Home » Warar »

Maamulka sare ee jaamacada bariga afrika oo soo gaba gabeeyay kormeer ay jaamacada ku sameeyeen, Qabtayna shir jaraa,id

Waxaa maanta maamulka jaamacadda Bariga Afrika ay ka warbixiyeen kormeer ay maalmihii la soo dhaafay ku sameeyeen jaamacadda,kaasi oo ay ku kormeerayeen habsami u socodka jaamacadda.

Shirkan jaraa,id oo ay si wada jir ah maantay ugu qabteen Gudoomiyaha golaha asaasayaasha,gudoomiyaha hay’adda Al-Manhal,ahna xubin ka mid ah asaasayaasha ,Gudoomiyaha bod-ka,xubnaha golaha bod-ka,gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Bariga Afrika,ahna sii hayaha gudoomiyaha jaamacadda,ayay ka warbixiyeen kormeer ay maalmihii la soo dhaafay ku sameeyeen jaamacadda,kaasi oo ay ku kormeerayeen habsami u socodka jaamacadda.

Shirkan jaraa,id oo ay kasoo qayb galeen hormuudyada, macallimiinta,ardayda,howl wadeenada jaamacadda iyo bahda saxaafadda, ayaa waxaa ugu horeyn ka ka hadlay shirka gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Bariga Afrika Sheekh Maxamad Macallin oo ugu horayntii u mahad celiyay maamulka sare ee jaamacada bariga afrika, sheegayna in shirkan jaraa’id ay ugu talagaleen in dadweynaha iyo gaar ahaan bahda waxbarashada warbixin kooban laga siiyo heerka waxbarasho ee jaamacadda ,iyadoo dhawaan la soo gaba-gabeeyay kormeer baaxad weyn oo ay maalmahan maamulka sare ee jaamacadu ku hayeen jaamacadda. Intaa ka dib waxa goobta ka hadlay gudoomiyaha bodka jaamacadda Afrika Aadaan Sheekh Doon Cali oo sheegay in jaamacadda bariga Afrika la asaasay sanadkii 1999-kii lagana lahaa welina laga leeyahay ujeedooyin iyo himilooyin sare oo uu ugu horeeyo,in la soo saaaro kaadar ka dhsian dhinac walba, oo bulshadiisa orumar iyo baraare u horseeda, lehna aqoon uu kula tartami karo bulsho waynta caalamka.

somali57 somali56

Mr aadam oo hadalka sii wata ayaa halkaa ka aqriyay Go’aamada ka soo baxay kormeerka ay sameeyeen maamulka:

1-In kor kor loo sii qado tayada waxbarashada lalana jaanqaado teknoolijiyada,lana soo kordhiyo macallimiin takhasudyo sare leh korn loo qaado aqoonta inta hadda shaqeysa.

2-In la casriyeeyo maktabadda oo lagu soo biiriyo mid elektaroonik ah,kulyad kastana yeelato maktabadeeda

3-In kulyadda cilmiga ay helaan laabab casri ah oo dhammeystiran.

4-In la ballaariyo lana badiyo dhismayad oo jaamacadda

5-In la xoojiyo isbitaalka Al-Manhal ee jaamacadda ku yaal loona sameeyo agab kasta oo ardaydu wax ku baran karto,iyada oo la ballaarinayo qeybta caafimaadka

6-In la abuuro mashaariic maalgelineed oo jaamacaddu u fududaynaya inay bulshada ugu adeegto sida ugu wanaagsan.

7-In bulshada loo soo kordhiyo tabo loo dhaqdo xoolaha,loona fasho beeraha oo casri ah.

8-In waxbarasho sare loo helotirada ugu badan ee suuragalka ah. Intaa ka dib waxa hadalka qaatay Sheekh Yuusuf C/casiis oo ah gudoomiyaha asaasayaasha jaamacadda isagoo sheegay in jaamacadu ka haqab tirtay soomaaliyeed , gaar ahaan bulsha reer puntland dhinaca waxbarashada, iyodoo sanadkan qura ay ka qalin jabiyeen 809 arday,ayna dhigataan inka badan 3379 arday,iyadoo jaamacadda Bariga Afrika ay tahay jaamacadda ugu laamaha badan,lehna kambasyada ugu waaweyn Soomaaliya oo dhan.

Sheikh yuusuf ayaa ka codsaday aqoon yahanada soomaaliyeed inay kusoo biiraan jaamacada bariga afrika, si ay usoo saaraan kaadiriin dhinac walba ka dhisan.

Waxa isagana halkaa ka hadlay gudoomiyaha hay’adda Al-Manhal,ahna,xubinna ka mid ah asaasayaasha jaamacada, isagoo sheegay inay ku arkeen kormeer koodii wax yaabo badan oo horu mar ah, sidoo kalana ay arkeen baahiyo badan oo haysta jaamacada, isagoo sheegay baahiyahaas jira inay wax ka qabanayaan, hadana ay qaarkood bilaabeen wax ka qabashadooda.

Siciid Maxamed Diiriye

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.