Home » Warar »

Turkiga: Madaxweynaha DFS oo ka qayb galaya xafladda munaasabadda 90 guurada markii Turkiga uu xornimada qaatay

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tibaaxay in madaxweynaha DFS uu gaarey Turkiga oo uu kaga qayb galayo xafladda munaasabadda 90 guurada markii Turkiga uu xornimada qaatay. Warsaxaafadeedka hoos ka akhri:

somali40Madaxweynaha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Turkiga

Istanbul, 29 October 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey safarkan Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda, Jamaal Maxamed Barrow, xildhibaano, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta la kulmaya Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul iyo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu kala hadli doonaa xiriirka labada dal, isagoo Madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadcelin doonaa doorkii hoggaamineed ee Turkigu ka qaatay arrimaha Soomaaliya oo bedeshay sida uu caalamku ula dhaqmo Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynahu waxuu kala hadli doonaa shirka berri ka dhacaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Ciidanka Dowladda si loo soo afjaro dagaalka kooxaha Al-Shabaab, bacdamaa Madaxda Turkiga ay garab istaagan yihiin Soomaaliya isla markaana ay caalamka si aad ah ugu ololeeyaan in Soomaaliya la garab istaago.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya xafladda munaasabadda 90 guurada markii Turkiga uu xornimada qaatay oo ku beegan maanta 29ka October 2013. Madaxweynahu waxuu halkaas ka jeedin doono khudbad taariikhi ah oo uu shacabka Turkiga uga mahadcelin doono garab istaaga iyo wallaaltnimada dhabta ah oo ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.
_DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson, Office of the President of Somalia,yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Ra’iisul Wasaare Saacid oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Holland

Muqdisho, 28 October 2013 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xaafiiksiisa ku qaabilay wafti ka socda dowlad Holland oo ay hogaaminyaso Wasiirka Arrimaha Dibada, Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga Liliane Ploumen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey booqashadeeda ay markii ugu horaysay ku timaado Soomaaliya iyadoo hogaaminaysa ganacsato reer Holand ah, si ay u arkaan horumarka xaalada nabad galyo ee dalka.

“Waa arin na farxad galinaysaa inaan aragno ganacsto ajaanib ah oo doonaya inay soo booqdaan Soomaaliya si ay u maalgashtaan, “ganacsatada ka imanaya dibada waxay halbowle u yihiin horumarka dhaqaalaha Soomaaliya waxayna arinkaas ka caawinaysaa dadkeena in ay helaan fursado shaqo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana u diray fariin adag caalamka taas oo ka turjumaysa sida Soomaaliya dib ugu soo noqotay diyaarna ugu tahay inay soo dhaweyso ganacsatada shisheeye.

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Holand isla soo qaadeen sidii loo fulin lahaa Higsiga Cusub (New Deal) iyo dukumentigi lagu saxiixay shirkii Brussels iyo sidii loo sii wadi lahaa ka dhabayntii balan qaadkii dowlada Holland ee shirkii Brussels. “Waxaan uga mahadcelinayaa dowlada Holland si wadidooda taageerada iyo kaalmada ay siiyaan Soomaaliya iyo balan qaadkooda deeqdii loogu yaboohay Soomaaliya shirkii Brussels. Higsiga Cusub wuxuu siinayaa Soomaaliya fursado dib loogu dhisayo, dhamaan taageeroyinkaas waxaa loo marayaa Barnaamijka Higsiga Cusub oo ay ku dhan yihiin baahiyaha ka jira dalka.

Dowlada Holland ayaa safka hore uga jirta dowladaha taageera Soomaaliya, waxaan waftigaan uu qayb ka yahay wufuuda caalamiga ah ee booqashada ku imaanaysa Soomaaliya si ay xoojiyaan taageerada ay siinayaa New Deal-ka.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.