Home » Warar »

Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka socoto Ka Doodista Hindise Sharciyeedka Kalluumeysiga Dalka

Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ka socota dood ku saabsan “Hindise Sharciyeedka Kalluumeysiga Dalka Soomaaliya” ee ay soo jeedisey xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Doodda looga hadlayo Sharciga Kalluumaysiga ayaa bilaabatay Isniin (Nov 4, 2013)kaddib markii Xildhibaannada Baarlamaanku ay warbxin ka dhegeysteen Saciid Maxamed Cali oo ah “Gudoomiyaha Gudiga Beeraha iyo Kheyraadka Dalka”, waxana uu baarlamaanka u sheegay “in gudigu wax ka bedel kusoo sameeyeen qodobada qaarkood ee quseeyey hindise Sharciyeedka Dalka.”

Kaddib waxaa hadalka qaatay Xildhibaan Goodir oo ka mid ah xubnaha gudiga Kheyraadka Dalka, waxana uu xildhibaanada Baarlamaanka usii faah faahiyey qodabada ay gudigooda wax ka bedelka kusoo sameeyeen. Waxana uu sheegay in qodabada laga saaray uu ka mid yahay qodobka Labaad,farqadiisa Afaraad oo ka hadlaya dhulka Badda oo isagu micneeyaya dhulka Badda Dalkeenna, ayadoo gudigu qodobkaasi guud ahaanba ay ka saareen meesha islamarkaana loo daayey sidiisii hore oo aanan wax laga bedelin sida xeer No 37, maadaama uu xeerkan ku koobanyahay dhanka kalluumeysiga, sidaasna waxaa faafisay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Federaalka.

Doodii ayaa sii socotey maanta Talaada (Nov 5, 2013).

Waxaana Xildhibaannada ay soo jeediyeen in hindise Sharciyeedkan lagu muujiyo dhererka badda laga kalluumeysan karo taasi oo ku cad xeerka NO 37 oo soo baxay 1972kii. Doodda ayaa sii socon doonta Arbacada.

Warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Federalka oo faallo ka bixinesey xeerka badda Soomaaliya ayaa qortay sidan “Xeerka NO:-37 oo isagu ka hadlaya Sharciga Badda Soomaaliya ayaa waxaa uu si cad u qaxeeyaa Dhul badeedka Soomaaliya, taasi oo ku cad qodobka Koobaad, farqadiisa Koobaad ee Xeerka NO:- 37 oo isagu u qoran sidan” 1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (Nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan”oo soo baxay 10kii September sanadkii 1972kii.”

AKHRI: Sharciga Cusub ee Kalluumaysiga waa mid Lagu Baabi’inayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka socoto Ka Doodista Hindise Sharciyeedka Kalluumeysiga Dalka "

  1. Wadani girl says:

    Marka u horaysa waxaan u hanbalyaaynayaa Xildhibaanada soomaaliya , bada soomaaliyeed dad shisheeya ah baa raba in dhaawr shilin oo aay nin caado qaato ah siiyeen ku dhacaan. Bada Soomaaliya soomaali baa leh, dalka soomaaliya soomaali baa leh, xildhibanadu waxaay matalaan shacabka Soomaaliyeed ee aan haaysan wax xaquuqdooda u dooda oo horarka boobaya dalkooda uga celiya. Qodobka badda Soomaaliya No:37 waa muqadas, wax in laga badalana ma aha. Sharci aan nr 37 ahaayn oo sharci gashan ma haaysano. Marka xildhibanada Soomaaliya mar kasta qodob kaaas yaay ka tagin. Soomaalitalk mahadsanidin muwaadiniin dhab ah baa tihiin.

  2. A. M. Hashi says:

    AL-S.C.
    Aad iyo aad baan idin kaga mahad celinayaa sida joogtada ah ee aad noola socod siisaa guud ahaan waxa ka dhacaya gayiga Soomaaliyaa gaar ahaan arrimha Dhul Badeedka Wadankeena.

    Mar labaad iyo mar sadexaadba waan idin kaga mahad celinayaa ee ha ka daalin ilaalinta hantida wadanka.

    Wabillaahi Towfiiq