Home » Warar »

Prof. Cabdulaahi Xersi Diirshe (Daacad) oo ku soo Biirey Musharaxiinta u Taagan Xilka Madaxweynimada Ximan iyo Xeeb.

Nidaamka Hadda Jira waxaa ku baxay Naf.Maal iyo Maskax Shacabka waxaan leeyahay in ay Diyaargaroobaan Doorashada Taariikhiga ah

Prof Cabdulaahi Xersi Diirshe (Daacad) oo Mudo dheer ku soo jirey Siyaasada Wadanka Soomaaliya islamarkaana horey u Sameeyey Xisbiyo fara badan gaar ahaan Xiliyadii Dagaalada Sokeeye ayaa haatan waxaa uu ku soo Biirey Siyaasiyiinta u Taagan Xilka Madaxweynimada Maamulka Ximan iyo Xeeb , waxaana wax ka weydiiney Sababta uu Xiligaan ugu soo biirey Siyaasiyiinta u Taagan Xilkaa Maamulkaas waxaana uu sheegey in uu doonayo Shacabka Ximan Xeeb uga faaiideeyo aqoonta iyo Waaya-aragnimada uu u leeyahay Siyaassadda , Hogaan Wanaaga iyo Xiriirka Wanaagsan ee aan la leeyahay Deriska iyo Dunida inteeda kala, islamarkaasna in aan ka gudbiyo Bulshada Ximan iyo Xeeba Marxalada Xasaasiga ay ku sugan yihiin waxaa uu intaas ku darey

“ Soomaaliya waxay ay u baahan tahay Nidaam Gunta ka soo Tola Deegaanada, si loogu Gudbo Hanashada Qaranimada Soomaaliyeed ee Daalaa Dhaceysa ama Saanqaadka ah , maadaama aan marnaba Bulshadu kala maarmi kareyn meel kasta oo ay joogto , heer kasta oo ay mareyso taasoo ay ka mid tahay Ujeedooyinka dib u Yegleelida Nimdaam iyo kala Dambeyn lagu soo celiyo Geyiga Soomaaliyeed

Prof Cabdulaahi Xersi Diirshe (Daacad) waxaa uu sheegey in Deegaanka Ximan iyio Xeeb uu yahay Dhul Balaaran lehna Khayraad Dabiici oo kala duwan sida XoolAha , Beeraha , Macdanta iyo Kaluumeysiga islamrkaana waxaa uu sheegey in Deegaankaas ay ku hareereysan yihiin Deegaano kala Duwan Dhacdooyinka ku saleysan Daaq ay ka dhacaan sidaa dareteed waxay u baahan yihiin in si wadajir looga wada shaqeeyo Xal u helida Khilaafaadkaas yar yar iyadoo la isticmaalayo Xigamada Waxgaradka ee Dhinacyada kala duwan taasina aad bay u fududadahy waxaana uu sheegey in uu aaminsan yahay in Khilaafaadkaas uu ku bixin Doono dadaal Dheeraada si Nabad loogu Wada Noolaado

ximanxeeb

Prof Cabdulaahi Xersi Diirshe (Daacad) mar uu ka hadlayey Dhinaca Bucad badeeda waxaa uu yiri” Dadkaas waxay ahaayeen Ganacsato Kaluumeyusato ah iyo Shaqaalahooda oo iyaga ku howlanaa in muda ah Wax soo saarka Khayraadka Badda hase yeeshee waxaa dhibaateeyey, Joojiyey Ganacsigooda Sharafta badan Kaluumeysato Shisheeye kuwaasoo adeegsanayey Maraakiib waa waaweyn iyo Qalab Xaalufinta Badda islamarkaana baabi’iey Qalabkoodii Kaluumeysiga sida Doonyihii Shabaagadihii taasi waxay abuurtey in ay is Difaacaan ilaa ay soo gaartey in lagu kala adkaado loolankaas oo aan Xaqa loo wada lahayn,taasina waxay dhashey in Muwaadiniinti lagu Tilmaamo Burcad maadaama ayan lahayn Nidaam Qaran oo awood u leh in uu difaaco Xaquuqdaas oo ah Naftooda iyo Maalkooda hase eyeshee Nasiib wanaag maanta waxay taagan yihiin Ganacsatadaas,Ganacsigeenna waa joojineynaa iyo wixii ka dhashey ha la helo Qaran Difaaca Khayraadka Badda Soomaaliyeed , iyagoo Xiligan Diyaar u ah in ay ka dambeeyaan Maamulkooda halkaas baan ka sii wadi doonaan anigoo leh Xirfad ku duwida Dhalinyarada Nolosha Caadiga ah.
Guntii iyo Gabagabdii waxaan ugu baaqayaa Bulshada ,Guurtida , Baarlamaanka, iyo Xukuumada ee Ximan iyo Xeeb in ay u istaagnaadaan Ilaalinta Miraha Qiimaha badan noogu fadhiya ( Naf.Maal iyo Maskaxba leh) una Diyaargaroobaan Doorashada Taariikhiga ah iyagoo Dhowraya Marxada kala Guurka kana Foojignaanaya wax kasta oo keeni kara kala qaybsanaan
Proff Cabdulaahi Xersi Diirshe (Daacad)
Daacad99@hotmail.com
Tel00252615441161
Tel 00252615531122

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.