Home » Warar »

Campuska Bosaso ee Jaamacadda Muqdisho – Ardayda Cusub oo u fadhiisatay Imtixaankii aqbalaadda sanadka 2009/2010

CAMPUSKA BOSASO EE JAAMACADDA MUQDISHO

“Ardayda Cusub oo u fadhiisatay Imtixaankii aqbalaadda sanadka 2009/2010”

Halkan ka daawo Sawiro Dheeraad ah

Dufcaddii 2aad ee ardayda Jaamacadda Muqdisho xarunteeda Boosaaso ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii aqbaaladda (Admisson Test) ee sanad waxbarashadeedka 2009/2010

Qaybaha waxbarsho ee uu ka koobanyahya Campusku waxa ay kal yihiin: sharia & law, social science, math & physics, Economics, Business Administration, Accounting, Public Administration, Computer science iyo Information technology.

goobta uu imtixaanku ka dhacayay ee Campuska Jaamacadda ee Bosaaso oo kuyaala Xaafadda Biyo kulule e Magaaladda Boosaso ayaa waxa imtixaanka ku galay saaka arday aad u fara badan oo isgu jira wiilal iyo gabdho oo sandkan ku soo biiray Jaamacadda.

Imtixaankan oo ah mid qoraal iyo oral ama (shafawi) isugu jira ayaa waxa uu ka midyahay shuruudaha lagu aqbalo ardayada dhamaanba takhasusyada kala duwan ee jaamacadda Muqdisho.

Madaxa Campuska Bosaso, Ustaad Cali Daahir Maxamed oo munaasabadan ka hadlayay ayaa yiri: Waxaa xusud mudan, Campuska jaamaccda muqdisho ee Bosaso waa kii ugu horeeyay ee Jaamacaddu ay ka furto meel ka baxsan Magaaladda Muqdisho oo Xarunta dhexe ee Jaamacaddu ku taalo, si loo gaaro hadafka jaamacadda ee ku aadan in lagu baahiyo dhamaan gobalada dalka oo dhan tacliin jaamacadeed oo tayaysan.

jamacadXarunta Boosaaso oo la furay 2008 dii ay waxaa sanadkan lagu soo kordhiyay Kuliyadda, Computer science & Information technology, sidoo kale waxa Jaamacaddu ay ka bilawday Punntland Barnaamika Daraasaadka sare takhasusyada Sharciga & Qaanuunka, Educationka iyo Business Administrationka(MBA)

Jaamacadda Muqdisho oo ah jaamacaddii ugu horaysay ee laga aasaasay dalka waxaa la furay sanadkii1996 dii, waxaa illaa hadda ka qalinjabiyay 9 dufcadood 7 kulliyadood iyo barnaamijka daraasaadka sare ee hadda ay ka koobantahay.

Jaamacadda oo leh aqoonsi caalami ah ayaa waxa ay xubin rasmi ah ka tahay 6da urur Jaamacadeed caalamiga ah eek ala ah:

Midowga Jaamacadaha caalamka Islaaamka (FUMI). 2) Midawga Jaamacaddaha wadamada carabta.
Midawga jaamacadaha carabeed ee gaarka ah 4) Raabidada jaamacadaha islaamiga ah
5)Midawga Jaamacadaha Afrika 6) Midawga jaamacadaha caalamiga ah.

Akhbaarta Jaamicadda eeg websityada:

1. www.mogadishuuniversity.com 2. www.youtube.com/mogadishuuniversity

3. www.aaru.org 4. www.fuiw.org www.webmetrics.info/top100.asp

6. www.google.com/mogadoshuuniversity/s

Mahadsanidiin

Madaxa xasiiska Gudoomiyaha Jaamacadda

Adam Axmed Xuseen

Telephone: 826390 – 501228 – 501229

E-mail: Puntland@mogadishuuniversity.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Campuska Bosaso ee Jaamacadda Muqdisho – Ardayda Cusub oo u fadhiisatay Imtixaankii aqbalaadda sanadka 2009/2010 "

  1. Yusuf says:

    Mashaallah kheeir Alle Weeyne ha idinka siiyo dadkii dhisay jaamacadaan, amiin.
    Yusuf A.
    Holland