeclayn cidda laaluusha bixisay.
Qodobka 12-aad-Qof kasta waa in loo dhawraa sharafta noloshiisa khaaska ah, tan
qoyskiisa (cirdigiisa) iyo maalkiisa. Sidaa daraadeed, Suxufigu waa in uu xushmeeyo arrimaha u gaarka ah (privacy) dadka (haddii ayan jirin sababo kugu qanciya oo danaha dadweynaha ah, haddii kale lama oggola).
 Qodobka 13-aad-Weriyuhu ma shaacinayo (ha shaacin) carruurta iyo dadka u nugul
takoorka –sida dhibbanayaasha kufsiga, dadka qaba HIV-AIDS) haddii ayan iyagu raalli ka ahayn raalli ahaanshahaas oo Xog-ogaalnimo ku yimid.
Qodobka 14-aad-Saxafiyiintu ma aha in ay sawirro ka qaadaan ama ay arrimo ka
waraystaan ilmo ka yar 15 sano iyada oon  oggolaansho laga helin Waalidkiis ama cid kale oo mas’uul ka ah. Marka ay jiraan xaalado gaar ah oo aan saamaxayn in helo cid mas’uul ka ah carruur, sida ilmaha la afduubay, kuwa dayacan oo cid mas’uul ka ah aan si fudud loo heli karin. Xaaladdaas oo kale weriyuhu waa in uu si taxadar le ula Macaamilo ilmahaasi marka maslaxadda kama dambaysta ah ee ilmuhu ay khasbayso in sidaa la yeelo. iyada laga dheeraanayo in la dhaawac loo geysto ilmaha in kabadan dhibaatada la daweyn lahaa.
Qodobka 15-aad-Suxufigu waa inuu si taxadar leh oo aan dhinacna u xaglinayn u
eegaa wax-ka-qoridda dacwadaha (kiisaska) ka socda maxkamadaha ee aan
weli go’aan laga soo saarin. Sidaa oo kale waa in uu suxufigu dareen
feejin kula dhaqmaa marka uu soo bandhigayo muuqaalka iyo haybta la
tuhmaha, eedaysanaha ama xukumanaha, waa in uu ka digtoonaado in uu
ugu yeedho dambiilayaal dadka la tuhunsan yahay (eedaysanaha) inta aan
la xukumin.
Qodobka 16-aad-Suxufigu marka uu gudanayo waajibaadkiisa mihnadeed waa in uu xor
ka yahay oo aanu oggolaan saamaynta caddaadisyada (culayska) gudaha
ama dibadda uga imanaya, kuwaas oo ay ka mid ahaan karaan: naftiisa
ama dadka kuu dhowdhow, madaxdaada shaqada, milkiilaha xarunta
warbaahinta, hanjabaad ama cadaadis kale oo kaa soo gaadha xukuumadda,
siyaasiyiin, kooxo ciidan, qabiilooyin, cadaadis ganacsi oo kaaga yimaadda ganacsato ama sharikado ganacsi sida kuwa wax loo xayeysiisyo; waxyaabaha laguu siiyo laaluush (sharuur/qabax) ama hadiyad si aanay wax ugu dhimin saxnaanta, xaqnimada iyo Madaxbannaanida warka.
Qodobka 17-aad-Weriyaha laguma qasbi karo in uu qabto shaqo mihnadeed ama uu
sheego  war ama faallo ka hor imanaysa waxa uu aammin sanyahay ama
damiiskiisa.
Qodobka 18-aad-Suxufigu waa in uu ka reebtoonaadaa iska hor-imaadka masaalixda
(is-hardiga danihiisa). Tusaale, haddii uu ka warramayo saaxiibbadiis midkood ama xubin qoyskiisa ah; aqbalaadda hadiyad, I.W.M.  waa in la sheego wixii khilaaf masaalix ah oo dhici kara.
Qodobka 19-aad-Suxufiga waa ku waajib in uu bixiyo xaqa jawaab-bixinta oo la
oggolaado in dadka la dhaliilo ama lagu eedeeyo basarxumo (xumafalid)
ay jawaab ka celiyaan eedaha loo jeediyay ama ay isdifacaan. Suxufigu
daacad ha ka ahaado marka dadka uu siinayo fursadda ay ku helayaan
xaqa ka-jawaabista.
Qodobka 20-aad-Saxufigu waa in uu iska ilaaliyaa in uu waxyeello geysto isaga oo
ujeedda in uu waxwanaajiyo..
Qodobka 21-aad.Suxufiyiinta u qalma sheegashada magaca Suxufi waa in ay u arkaan
in ay waajib ku tahay in ay si buuxda ugu dhaqmaan oo u oofiyaan
mabaa’diida kor lagu xusay. Marka tixgeliyo sharciga guud ee dal gaar
u leeyahay, suxufigu waxaa uu aqoonsanayaa arrimaha mihnaddiisa la
xiriira waxaana uu kala tashanayaa arrimihiisa keliya dadka ama jaalka
uu mihnadda la wadaago, waxaana meesha laga saarayaa wixii farogelin
ah oo kaga imanaya dawladda iyo cid kaleba.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.