Home » Warar »

Soomaali Dhimasho iyo Dhaawac loogu geystey Minneapolis

mpls4Cabdi Casiis yuusuf Jaamac ayaa Geeryooday halka Wiil aan magaciisa la helina uu si xun ugu dhaawacmay rasaas ay ku Rideen Kooxo Dableey Mashaqadan ayaa ka dhacday Minnesota ee Carriga Maraykanka ka gadaal markii Kooxdaasi ay weerar ku soo qaadeen goob ay ku sugnaayeen Dhallinyaradaas Somali Maraykanka ah.

Axmed Yuusuf Jaamac oo ah mid la dhashay Marxuumka oo waraysi gaar ah siiyay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay Geerida Walaalkiisa iyo dhaawaca soo gaaray wiilka kale Soomaali Maraykanka ah oo haatan Xaaladdiisu ay qatarta tahay. Axmed ma caddeyn Haybta Kooxda weerarka ku soo qaadday Dhallinyaradaas isagoona sheegay in goob ay ku sugnaayeen Dhallinyaradan Soomaalida in ay weerar ku soo qaadeen dabadeedna ay Gaari ku baxsadeen.

Mashaqadan ayaa noqonaysa tii afaraad Muddo dhowr Bilood gudahooda ah dhibaatana loogu gaysanayo Dhallinyaro Soomaali ah.Wiilka dhaawaca ah ayaa ku jira xaalad Miir beel ah mana jirto illaa iyo iminka cid ay Ciidamada ammaanku u soo qabteen dhacdadaas si kastaba xaaladdan ayaa waxa ay Cabsi ku abuurtay Dhallinyarada Soomaali Maraykanka ah ee Minneapolis ku sugan iyagoo ka cabsanaya weeraradan lala beegsanayo dhallinyarada asalkoodu Soomaalida yahay ee halkaa ku dhaqan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.