Home » Siyaasad »

Gablan talo aduuneey|Dhaguuf

Nin aan u malaynayo inuusan waligii magaalo ka bixin baa waxaa laga hayaa indhihiii dhiman waayaa geel dhalaayana waa ku tusaan. Waxaan filayaa inaan ruuxna hore u suureysan in Shariif sheekh Axmed oran doono masaajida daroogaa caruurta lagu siiyaa. GABLAN TALO ADUUNEEY MAXAY GALABA HEER JOOGTEY.

Bal aan yara dul istaagno dhowrkan qodob oo ka mid ah qodbadii madaxweynaha.

Masaajida

Shaki kuma jiro in xarakaatka islaamka Soomaaliya barxan yihiin walina aysan kala miirmin, wax badan oo sixid u baahana ay jiraan, laakiin marnaba waxaan meesha ku jirin in masaajida dadka laga cayrsho. Madaxweynaha waxaad moodaa inay jiidatey maahmaahdii ahayd rag iska dhici iyo Rabi ka baq isku meel ma galaan. Sow kuma habooneyn inuu yiraahdo waa dhalinyaro la qaldey ee niyadooda Allaha u qaado, intuu oran lahaa ayagoo daroogeysan bay dhinteen.

Siduu u qiimeeyey dadkii dhageysanayey

Waqtigii dawladii kacaanka ayaa meel iskaa wax u qabso laga hayey waxaa madax ka ahaa sarkaal dhalinyaro ah. Intii dadku shaqaynayey sarkaalka waxaa kursi loo dhigay geed haraca hoostiisa shaah iyo caanana waa loo dhigay. Hase yeeshee markuu soo dhawaadey wafdi kormeer ahaa, ayuu inta nin badeel ka dafay carro madaxa isaga bilaabay meel cirid ahna istaagay; wafdigii waxay u yimaadeen sarkaalki oo aad moodo inuu bohol ka soo baxay, dabadeedna waa amaaneen, xidigna waa la dalacsiiyey. Waa danbe ayaa asaga oo meel kale madax ka ah waxaa la yiri sidii yeel, markaasuu wuxuu yiri kacaanku waagii ciida la isugu shubi jirey waa soo dhaafay. Hada shacabka Soomaliyeed waa soo dhaafay waqtigii wixii la rabo loo sheegi jirey.

Waxaa muhiim ah in la kala saaro beesha caalamka ee taageerada laga doonayo iyo mujtamaca Soomaaliyeed ee dal, diin iyo danaba inaga dhaxeeyaan. Madaxweynuhu waxaad moodey inuu la hadlayo dad ajaaniib ah oo aan xaalada wadanku ku sugan yahay la socon. Waxay dad badani sugayeen in madaxweynuhu si qoto dheer uga hadlo asalka dhibaatda wadanka ka jirta, caqaqabadaha horyaala dawladiisa iyo istaraatiijayada dawladu u dajisay si looga baxo dhibaatada. Dadka oo la fududeysto iyo dhabta oo aan la taaban waxay keeneysaa taageerada shacabka oo la lumiyo.

Hehiiska Bada

Waxaan islahaa dawladu marka ay akhrido talooyinkii faraha badnaa ee waxgaradka Soomaaliyeed u soo jeediyeen ee sida isdaba jooga ah ugu soo baxayey website Somalitalk; khaasatan maqaalki qiimaha badnaa ee Sheekh Maxamed Idris –Ra’iisulwasaaraha iyo wasiirkiisu indha adkaa wux uun baa iska badalaya mowqifka xukuumada; laakiin nasiibdaro talooyinkaasi waxay ku dhaceen dhego fureysan. Madaxweyne Shariif waxa uu ku biirey Ra’iisulwasiirihisa iyo wasiirkiisi ummada Soomaaliyeed oo dhan jahliga ku xukumay. Waa run Kenya iyo Soomaaliya waligood muran xuduudeed baa ka dhaxeeyey ee maxaa looga hadli waayey kan xuduuda dhulka ee sida qoroxda u cad. Teeda kale arrinka badu uma baaneyn in heshiis is afgarad laga qoro, waxa kaliya oo ay ahayd in dawlada Soomaaliyeed gudbiso hadey awoodo cabirka badeeda ka hor 13 May 2009. MOU ama heshiiska is afgarad waxa uu iman lahaa markii khilaaf ka yimaado warbixinta ay labada dal gudbisteen. laakiin filimayo wasiirka garan waayey inuusan saxiixin dukuminti ay Kenya leedahay (warqada wadata calaamadi Kenya) inuu garan karo waxa uu xanbaarsan yahay heshiiskani iyo cawaaqibtiisa toona.

Gabagabo

Waxaa la sheegaa in qoys hal wiil lahaa ay xaajiyadii ka geeriyootey, odaga oo wiilka aad u jeclaa ayaa durbadii wuxuu guursaday gabar waxa uuna kula dardaarmay inay dhaqaaleyso wiilka. Mudo ka dib ayuu odagii waxa uu arkay wiilkii oo sii daciifaya, markaasuu mid kale guursadey oo wiilkii waxa uu ku yiri aabe labada guriba wax ka cun. Odagii hadana waxa uu arkay wiilkii oo canbaari gashay kana sii daraya; markaasuu inta u yeeray waxa uu ku yiri aabe maxaa kugu dhacay sow aayooyinkaa kuma xanaaneeyan, wiilkii waxa uu yiri aabe awal hore Xirsiyo raamaleey raaxo kuma haysan haatana Ilaahay bay rabee Xaawo kuma raysan. Shacabka Soomaaliyeed dawladii kacaanka, kuwii ka horeeyey iyo qabqablayaashii dagaalka midna kama helin hogaan fiican iyo xukun caadil ah oo baraare gaarsiiya; kuwa wadaada sheeganayana kuma raysan, Madaxweyne Shariif asagaa qirey inaan lagu raysan wadaadada markuu yiri dagaaladii qabaa’ilkaa dhaamey. marka ma la oran karaa waxaa la gaarey xiligii ummada Soomaaliyeed ay aad uga fakari lahayd cida ay masiirkeeda ku aamineyso, intey maalin walba nin gurigiisa u socda iska dabagali lahayd, dabadeedna markuu haadaan kala dhaco oran lahayd saan ma moodeyn.

Cabdiraxmaan Salaad Aaden

dhaguuf@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gablan talo aduuneey|Dhaguuf "

  1. Xassan says:

    Waa ku Mahadsanyahay Cabdiraxmaan Salaad Aaden sida uu aragtidiisa noogu soo bandhigay, laakiin waxuu hilmaansanyahay in madaxweynuhu uusan khibrad madaxtinimo lahayn iyo inuusan heysan dad khubaraa ah. Labadii wasiir ee garabtaagnaa (Maaliyadda iyo Arrimaha dibadda) xattaa waxey garanwaayeen in aay khudbad udiyaariyaan si uu u akhriyo.
    Dad badan oo cod kar aan ahayn ayaa jira, laakiin qudbad loo diyaariyay meel kumara.